U bood dhigaalka

Booliska Saldhigga Hodan oo Gacanta ku Dhigay Eedaysane Mobile-da ka dafi jirey dalka Caasimadda ku nool

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Hodan, ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan eedaysane lagu magacaabo Maxamed Jibriil Aadan, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka dafi jiray taleefoonnada gacanta (mobile-lada) muwaadiniinta isticmaalaya waddooyinka caasimadda Muqdisho.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliska, eedaysanaha ayaa adeegsan jiray mooto nooca Fekon ah si uu si degdeg ah ugu fuliyo falalka mobile-dafista, taas oo cabsi ku abuurtay dadweynaha ku safra waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.

Booliska ayaa sheegay inay muddo ku daba jireen eedaysanaha, kaddib markii ay heleen xog iyo muuqaallo laga soo qaaday kaamirooyinka CCTV, kuwaas oo si cad u muujinayay eedaysanaha oo ka dafaya mobile muwaadin rakaab ah oo marayay waddada isku xirta Lambar Afar ilaa Isgoyska Soobe.

Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada Saldhigga Hodan ayaa ugu dambeyn lagu soo qabtay eedaysanaha, waxaana hadda uu ku jiraa gacanta Booliska. Saraakiisha ayaa intaa ku daray in eedaysanaha loo gudbin doono maxkamadda ku shaqada leh, si sharciga loo waafajiyo loogana qaado tallaabo ku habboon.