Uganda oo ku Dhawaaqday inay Ciidamadeeda kala Baxayso Soomaaliya
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in Uganda ay qorshaynayso inay si buuxda uga baxdo Soomaaliya, la dib 19 sano oo ay ciidamadeedu ku sugnaayeen dalkaas. Hadalkan ayuu jeediyay maanta oo taariikhdu tahay 26ka Janaayo 2026.
Muhoozi Kainerugaba ayaa sheegay in ka bixitaanka uu dhici doono “waqti dhow,” isagoo xusay in doorka Uganda ee hawlgallada amniga Soomaaliya uu marayo gabagabo.
“Ka dib 19 sano oo aan ku sugnayn Soomaaliya, Uganda waxay damacsan tahay inay si buuxda uga baxdo dalkaas waqti aad u dhow,” ayuu yiri.
Uganda ayaa ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee ciidamo u soo diray Soomaaliya, iyadoo door muhiim ah ka qaadatay hawlgallada AMISOM iyo ATMIS ee ladagaallanka al-Shabaab iyo sugidda amniga guud.
Go’aankan ayaa imanaya xilli uu jiro qorshe caalami ah oo mas’uuliyadda amniga si tartiib ah loogu wareejinayo ciidamada Soomaaliyeed oo muddooyinkii danbe u muuqday in ay ku filanyihiin gacankuhaynta goobihii ay hore uga la wareegeen ciidamada shisheeye.