U bood dhigaalka

Saamiya Yuusuf: Ubaxii Dambaska ka Dul Baxay

“Mar haddaanad geerida horteed geesiga aqoonsan,
Goblan weeye Soomaaliyeey garashadaadiiye.”
— Cali Sugulle Cigaal (Duncarbeed).

Beryihii hore, baraha xidhiidhka bulshadu waxay ahaayeen gole ay ku kulmaan inta hanka iyo aqoonta saaxiibka la ah. Waxay ahaayeen fadhi-ku-dirir caqliyeed oo lagu kala faa’iidaysto. Laakiin, maalintaas war wacaalkii hore ka geddisan ayaa la isla dhexmarayay. Waxaa afka lagu wadahayaa gabar yar oo Soomaaliya u ordaysay, se maadaama aan xirfaddeeda iyo waayaragnimadeeda orodeed toona lagu xulan, ay caalamka nooga soo jiidday maad. Waxay innagu sababtay dacaayad iyo jeesjees maalmo warbaahinta caalamka haystay. Waa ciribdanbeedka dhabta ah kolka bulshada qof walba doorkiisa la weydaariyo, sabab kasta ha loo sameeyee. Haddaba, isla maalmahaas, waxaa hadalhaynta baraha bulshada ka soo dhex muuqday magaca halyeeyad Saamiya Yuusuf Cumar.

Waxaan aad uga qarracmay faallooyinkii ay dadkeedu ka dhiibanayeen oo ahayd; “Waa ayo Saamiyo, ma annagaa garanaynaba, may iyadu inoo tartanto?” Waxay igu noqotay fajac iyo qarracan in aysan dhallinyaradeennu Saamiyo aqoon u lahayn. Tani ma aha garashaxumo u gaar ah dadkaas uun, se waa habacsanaan aynu ku caanbaxnay; oo ah in aynan xil iska saarin halyeeyada ummmaddeenna, nolol iyo geeriba.

Sideedaba, waxa qarannimada qiimaha u yeela ma aha weynaynta kan nool ee waxgalka ah uun, ee waa maamuuska iyo xuska haldoorradii galbaday. Sababtaas ayaa keentay inaan buugga Saamiya afkeenna ugu soo rogo.

Dabayaaqadii 2020kii ayaan markii ugu horraysay akhriyey sheekadeeda iyada oo af Carabi ku qoran. Runtii isbarasho xanuun iyo uurkutaallo wadata ayaa inna dhexmartay. Dhab ahaantii waan ilmeeyay markii aan ogaaday inay baddu liqday iyadoo haybinaysa riyadeedii. Waxay ahayd ubax carradiisu dhimatay.

Nasiibdarro ayay ahayd in aan sheekada Saamiya laga aqoon dalkii ay u dhalatay, halka ay dunida inteeda kale sheekadeedu ku qornayd afaf badan. Runtii waa wax laga caloolgubyoodo inaad aragto halyeygaagii oo aan dalkiisa laga aqoon. Saamiya waxay ahayd gabar madoow, dhuuban, oo firfircooni ka buuxdo. Waxay astaan togan u ahayd kartida haweenka Soomaaliyeed ee door weyn ka qaatay samatabixinta qarankeenna. Waxay ahayd dhalad uu dalkeedu hagraday, dadkeeduna godobbeeyeyeen, hase ahaatee, ma aysan dhiman abuurteedii xariirta ahayd oo waxay garatay inaysan quusan. Degaan dhintay ayay joogtay iyada oo riyoonaysa. Dhul ay gef iyo khalad ahayd in la fikiro ayay himilo ka goobaysay. Waddooyin ay xinjiro quban yihiin ayay ordi jirtay, waxay ruclaynaysay badda xeelligeeda oo biyuhu raqda rag iyo dumar ku soo caariyeen.

Waxa ay go’day iyada oo aan weli quusan, iyada oo aan daalin oo noloshii ay mudnayd raadinaysa. Maadaama uu dhulkeedii wada noqday xabaalo qodan, suryo walbana malaggii wedka ka qaadi lahaa taaganyahay ayey hayaankaas u doorbidday. Jidkaas qof cidla’ ciirsila’ taagan ayaa wajaha, waana tijaabo aad u adag in ruuxu tub wada qodxo leh qaado si uu geerida uga badbaado. Halkudhigeeddu wuxuu ahaa: “Ha cabsan, cabsidu culayska ayay kugu siyaadisaa uun.” Inkastoo sheekadani tahay dacal yar oo laga soo jaray sheekooyin badan oo silic ah, haddana waxay ina xasuusinaysaa wixii halyeeyo ku laqmaday halaaggii dhulkeenna ka hulaaqmay.

Halgankii iyo Hafashadii Saamiya:

Waa 19kii Agoosto 2008dii. Indhaha caalamka oo dhammi waxay ku jeedaan garoonka caanka ah ee Bird’s Nest. Waxaa la sugayaa dhawaaqii rasaasta ee tartanka orodka haweenka ee 200 mitir. Saamiya Yuusuf Cumar ayaa ka mid ah tartamayaasha; waxay iyadoo dhuuban, oo bawdyo yaryar, dhex taagan tahay haween ka murqo waaweyn oo tan iyo yaraantoodii loo carbinayay orodka—hablo dalkoodii iyo dadkoodiiba ay dhinac kasta ka diyaariyeen. Saamiya waxay luqunta ka dhex taagaysaa haween si walba u laylisan.

Waxay xidhan tahay shaati cad oo gacmo dheer iyo surwaal madow; dharkeedu ma aha midka casriga ah ee orodyahannada, laakiin wejigeeda waxaa ka muuqda niyadsami iyo kalya-adayg. Waxay taagan tahay jidka labaad. Markii la yeeriyay siiriga ama firinbiga, waxaa hal mar wada yaacay hablihii oo dhan. Durbadiiba, waxay ku gudbeen xawaare sare, laakiin Saamiya, inkasta oo ay karaankeedii isugu geysay, haddana aad bay uga danbaysay hablihii kale. Waxay ordaysay qeybta dambe. Kolkii ay kuwii kale gaareen dhibicda dhammaadka, Saamiya waxay weli dhex ordaysay badhtamaha garoonka—iyada iyo jidka kaliya ayaa isku soo haray. Hadafkeedu ma ahayn inay keento guul, balse wuxuu ahaa inay xarriiqda dhammaadka gaarsiiso calanka Soomaaliya. Middaasna way ku guulaysatay.

Markaas ayaa waxaa garoonkii ka dhacay arrin fajaciso ah; hal mar ayaa sacab iyo sawaxan isqabsaday. Kumannaankii qof ee daawanayay ayaa u sarakacay gabadhan yar ee ka timi waddanka colaaduhu hareeyeen, haddana dhiirranaantaas garoonka la timid. Waxay majeerteen dhibicda dhididka ah ee dhafoorkeeda uga hoortay matalaadda dadkeeda iyo dalkeeda abaaruhu maasheeyeen. Laakiin ayaandarro, sawaxankii Beijing ma uusan noqon mid dalkeedii uga horseeda soodhowayn iyo muunayn. Markii ay dib ugu laabatay waddankii, Saamiya waxay dhex muquuratay hirar ka baaxad weyn kuwii garoonka. Waxay la kulantay hanjabaado uga imanayay kooxaha hubaysan iyo go’doonno nololeed maadaama ay ku noolayd xero barakac.

Hammigeedu wuxuu ahaa inay ka qaybgasho tartankii London ka qabsoomi lahaa 2012kii, waxayna u tafaxaydatay sidii ay riyadaas u rumayn lahayd. Waa inaan calankayga halkaas geeyaa, ayey hoos isugula faqday mar kale. Waxay u hayaantay Addis Ababa, iyadoo haybinaysa tababare xirfaddeeda kaaba, balse halkaasna waxaa kaga xirmay albaabbadii rejada ka dib markii ay wayday tababare, iyo urur ay ku biirto. Mar kale ayay, haddana, maquuratay walaac iyo niyadjab. Se ma ay quusan, ee waxay go’aansatay inay u bareerto “safarkii geerida”.

Ugu danbayntii, bishii Abriil ee 2012kii, Saamiya waxay raacday doon yar oo ay ka buuxaan boqollaal tahriibayaal ah. Iyadoo aragta iftiinka xeebaha Yurub, oo ay is leedahay “halkaas ayay riyadaadu ku dhowdahay,” ayaa hirarkii badda Mediterranean-ka ahi liqeen gabadhii calanka u sidday qarankan liicay. Saamiya waxay adduunka uga tagtay sheeko xanuun badan oo ka marakacaysa dhibka uu maro qofka Soomaaliyeed ee ku dhex riyooday dhul ay gef tahay rejada iyo riyadu. Sheekadeedu ma aha uun ayaandarro se waa qiso tebinaysa dheddig dunida loox ugu dhigtay macnaha dhabta ah ee nafhurka.