U bood dhigaalka

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigey eedeysane loo haysto inuu dadka Mobile-da ka dhici jirey

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Hodan, ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane lagu magacaabo C/Maalik Ibraahiim C/raxmaan, oo ku eedaysan inuu dadka u sheegto inuu ka tirsan yahay Ciidanka NISA, kadibna muwaadiniinta inta meel luuq ah geysta ka qaata mobile-lada.

Falalkani uu samayn jirey oo isugu jira been-abuuri uu magaca ciidanka dhar-cadka ah ku sheegan jirey iyo dhac dadweyne ayay Boolisku ku tilmaameen dembiyo waaweyn oo dhan ah amniga iyo xuquuqda bulshada.

Baaris hordhac ah oo lagu sameeyay eedaysanaha ayaa lagu ogaaday in uusan ka tirsaneen dhammaan hay’adaha amniga ee dalka, sida uu sheegay taliska Booliska Gobolka Banaadir.

Eedaysanaha ayaa haatan ku jira  gacanta Booliska, baaris hordhac ah ayaana ku socota, ayadoo loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.