U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay eedaysane loo haysto dhac bulsho

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Hodan, ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane loo haysto ku luglaanshaha dhac bulshada loo geysan jiray, ayadoo adeegsanayo dharkii iyo hubkii loogu tala-galay in lagu difaaco.

Eedaysanahan oo lagu magacaabo D/le Subeer Xaaji Maxamed ayaa mooto fekon wadan jirey, islamarkaana dhaca la fulin jiray eedaysane horey dhaca is xig-xiga uga gaystay dhowr degmo oo caasimadda ah.

Eedaysanaha ayaa hadda ku jira gacanta Booliiska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loogu waafajiyo, sida uu sheegay Taliska Boolisku

Booliska ayaa horay u sheegay inay mamnuuc tahay in askari hubaysani uu isticmaalo mooto fekon ama lagu arko gudaha caasimadda isagoo aan shaqo ku jirin, Cidii jebisa awaamiirtaas waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah.