U bood dhigaalka

MADAXWEYNE DHIIRRO!

WQ: Bashiir Maxamed Cali
Falanqeeye siyaasadeed

Waxaa jirtay oraah markii danbe halhays noqotay oo ay tiri Margret Thatcher, Ra’iisalwasaarihii Hore ee dalka Ingiriiska, taas oo ahayd: “Haddii aad doonto dib u noqo adigu, haweenaydani dib u noqon mayso (You turn if you want to, the lady’s not for turning.)” Waxa ay ku jirtay khudbad ay ka jeedisay shirweynihii Xisbiga Asalraaca (Conservative Party), 10kii Oktoobar 1980kii. Margret waxa ay khudbaddaas jeedisay waqti uu culays badan ku yimid barnaamijkeedii furfurista dhaqaalaha dalka ee gacanta dawladda ku jiray ee (economic liberalization). Shaqa-la’aantu waxay waqtigaas maraysay meel aad u sarraysa oo 2 milyan oo qof ayaa shaqa-la’aan ahaa, dhaqaalihii dalkana si rasmi ayuu galay hoosudhac (economic recession).

Marka laga soo tago bannaanbaxyada rabshadaha watay ee ay hor kacayeen ururada shaqaalaha iyo Xisbiga Shaqaalaha (Labor Party) waxaa waqtiga ay khudbaddan jeedinayso Thatcher ka hor yimid xitaa Edward Heath oo ahaa Ra’iisalwasaarihii dalka UK 1970-74 iyo Gudoomiyihii Xisbiga Asalraaca ee iyada booska u banneeyay. Waxaa xusid mudan in xaaladdu sii xumaatay, shaqa-la’aantiina ay gaartay 3 milyan oo qof ka hor 1982dii intii uusan dhaqaalaha UK soo fiicnaan, dalkuna dib uga soo kaban hoosudhicii dhaqaalaha ee ku yimid.

Margret Thatcher waxay diidday inay ka leexato dariiqii ay haysay dhagna jalaq uma ay siin shaqa-la’aanta baahday iyo mudaaharaaddada aan kala joogsiga lahayn ee ay wadeen mintidiintii ka socday ururrada shaqaalaha. Jidkii siyaasadeed ee qodxaha badnaa ee Margret Thatcher ay ku geeddigalisay UK illaa maanta oo laga joogo 45 sano dhinacna loogama leexan, Xisbiga Shaqaalaha iyo midka Asalraaca, ciddii doonto talada dalka hala wareegtee.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maanta wuxuu taagan yahay isgoyskii ay Thatcher taagnayd oo kale. Qabyatirka dastuurka iyo baahinta hannaanka doorashooyinka golaha degaan ee Muqdisho ka qabsoomay, waa labo tiir oo muhiim u ah in dawladnimada Soomaaliyeed ay ka gudubto xakabadda iyo jidgooyada sida kutalagalka ah loogu horgudbay. Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka muuqda baraarug iyo rabitaan ku aaddan inay tahay inay helaan dawladnimo dhab ah, si looga badbaado khataraha isdabajoogga ah ee dunida casriga ah. Waxaa tusaale inoogu filan sida shacabka Soomaaliyeed ay uga xumaadeen in markii ay dawladdooda qaadday tallaabooyin lagu sugayo amniga iyo midnimada dalka—oo ay ka mid ahayd baabi’inta heshiisyadii iskaashi ee ay la lahayd Imaaraadka Carabta—in wax ka yar shan saacadood gudahood ay go’aankaas kasoo horjeestaan Buntilaan iyo Jubbalaan. Tani waxay si cad u muujinaysaa heerka aadka u hooseeya ee uu gaarsiisan yahay kaladaadsanaanta dawladnimada Soomaaliyeed. Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed xiiso uma qabaan in lagu noqdo musuqmaasuqii doorashadii 2022dii, ee lagu soo doortay mudanayaasha Baarlamaanka 11aad, taas oo ay madaxda maamulgoboleedyada dadkay doonayeen liisas ku soo qorteen, halkii la raaci lahaa heshiiskii doorashada ee dhigayay in 101 ergo ay soo doortaan kursi kasta oo Baarlamaanka Federaalka ah.

Shacabka Soomaaliyeed waxay baahi weyn u qabaan in la labajibbaaro dadaalka diblomaasiyadeed ee ay Dawladda Federaalka ah uga soo horjeeddo go’aankii ay Israa’iil dalka gaarka ah ugu aqoonsatay Soomaalilaan. Si loo difaaco qarannimada dalkana waxaa lagamamaarmaan ah in ay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed la gasho heshiisyo istiraatiiji ah oo ku salaysan iskaashi difaac, siyaasad iyo dhaqaale dalalka Carabta iyo Islaamka ee faragalinta Israa’iil ee Badda Cas uu welwelka ku hayo.

Maadaama aysan suurtagal ahayn in dawlad mudda-xileedkeedii uu 4 bilood ka harsan yahay ay qabato hawlahaas aan soo sheegnay ee muhiimka ah, waxaa lamahuraan ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hortago labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah, una soo jeediyo ajande muddakordhin labo sano ah, si loo dhammaystiro dhismaha dawladaha hoose, dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah, loogana miradhaliyo dadaallada lagu difaacayo midnimada iyo jiritaanka dalka.

Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan dhegaysan hadallada ka soo yeeraya danleyda ka faa’iidda in dalka uusan ka bixin jahawareerka siyaasadeed, kuna dhiirrado go’aanka muddakordhinta ee baahida weyn loo qabo, Soomaaliya waxay cagta saari doontaa waddadii ay ku gaari lahayd dawladnimo dhab ah, ugana badbaadi lahayd khataraha jira. Haddiise Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka maago inuu qaato go’aankaas oo waxba kama jiraan laga soo qaado dhammaan hawlihii muhiimka ahaa ee ay Dawladda Federaalka ah hormarka ka soo gaartay, muddadii ay xilka haysay iyo kuwa hadda taagan, taariikhdu waxay ku xusi doontaa hoggaamiye ka gaabsaday go’aan dhiirranaan u baahnaa xilli ay dadka iyo dalka Soomaaliyeed u baahnaayeen hoggaamiye dhiirran oo ka saara khatar dadka iyo dalka soo wajahday.

Ugu danbayntii, Madaxweyne waa lamahuraan in aad muujiso daacadnimo iyo hawlkarnimo horseedi karta in shacabku kalsooni ku qabo in aad daacad ka tahay ka gudbinta Soomaaliya xilligan adag, iyo xaqiijinta himilooyinka doorasho dadweyne oo daahfuran iyo dastuur dhammaystiran. Waxaa kale oo muhiim ah inaad sii xoojiso wadahadallada mucaaradka, kuna qanciso in la joogo waqtigii loo midoobi lahaa danaha qaranka si dalka looga badbaadiyo halisaha uu wajahayo.