U bood dhigaalka

Kooxda Shabaab oo Weerar Qaraxyo ku Bilowday ku qaaday Buurgaabo

Dagaalameyaasha ururka Al-Shabaab ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhig ay ciidamada Jubbaland ku leeyihiin magaalada Buurgaabo ee gobolka Jubbada Hoose.

Magaalada Buurgaabo ayaa ku taalla dhanka xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo sidoo kale ku dhow magaalada Raaskambooni oo ah dhul xeebeed ka tirsan Jubbada Hoose.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, weerarka kadib waxaa dhacay dagaal xooggan oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada khasaaraha.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xaaladda amni ee Buurgaabo ay weli kacsan tahay, isla markaana la maqlayay hub culus oo la is weydaarsanayo saacado kadib markii uu billowday dagaalka.

Dhinaca kale, maamulka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan dagaalka iyo xaaladda dhabta ah ee ka taagan Buurgaabo, iyadoo weli laga sugayo warar dheeraad ah.