U bood dhigaalka

​Dowladda Soomaaliya oo ka Digtay Ciidamo iyo Hub si Sharci-darro ah lagu soo Geliyo Muqdisho



Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin culus oo ku aaddan amniga caasimadda, ka dib markii ay sheegtay in la isku dayay in ciidamo iyo hub aan fasax haysan laga soo dejiyo Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

​Iskudayga soo Daabulista Ciidanka

​War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xubno ka tirsan Madasha Mustaqbalka, oo qeyb ka ah shirka wada-hadallada ee ka furmaya Muqdisho, ay saaka isku dayeen inay diyaarado ku soo rartaan ciidamo iyo hub aan la garanayn ujeedkooda.

Wasaaraddu waxay falkaas ku tilmaantay “xadgudub” ka dhan ah habraacyada amniga ee horay u yaallay.

​Wasaaraddu waxay caddeysay qodobbada soo socda:

​Habraaca Amniga: In dhammaan madaxda dalka (heer Federaal, heer Gobol, iyo Madaxdii hore) ay ku qasban yihiin inay raacaan baratakoolka amniga ee garoonka iyo caasimadda.

​Diidmo qayaxan: Maamulka amniga ma aqbali doonaan ciidan iyo hub aan soo marin nidaamka rasmiga ah ee dowladda u degsan.

​Ammaanka Garoonka: Waxaa la xoojiyey ilaalinta amniga Garoonka Aadan Cadde si looga hortago wax kasta oo khalkhal gelin kara nabadgelyada.


​In kasta oo ay dowladda ka xumaatay falkan, haddana waxay mar kale xaqiijisay in martiqaadkii gogosha wada-hadalka uu weli taagan yahay.

Waxay ugu baaqday xubnaha Madasha Mustaqbalka inay dhowraan nidaamka si shirku ugu qabsoomo jawi degan oo xasiloon.