66 Sano: 25 Taliyayaal iyo Cabaqadaha Horyaalla Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (1960–2026)
Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya waa hay’adda ugu muhiimsan ee ilaalisa ammaanka dalka, gaar ahaan dhulka.
Qeybta Militariga waa lafdhabarta ciidanka, iyadoo mas’uul ka ah difaaca qaranka, sugidda xuduudaha, iyo ka-hortagga khataraha gudaha iyo dibedda.
Tan iyo markii Soomaaliya ay xorriyaddeeda qaadatay sanadkii 1960, ciidanka militariga ayaa soo maray taliyayaal oo 25 ah (1960–2026), kuwaas oo mid waliba door muhiim ah ka ciyaaray horumarinta iyo ilaalinta awoodda ciidan ee dalka.
Muddada 66 sano ee la soo dhaafay, taliyayaashu waxay waajahen caqabado badan oo siyaasadeed, amni, iyo tababar, iyadoo ciidanka uu mar mar la kulmay isbeddellada xukuumadaha iyo xaaladaha dagaal.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu lahaa saddex talis oo kala ah:
- Cirka
- Badda
- Difaaca cirka
Ma jirin talis ciidan oo dhul, maxaa yelay saddexdaas laamood inta ka soo harta oo 85% ah ayaa dhul ahaa, waxayna ay u qeybsamayeen:
Qeybta 26aad
Qeybta 21aad
Qeybta 60aad
—iyo labo saldhig oo qeybo u dhigma balse hadda ciidanka ugu badan waa Taliska Ciidanka Dhulka.
Taliyayaashii soo maray taliska Ciidanka ayaa kala:
- Sarreeye Guuto Daa’uud Cabdulle Xirsi. 1960-1965
- Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre. 1965-1969
- Sareeeye Guud Maxamed Cali Samatar. 1969-1981
- Sarreeye Gaas Cumar Xaaji Maxamed Masalle. 1981-1982
- Sarreeye Guuto Aadan Cabdullaahi Nuur (Aadan-Gabyow).
1987-1988. - Sarreeye Gaas Maslax Maxamed Siyaad. 1988-1990
- Sarreeye Gaas Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan). 1990-1991
- Sarreeye Gaas Ismaaciil Qaasin Naaji. 2000-2003
- Sarreeye Gaas Cabdi Axmed Guuleed. 2002-2003
- Sarreeye Gaas Cabdullaahi Cali Cumar (Ina libaax sankataabte). 2003-2004
- Sarreeye Gaas Saalax Xasan Jaamac (Saalax Liif). 2004-2005
- Sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere). 2007-2008
- Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal. 2008_2009
- Sarreeye Gaas Maxamed Geelle Kaahiye. 2009-2010
- Sarreeye Gaas Axmed Jimcaale Geeddi (Ahmed Cirfiid). 2010-2011
- Sarreeye Gaas Cabduqaadir Sheekh Diini. 2012-2013
- Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe). 2013-2015
- S/Gaas Maxamed Aadan Ahmed (Buud). 2015-2016
- Sarreeye Guuto Axmed Jimcale Geeddi (Ahmed Cirfiid). 2017
- Sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod). 2017-2018
- Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe). 2018-2019
- Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage. 2019-2023
- Sarreeye Guuto Ibraahin Sheekh Muxiyidiin. 2023-2024
- Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage. 2024-2026.
- Sarreeye Guuto Ibraahin Maxamed Maxamuud. 2026 – maanta ayaa la magacaabay oo ah January 29, 2026.