U bood dhigaalka

LAASCAANOOD: SOCDAALKA TAARIIKHIGA AH EE MADAXWEYNAHA JFS IYO DHANBAALLADII UU XANBAARSANAA

WQ: Asad Adaani Ibrahim
Qore & Siyaasi

Tan iyo markii Xukuumaddii Dhexe ee Soomaaliya burburtay sannadkii 1991kii, xaaladda Soomaaliya waxay ahayd mid aan siyaasad ahaan u degganayn, dalkuna wuxuu u jihaystay dagaallo sokeeye iyo kalaqoqobnaan bulsho, waxaana mar kasta soo dulmarayay doodda qabyaaladda iyo tan reeraha ku qotanta.

Burburkaasi wuxuu abuuray in maamulo yaryar dalka ka hanaqaadaan. Burburkii ka dib, maamulkii ugu horreeyay ee dalka Soomaaliya laga sameeyay wuxuu ahaa maamulka “Soomaalilaan” oo isagu qaatay aragti goonigoosad ah. Dadkii degaankii la isku oran jiray “Soomaalilaan” wixii ka horreeyey 1dii Julaay 1960kii waxa ay saamayn taban ka soo gaartay ku dhawaaqistii aragtida gooni-isu-taagga. Xaaladahaas waxay abuureen in doodo badan ka abuurmaan qaabka dalka loo maamulayo, fikradda dalka lagu kala dhantaalayo, iyo sida mawqif looga qaadan lahaa; waana aragtida keentay in qaar ka mid ah Beesha Caalamku ay si sibiq ah ugu kadsoomaan aragtida oranaysa in loo wada hadlo labadii gobol ee midoobay sanadkii 1960kii, isla markaasna siyaasiyiin Soomaaliyeedna ay aragtidaas u hoggaansameen.

Isbeddelladii dhacay bilowgii sagaashameeyadii waxay sii xoojiyeen in beeluhu samaystaan maamulgoboleedyo, waxayna taasi ku timid markii xalkii siyaasadeed ee Soomaaliya uu raagay, dadkuna ka niyadjabeen in qaranjebkii dhacay laga soo doogo. Arrintaas ayaa soo dedejisay in sidoo kale la sameeyo maamulka Buntilaan, sannadkii 1998kii. Shirkii Carta isaguna wuxuu soo bandhigay qorshe kale oo markaas la istusay in dalka lagu xasilin karo, waana hannaanka 4.5ta oo ah kan ilaa hadda saldhigga u ah saammiqeybsiga kuraasta Baarlammaanka Soomaaliya.

Dadkii iyo dalkii Soomaaliyeed oo sidaas u kala fadhiya, ayaa dalka Soomaaliya waxaa ka hanaqaaday xukuumado aan awood badan lahayn, hasayeeshee ku hubaysan sharciyaddii Dastuurka Soomaaliya iyo go’aamo ka soo baxay Qaramada Midoobay oo lagu xoojinayo midnimada dalka Soomaaliya.

Dhammaan madaxweynayaashii Soomaaliya ee xilalka soo qabtay wixii ka danbeeyay Shirkii Carta ee 2000 waxay dhibbane u noqdeen aragtidii odhanaysay in aysan ku dhiirran tallaabooyin wiiqaya damaca goosata, isla mar ahaantaasna xoojinaya midnimada dalka, marka laga reebo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ee gidaarkaas jebiya, isla markaasna fuliyay qodobbada Dastuurka Soomaaliya kaalinta kowaad kaga jira, ee ahaa ilaalinta midnimada iyo bedqabka dhulka Soomaaliyeed.

Dhacdooyinkii aan goobjoogga u ahaa waxaa ka mid ahaa sannadkii 2005tii, markii xukuumaddii xilligaas dalka ka talinaysay ay awoodi kari wayday inay u gudubto magaalada Laascaanood. Xujada ugu weyn ee ay bulshada la wadaagtayna waxay ahayd in Beesha Caalamku ka codsatay in aysan dhinaca waqooyi u dhaafin Garoowe oo ay xilligaas ka soo degeen Madaxweynihii iyo Ra’iisalwasaarihii xilligaas – Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisalwasaare Cali Maxamed Geeddi.

Wasiir ka mid ahaa xukuumaddaas ayaa ii sheegay annagoo garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku sugan in Beesha Caalamku ku cadaadisay inaysan dhaafin Garoowe, xilligaasna magaalada Laascaanood oo Garoowe u jirta 130km waxaa gacanta ku haysay Dawladda Buntilaan. Markii madaxda qaranka ee xilligaas la weydiiyay waxa ka jira in Beesha Caalamku ku cadaadisay inaysan Laascaanood u gudbin, waxay ku afgobaadsadeen “waan tagaynaa, wafti culus ayaanu u diraynaa”, hasayeeshee waxay booqdeen magaalooyinka Garoowe, Gaalkacayo iyo Boosaaso, waxayna dib uga dhoofeen magaalada Boosaaso. Dhammaan madaxdii ka danbaysay raggaasna, mar kasta oo ay Garoowe yimaadaan, way awoodi kari waayi jireen inay gaaraan Buurawadal oo Garoowe u jirta 30km, iyada oo lagu casuumay inay soo booqdaan.

Socdaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Laascaanood wuxuu ahaa socdaal taariikhi ah oo burburiyay dhammaan caqabadihii hortaagnaa hirgelinta Dastuurka Soomaaliya ee arrimahan la xidhiidha, kuwaas oo midnimada iyo badqabka dhuleed ee Soomaaliya si cad u qeexayay. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu soo afjaray dood ay soo gudbin jireen goonnigoosadku oo odhanaysay in haddii madaxda qaranku soo booqdaan degaannadaas ay dhibaato weyn ka dhici doonto, iyagoo u sawiri jiray in bulshada degaanku taageersan yihiin aragtidooda, inta ka soo horjeedana aysan saamayn lahayn.

Hore ayuu u xaqiijiyay Ra’iisulwasaare Xamse in degaanku yahay degaan nabdoon oo dadkiisu taageersan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Hasayeeshee tegiddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay ku soo beegantay xilli xaasaasi ah oo ay tahay in maanta la muujiyo wadajirka bulshada iyo is-ahaanshaheeda.

Safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay caasimadda Dawladgoboleedka Soomaaliyeed ee Waqooyibari ee Laascaanood, iyadoo madaxweyne Soomaaliyeed ugu danbaysay inuu booqdo 1986kii, wuxuu ahaa safar taariikhi ah, isla markaasna diray dhanbaallo badan oo hal dhagax shan shinbirood lagu wada abbaaray:

  1. Wuxuu Madaxweynuhu dhanbaal u diray bulshada Soomaaliyeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna u sheegay in dalku mid yahay sida ku cad Dastuurka JFS.
  2. Wuxuu dhanbaal u diray maamulka goonigoosadka ah ee Waqooyigalbeed oo uu u sheegay in la soo gaadhay xilligii dooddiisa la soo afjari lahaa.
  3. Wuxuu dhanbaal u diray dunida Carabta iyo Beesha Caalamka, isagoo u sheegay inuu dalka waqooyi iyo koonfurba ka taliyo.
  4. Wuxuu dhanbaal u diray Isra**l, isagoo sheegay inuu ka taliyo inta badan deegaanka Waqooyiga Soomaaliya.
  5. Wuxuu dhanbaal u diray bulshada reer Waqooyibari, isagoo tilmaamay inay ka shaqeeyaan horumarinta degaankooda.

Gabagabadii, socdaalkani wuxuu soo afjaray doodo badan oo dhinac walba leh, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sheekh soo arkay bulsho midnimadu dhab ka tahay, oo nabadgalyo ku nool. Inuu si nabad ah u tago, labo habeen iyo saddex maalmoodna bulshadiisa ku dhex qaato, waxay caddaysay sida Dawladda Waqooyibari iyo magaalada Laascaanood diyaarka ugu yihiin inay kaalintooda ka qaataan dibudhiska qarannimada ummadda Soomaaliyeed—Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuudna sidaas ayuu taariikhda ugu galay in uu noqday: dalmideeye, dalxoreeye, iyo geesi dhiirran.