BIL KA DIB AQOONSI-BEENAADKII UU KAYAANKA ISRAA’IIL SIIYAY MAAMULKA SOOMAALILAAN MAXAA KA DHASHAY?
Soddon maalin ka dib aqoonsi-ku-sheeggii Netanyahu uu siiyay maamulka Soomaalilaan, dadweynuhu waxa ay si weyn u difaacdeen aqoonsigaas, marka laga reebo culimo maalmahan danbe si weyn arrintaas uga hadashay oo uu ugu weynyahay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaryun. Laakiin, si guud, rayulcaamka Soomaalilaan aad uguma kala qeybsamin, waxaana si weyn u muuqata midnimo guud, si gaar ah Beesha Dhexe ee Soomaalilaan. Waxaad mooddaa in aqoonsi-beenaadkan waxa uu dhiig ku shubay adkaysiga dadka, isaga oo abuuray himilo lagu gaari karo aqoonsiyo kale oo caalami ah.
Maamulka Soomaalilan waxa uu ka sii dheefay aqoonsi-beenaadkan, in ololihii xoogganaa ee Israa’iil si toos ah galkooda gacanta ugu sii galayo, oo Dawladdii Imaaraadka galku ka sii dallacay, taas oo laga dheehan karo sidii Hoggaamiye Cirro looga qeybgaliyay kulamadii gaarka ahaa ee martida shirka Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos ka dhacay halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Israa’iil.
Marka la eego burburka maanta ku socda nidaamka caalamiga ah (world order), dunida maanta la joogo waxa ugu xooggan waa ololaha (lobby) iyo danaha la iska leeyahay (interest-based), halka markii hore si istaraatiij iyo sharciyo wax lagu fiirin jiray.
Dhanka Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, safarkii Laascaanood oo saamayno kaloo siyaasadeed oo aan Soomaalilaan kaliya ahayn lahaa, haddana waxa uu ahaa dhaawac dhab ah (defacto) oo loo geystay dooddii goonigoosadka ee Soomaalilaan, oo ahayd in xuduudaheedu yihiin dhulkii waqooyiga ee uu Ingiriiska gumaystay (British Somaliland), laakiin sida dhabta ah ma muuqdaan dadaallo kale oo Dawladdu samaysay, marka loo eego mugga xadgudubkii uu Netanyahu innagu la kacay.
Dhanka shacabka kama muuqato baraarug aad u xooggan marka laga reebo bannaanbaxyo kooban oo u muuqday kuwo gacan-ku-rimis ah, oo ka dhacay magaalooyinka qaar. Xukuumadda Federaalka ah kuma dhaqaaqin kaarar muhiim u ahaa shiiqinta aqoonsiga oo uu ka mid yahay dedejinta maamul-u-samaynta bulshada reer Awdal iyo abaabulkooda, maadaama ay halkaas ka jiraan rabitaanno looga soo horjeedo maamulka Soomaalilaan ee Waqooyigalbeed.
Ilaa iyo hadda, waxaa saamayn wax-ku-ool ah laga sameeyay dhanka diblomaasiyadda, oo dalalka gobolka ugu saamaynta badan ee Sacuudiga, Masar iyo Turkiga si weyn ugu soo horjeesteen. Dhanka kale kulankii Golaha QM, isagana waxaa si weyn midmimada Soomaaliya u taageeray inta badan dalalka caalamka oo uu Ingiriisku ugu horreeyo, taas waxa ay muujinaysaa in reer Galbeedka aysan hadda wax rabitaan ah ka muujin aqoonsi Soomaalilaan la siiyo.
Ra’yulcaamka Carabta iyo guud ahaan dalalka Muslinka ah, ayaa si weyn isu beddelay, waxaana doodaha midnimada Soomaaliya la gaarsiiyay meel aysan hore u joogin, waxaana qaddiyadda midnimada Soomaalida, mid Muslin iyo caalamiba, waxaana saaciday faragalintii Imaaraadka ee dalalka Yamen iyo Suudaan, si toos ahna waa la iskugu xiray, waxaana ka dhashay in Dawladda Sacuudiga ay u aragto khatar ka dhan ah amnigeeda qowmiga ah.
Hayeeshee ma ku filan tahay intaas oo kaliya marka loo eego mugga khatarta uu Natanyahu qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya ugu aqoonsaday dawlad gaar ah. Dawladdu ma jiraan kaladoorashooyin xaqiiq ah (defacto policy options) oo lagu wiiqi karo nidaamka gooni-goosadka? Khatar noocee ah ayaa ka sii dhalan karta in taliska Israa’iil uu si toos ah qeyb ka mid ah Soomaaliya u yimaado, iyada oo la ogyahay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Israa’iil uu Hargeysa ka soo degay?