U bood dhigaalka

AFRICOM oo Duqeyn Cirka ah ka Fulisay Buuraleyda Golis, Bartilmaameedkuna ahaa ISIS-Soomaaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in uu duqeyn cirka ah ka fuliyey deegaan ka tirsan Buuraleyda Golis, qiyaastii 66 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso, taas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan ISIS-Soomaaliya.

AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in duqeyntan lagu fuliyey iskaashi buuxa oo ay wada leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Mareykanka, iyadoo ujeedadu tahay in la wiiqo awoodda ISIS-Soomaaliya ee khatar ku ah amniga Soomaaliya, gobolka iyo danaha Mareykanka.

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu xusay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo halis ku ah ammaanka gudaha Mareykanka, ciidamada Mareykanka iyo muwaadiniinta ku sugan dibadda.

Duqeyntan ayaa imaneysa iyadoo maalmihii u dambeeyay AFRICOM ay fulisay weerarro cirka ah oo kale, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday al-Shabaab gobollada kala duwan ee dalka, gaar ahaan Dooxada Jubba Hoose.