U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Soomaaliya iyo Qatar ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi difaac oo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka militari iyo ballaarinta wada-shaqeynta amni ee u dhexeysa labada dal.

Heshiiskan waxaa kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Wasiirka Difaaca Qatar, Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al-Thaani, xilli ay labada dhinac ku kulmeen shirka Bandhigga iyo Shirweynaha Caalamiga ah ee Difaaca Badda ee ka socda magaalada Doha (DIMDEX).

Heshiiska ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga difaaca, horumarinta hannaanada isku-xirka amniga, iyo taageeridda dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida heer gobol iyo mid caalami ah.

Sidoo kale, heshiiskani wuxuu muujinayay iskaashi istaraatiijiyadeed oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar, iyadoo labada dal ay wadaagaan danaha ku aaddan ballaarinta wada-shaqeynta dhinacyada difaaca iyo amniga la xiriira.