U bood dhigaalka

NISA oo Duleedka Afgooye Ku Dishay Xubin Al-Shabaab u Qaabilsanaa Miinooyinka Dhulka lagu Aaso

Taliska Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen xubin ka tirsanaa Al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ninka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa diyaarinta iyo aaska miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwaas oo inta badan lagu beegsado ciidamada ammaanka iyo shacabka.

Howlgalka ayaa lagu tilmaamay mid si gaar ah loo qorsheeyay, isla markaana lagu beegsaday xubno khatar ku ahaa amniga deegaannada ku dhow Afgooye.

NISA ma shaacin magaca ninka la dilay, mana faahfaahin khasaaraha kale ee ka dhashay howlgalka, balse waxay sheegtay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii wadi doonto si loo xaqiijiyo amniga guud ee dalka.