Alshabaab waa Calaamad Keliya oo ka Tarjumaysa Musiibada Soomaaliya: Wixii Sababay Weli Way Jiraan
WQ: Cabdi Ismaaciil Samatar
WT: Abdirahman H. Dahir
Muddo ka badan 14 sano, kooxda hubaysan ee Alshabaab waxay cabsi iyo falal argaggixisanimo ku haysaa gobollada koonfureed ee Soomaaliya. Himiladoodu waa in ay ku soo rogaan dalka oo dhan nidaam kalitalis argaggax ku dhisan, iyaga oo adeegsanaya cabsi iyo ficillo naxariisdarro ah, si ay bulshada u maamulaan. Si ay u gaaraan ujeeddooyinkaas, waxay iskudayeen in ay ka saaraan Dawladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee la shaqeeya.
Anigu muddo ka badan soddon sano ayaan ahaa arday baranaya oo daraaseeya dhaqaalaha siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxaan 33 sano ka hor saadaaliyay burburka Dawladda Soomaaliya iyo nidaamkeeda siyaasadeed. Falanqayntaas waxay muujisay xaaladaha xunxun ee ay Soomaalidu la kulmeen tan iyo markaas. Masiibada siyaasadeed iyo tan bini’aadannimo waxay ka horraysay soo ifbaxa kooxda argaggixisada ah – sidaas darteed, Alshabaab waa calaamad ka tarjumaysa dhibaatada Soomaaliya ee ma aha sababta dhabta ah. Waxaa jira labo qolo oo waaweyn oo masuul ka ah masiibada ay Soomaaliya la tiicayso. Kooxda ugu badan ee dabaqadda siyaasadda Soomaaliya ayaa ah denbiilaha ugu weyn ee eedda qaadanaya. Ajendayaashoodu waxa uu ahaa, kaliya in ay talada dalka gacanta ku dhigaan oo ay hantida dalka bililiqaystaan si ay danahooda gaarka ah ugu gaaraan.
Qolyaha labaad waa Beesha Caalamka oo ah saaxiibbada hoose ee dabaqadda siyaasadda Soomaaliya. Anigoo ka duulaya indha-indhayntayda, wakiillada dawladaha reer Galbeedka iyo kuwa Afrikaba waxay ka baqayaan in Soomaaliya ay saldhig u noqoto kooxaha “argaggixisada” ah, taasoo khalkhalgalin karta xasilloonida istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika. Laakiin, ma rabaan inay la falgalaan shacabka Soomaaliyeed ee ka madaxbannaan siyaasadda iyo hormuudka siyaasadeed ee dalka. Inta badan dadka qurbajoogta ah ee aan la kulmay markaan hawlaha cilmibaarista ah waday iyo kuwii aan la falgalay intaan ku gudo jiray hawlaha madaniga ahaa, waxay u arkaan qabyaaladda inay tahay dabeecadda siyaasadeed ee Soomaalida iyo waxa qeexaya nidaamka siyaasadeed ee dalka ka jira.
Aragtida caynkaas ahi waxay soo bilaabatay waagii gumaystaha u kalaqeybiyay dadka Afrikaanka ah xeryo qawmiyado ah si ay u kalaqeybiyaan oo ay u maamulaan. Halkaas waxaa ka soo baxay heshiis la yaab leh oo is-afgarad ah, oo u dhexeeya dabaqadda siyaasadda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka. Mid kasta wuxuu iska dhigayaa in horumar weyn la samaynayo. Runtu waxay tahay in wax yar oo horumar ah laga sameeyay dib u habaynta khalkhalka siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira, wax badanna laga qabtay si wax looga qabto baahiyaha degdegga ah ee bini’aadantinnimada iyo horumarka dalka. Waxaa suurtagal ah in maalin uun kooxda argagixisada laga adkaan doono. Laakiin, ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in siyaasiyiinta sare ay diyaar u yihiin ama awood u leeyihiin inay isbeddel sameeyaan oo ay kooxdaan dalka ka saaraan, marka laga reebo cadaadisyada ka imaanaya Beesha Caalamka oo xooggan ama shacabka oo go’aan adag gaara. Sida aan ku dooday buuggayga ugu danbeeyay, nasiibdarro, masiibadu waxay u muuqataa inay sii socon doonto tobannaan sano, haddii ay Alshabaab jirto ama aysan jirinba.
Curashada Kooxda Alshabaab
Tobankii sano ee ugu horraysay ee madaxbannaanida, madaxda Soomaalidu waxay u taagnaayeen inay ku dhaqmaan xukunka dimuqraadiga ah, iyagoo ixtiraamaya sharciga, madaxbannaanida hay’adaha dawliga ah iyo shuruudaha doorashada, tanina waxay keentay inay ka soo dhex muuqdaan hoggaanka qaaradda Afrika. Si kastaba ha ahaatee, madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan, ayaa aad uga walaacsanaa habdhaqanka qeyb ka mid ah dabaqadda siyaasadda. Wuxuu welwelkiisa ku diiwaangeliyay xusuusqorkiisa 5tii Luulyo 1964kii: Ilaahow Soomaalida ka badbaadi dugaagtan gurracan ee muuqa bini’aadamka ah leh ee loo yaqaan wakiillada dadka. Mashruucii dimuquraadiyadeed waxa uu dhammaaday markii kuwii Madaxweyne Cismaan kaga adkaaday doorashadii 1967dii ay dalka ka dhigeen mid xisbi kaliya ah uu dalka ka jiro kana taliyo.
Jahawareerka ay abuureen ayaa horseeday in mid ka mid ah ilaalladiisa uu dilo Madaxweyne Cabdirashiid Sharma’arke sannadkii 1969kii. Milatarigu si degdeg ah ayay xukunka ula wareegeen, waxayna dalka ka xayuubiyeen in dib loo soo celiyo nidaam dowladnimo oo matalaad iyo islaxisaabtan leh, 21kii sano ee xigtay socota. Ka dib ku dhowaad shan sano oo ay talada hayeen, kelitalisnimadu waxay sii xoojisay qabyaaladdii bulshada ka dhex jirtay. Mucaaradkii wuxuu raacay isla habkaas oo wuxuu noqday mid af qabyaaldaysan ku hadla. Adeeggii shacabka, dallacsiinta ciidamada, iyo helista kheyraadka dawladda, intuba waxay noqdeen kuwo ku salaysan abtirsiimada shaqsiga ama cidda daacadda u ah kacaanka.
Laga soo bilaabo dabayaaqadii 1970naadkii ilaa 1990kii, kalitaliskii milatarigu waxa uu la kulmay mucaarad siyaasadeed oo kalaqeybsan, qabyaaladaysan oo hubaysan. Dawladdu waxay noqotay wakiilka bulshada argaggaxgaliya. Bulshooyinka oo dhan waa la ciqaabay, magaalooyinkiina waa la burburiyay, sababtoo ah waxay kasoohorjeesteen nidaamkii kacaanka. Tani waxay ahayd waqti dheer ka hor intaysan soo bixin Alshabaab.
Janaayo 1991dii ayuu nidaamkii militarigu burburay, kooxihii mucaaradkuna waa ay ku guuldarraysteen inay ku heshiiyaan ajande shacab oo midaysan. Jabhaddii mucaaradka ee ugu dhaqdhaqaaqa badanayd agagaarka Muqdisho ee loo yaqaannay USC, ayaa xoog uga saartay kelitaliyihii dalka. Waxyaabihii ka dhashay dagaalkaas dhiiggu ku daatay waxaa ka mid ahaa, in kooxihii ka danbeeyay ay sababeen burbur iyo baaba’ gallaaftay nolosha Soomaali badan, dhanka kalana macluushii ugu horraysay ayaa dalka ka dillaacday tan iyo markii xornimada la qaatay 1960kii.
Waxay ahayd waqti dheer ka hor inta aysan Alshabaab soo shaacbixin, marka ay waxani oo dhan dhacayaan. Hoggaamiyayaashii dagaal-oogayaasha ahaa iyo dawladgoboleedyo qabiil ku dhisan ayaa beddelay Xukuumaddii Kacaanka ee kalitaliska ahayd, inta badan aqoonyahankii dalka ayaa dibadda u qaxay. Kalaqeybsanaantii dalka iyo bulshada ku dhacday ayaa sababtay faqriga guud inuu dalka ka dillaaco, marka laga reebo koox yar oo gacanta ku haysay hantida dalka.
Tacliintii dadweynaha ayaa si xawli ah hoos ugu dhacday, caafimaadkooduna si daran ayuu u liitay, taasoo ka hor istaagtay in dhallinyarada badankoodu helaan mustaqbal waxsoosaar leh oo dalka iyo dadkaba anfici kara. Inta badan dadka hadda dalka ku nool, Soomaaliya, waxay dhasheen ka dib dhicistii Xukuumaddii Militariga; in yar ayaa, sidaas darteed, garanaysa sida ay u eg yihiin siyaasadda madaniga ah iyo hoggaaminta. Taasi waxay ka dhigaysaa inay si fudud u noqdaan kuwa ugu kalaqeybsan oo kooxo kooxo u aruursan.
Ku dhowaad 16 sano ayay ku qaadatay koox diimeed loo yaqaan Midowga Maxaakiimta inay ka adkaadaan qabqablayaashii dagaalka waday. Dhacdadani waxay rejagelisay shacabka oo waxay rumaysteen in dib loo soo celin doono hannaan maamul oo loo dhan yahay oo lala xisaabtami karo. Laakiin, Maraykan iyo xulafadiisa gobolka ayaa ka naxay suurtagalnimada in Geeska Afrika ay saldhig ku yeeshaan kooxo “Islaam” ah. Sidaas darteed, Itoobiya waxay ku soo duushay Soomaaliya, waxayna Muqdisho keeneen Dawladdii Federaalka ahayd ee Soomaaliya ee qabyaaladda ku dhisnayd, ee lagu soo dhisay Nayroobi.
Ciidamadii Midowga Maxaakiimta ayaa u kala jabay cutubyo yaryar, waxayna qaateen xeelado jabhadeed, waxayna ku guulaysteen inay iska caabbiyaan duullaankii lagu soo qaaday. Maraykanka iyo xulafadiisu waxay garwaaqsadeen in gumaysigii Itoobiya uu burburay, ka dibna waxay hindiseen qorsho ay ku kala jabinayaan Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah. Isjiidjiidkani wuxuu calaamad u ahaa dhalashadii Alshabaab oo ahayd urur ka madaxbannaan oo ka aargoosanaya saaxiibbadoodii hore, kuwa reer Galbeedka ee taageersanaa dawladda Soomaaliya iyo cid kasta oo ka hortimaadda.
Sababta looga Adkaan La’yahay Alshabaab
Alshabaab waa maxsuulkii ugu danbeeyay ee ka dhashay cawaaqibta 50 sano oo siyaasad cid gaar ah u xiran iyo hoggaan liita. Waxaa lagu qiyaasaa in ciidanka difaaca Soomaaliya ay gaarayaan ku dhowaad 20,000 askari. Si kastaba ha ahaatee, arrimo dhawr ah ayaa ka hor istaagaya in ay si buuxda ula tacaalaan maleeshiyaadka Alshabaab. Qaar ka mid ah dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ah kheyraad la’aan iyo hoggaanxumida dalka ka jirta. Dhibaato kale oo weyn ayaa ah in aqoonsiga qabiilka laga hormariyo waddaniyadda iyo kartida marka la maamulayo ciidanka qaranka. Intaas waxaa dheer, maamulgoboleedyada qabiilaysani waxay leeyihiin ciidamo u gaar ah, maadaama ay kalsoonidarro ka qabaan Dawladda Federaalka ah iyo midba midka kale.
Ugu danbayn, Soomaaliya waxay ku jirtay cunaqabatayn hub oo Qaramada Midoobay saartay, tan iyo markii uu bilowday dagaalkii sokeeye ku dhowaad soddon sano ka hor. Cunaqabatayntaas ayaa si weyn u xaddiday awoodda dowladda Soomaaliya ay ugu sii wadi karto dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Hoggaanka hadda talada haya wax cashar ah kama baran guuldarrooyinkii hore. Xukuumaddu waxay adeegsanaysaa Hay’adda Nabadsugidda Qaranka, si ay u sumcaddisho ganacsatada, iyada oo marmarsiiyo ka dhigaysa dagaalka ka dhanka ah ee Alshabaab. Sidoo kale, waxay dagaalka ku soo dartay maleeshiyaad beeleedyo qabiilaysan. Tallaabooyinkan waxay sii xoojinayaan kalaqeybsanaanta Soomaalida, xilli ay habboonayd in xukuumaddu midayso bulshada si ay u wajahaan ujeeddo qaran oo midaysan. Gabagabadii, istaraatiijiyaddan waxay saadaalinxumo u tahay dhismaha nidaam madani ah oo loo wada dhan yahay (inclusive civic order) Alshabaab ka dib.

Cabdiraxmaan X. Daahir
Qore culuunta bulshada bartay oo xiiseeya akhriska iyo qoraalka, kana faallooda arrimaha siyaasadda, amniga, buugagga iyo shineemada.