U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Qadar oo ka wada-hadlay Xoojinta wada-shaqaynta amni ee labada dalka

Soomaaliya iyo Qatar ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sare u qaadidda iskaashiga hay’adaha amniga ee dowladahan walaalaha ah, islamarkaana ka wada tirsan ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan  la yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Cabdulcasiis bin Faysal bin Maxamed Aal-Thaani.

Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya labada dal, iyo horumarinta hababka wada shaqayneed ee dhinacyada la xiriira.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya dowladdaha Qatar iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya