U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Dowladda Imaaraadku noolama dhaqmin sidii dal madax-bannaan oo mid ah”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo go’aankii dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ay ku laashay dhammaan heshiisyadii ay kula jirtay Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay lahayd xiriir wanaagsan oo diblomaasiyadeed oo ay la wadaagto Imaaraadka Carabta, hase yeeshee Abu Dhabi ay ku guuldareysatay inay ixtiraamto qarannimada, midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in tallaabooyin ay qaadday dowladda Imaaraadka ay ahaayeen kuwo si toos ah uga hor imanaya shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da xiriirka dowladaha madaxbannaan.
“Dowladda Imaaraadka Carabta uma dhaqmin sidii dal madax-bannaan oo mid ah, mana aysan ixtiraamin xuduudaha iyo go’aannada dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo xusay in falal badan la fuliyay iyada oo aan wax ogaal ah laga siin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in go’aanka lagu joojiyay heshiisyadii Imaaraadka uu yahay mid lagu ilaalinayo danta qaranka, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee dalka, isla markaana uusan ahayn mid lagu beegsanayo shacabka Imaaraadka ama xiriirka guud ee caalamiga ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay xiriir ku dhisan ixtiraam, iskaashi iyo deris wanaag, balse aysan marnaba aqbali doonin faragelin lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo saaxiibada Soomaaliya inay garab istaagaan dadaallada dowladda ee ku aaddan difaaca madax-bannaanida dalka, isagoo xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay inay dhisto dowlad ku shaqeysa sharciga, midnimo iyo go’aan qaran oo madaxbannaan.