U bood dhigaalka

Kalaguurka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta: Saamayntiisa Dawladaha Deriska ah

WQ: Bashiir Maxamed Cali
Falanqeeye siyaasadeed

Hordhac

Muddo dheer, Itoobiya iyo Kenya waxay ka mid ahaayeen dalalka sida tooska ah u saameeya jihada amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Saamayntaas waxa sal u ahaa awood militari, miisaan diblomaasiyadeed, iyo kaalinta ay labada dal ku lahaayeen ladagaallanka argaggixisada caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la oddorosayaa in xiriirka sii xumaaday ee Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya uu abuuri doono isbeddel istiraatiiji ah oo si qotadheer u taabanaya doorka Itoobiya iyo Kenya ee Soomaaliya.

Maqaalkan wuxuu falanqaynayaa sida kalaguurka Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya u saamayn karo galaangalka Itoobiya iyo Kenya ee Soomaaliya. Wuxuu maqaalku muujinayaa kaladuwanaanta iyo saamaynta culaysyada ay wajihi karaan labada dal ee Kenya iyo Itoobiya.

Itoobiya iyo Degganaansha-la’aanta ka Jirta Gudaheeda

Tan iyo dagaalkii Tigreega, Itoobiya waxa ay gashay marxalad adag oo ah dagaallo ahli ah oo gudaheeda ka dhex qarxay kuwaas oo sababay kala-aaminbax qaran. Saddexda quwadood ee waaweyn ee iskuhaya loollanka talada dalka—Tigree, Amxaaro iyo Oromo—waxay gaareen heer kala-taggoodu ka dhow yahay wadajoogistooda. Xaaladdan amni iyo siyaasadeed ee murugsan waxa ay si toos ah u wiiqday awooddii Itoobiya ay ku joogtayn lahayd siyaasad dibadeed oo firfircoon. Sida ay tilmaamayaan falanqeeyayaasha amniga iyo siyaasadda, dal aan lahayn xasillooni amni iyo mid siyaasadeed ma yeelan karo awood istiraatiiji ah oo joogto ah oo uu ku maareeyo loollan dibedeed oo leh saamayn ballaaran, sida kan Soomaaliya.

Faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya

Dhanka diblomaasiyadda, waxaa hoosudhac ku yimid kalsoonidii dawladnimo iyo galaangalkii ay Itoobiya ku lahayd miisaska caalamka. Haddii waqtiyo hore Itoobiya ay si xeeladaysan u maarayn jirtay xiriirka Maraykanka iyo quwadaha reer Galbeedka, si ay u gaarto danaheeda gobolka, xilligan arrinku si weyn ayuu isu beddelay. Indhowaale Itoobiya waxay noqotay dal si isa-soo-taraysa ugu tiirsan Imaaraadka Carabta dhaqaale ahaan iyo diblomaasiyad ahaan, taas oo keentay in halkii ay Itoobiya ka lahaan lahayd aragti istiraatiijiyadeed oo madaxbannaan in ay noqoto dal u taagan fulinta danaha Imaaraadka Carabta.

Faragelintii Itoobiya ee Soomaaliya xilligii ay Tigreegu hoggaaminayeen waxay ku salaysnayd dano amni oo cadcad: ladagaallanka argaggixisada iyo sugidda amniga xuduudaha. Si ka duwan taas, faragelinta xilliga Abiy Ahmed ma ahayn mid si buuxda uga tarjumaysa ajande qaran oo Itoobiya leedahay. Dhawrkii sano ee ugu danbeeyay tallaabooyin badan oo ay Itoobiya qaaday oo ka dhan ahaa Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya—ha ugu muhiimsanaado heshiiskii ay sheegtay in ay Somaliland ugu aqoonsanayso dal madaxbannaan si ay marinbadeed iyo saldhig ciidan uga hesho Badda Cas—dhammaan waxay ahaayeen arrimo Imaaraadka Carabtu gadaal ka taagan yahay oo aan ka turjumaynin danaha Itoobiya iyo kuwa Gobolkaba.

Isbahaysiga Cusub ee Gobolka iyo Cadaadiska ku Imanaya Itoobiya

Muddo ka badan toban sano, Imaaraadka Carabtu wuxuu door muuqda ku lahaa arrimaha Yemen, Suudaan, Liibiya iyo Soomaaliya, isagoo si uu danihiisa u gaaro adeegsanayay maleeshiyaad iyo quwado aan dawli ahayn (non-state actors). Hasayeeshee, isbeddelladii amni iyo siyaasadeed ee ka curtay gobolka dhammaadka 2026 waxay keeneen in Sacuudiga u arko Imaaraadka Carabta khatar cusub oo wax u dhimaysa xasilloonida Geeska Afrika iyo marinka Badda Cas. Si looga hortago sharta Imaaraadka Carabta waxaa samaysmay isbahaysi cusub oo ay hoggaaminayaan Sacuudiga iyo Turkida, kana mid yihiin dalalka Qatar, Masar iyo Pakistan, kaas oo xoogga saaraya taageeridda dawladaha tabarta daran ee gobolka (Yemen, Suudaan, Soomaaliya iyo Liibiya), taas oo dabo joogta in meesha laga saaro quwadaha aan dawliga ahayn ee Imaaraadku samaystay.

Itoobiya oo ah dal uu dhaqaalihiisu si weyn ugu tiirsan yahay Sacuudiga iyo Turkiga, ma laha awood ay kaga hortimaaddo qorshahan cusub. Waxaa intaas dheer, xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gudaha Itoobiya ee marba marka ka dambaysa kasii daraysa inay Itoobiya ka dhigayso dal aan awood u lahayn in dabka gudaha uga shidan ay ugu darsanto faragalin dibadeed oo ka dhan ah maamulka Addis Ababa.

Kenya iyo Isbeddelka Istiraatiijiga ah ee ay Wajahayso

Si ka duwan Itoobiya, Kenya gudaheeda kama jiraan xasiloonidarro siyaasadeed iyo mid amni. Waxaa Kenya ka jira dimuqraadiyad hanaqaadday, hay’ado dawladeed oo illaa xad ilaaliya sarraynta sharciga iyo saxaafad xor ah. Si kastaba ha ahaatee, hannaanka ay Keya kaga hawlgasho Jubbalaan ma aha hannaan ku yimid iskaashi labada dawladood ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxay Kenya Jubbalaan u aragtay inay u noqon karto aag difaaceed hore oo looga hortagi karo al-Shabaab, lagana ilaalin karo xuduudda Kenya. Sidoo kale, Kenya waxay joogitaanka Jubbalaan u aragtay inay siinayso fursad ay si dadban ugu saamayn karto koonfurta Soomaaliya, iyada oo aan si buuxda ugu xirnaan Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waqtigii uu dalka xukumayay Uhuru Kenyata waxaa warbixinno kala duwan oo ka soo baxay Qaramada Midoobay iyo ururro calami ah lagu sheegay in taageerada Kenya ee Jubbalaan uu ka leexday wejigii uu ku bilowday ee ahaa ilaalinta amniga xudduudda ay Kenya la leedahay Soomaaliya. Waxaa la soo wariyay intii uu socday hawlgalka Kenya ee Jubaland ay samaysantay silsilad isku xiran oo ka kooban madaxda Jubbalaan, qaar ka mid ah madaxda amniga Kenya iyo ganacsato, kuwaas oo ka shaqeeya ka macaashidda ganacsi sharcidarro ah oo iskaga kala goosha xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Inkastoo Madaxweyne William Ruto uu shaqada ka fariisiyay dhammaan saraakiishii amni ee lagu eedaynayay ganacsiga sharcidarrada ah ee ka socda xuduudda Kenya iyo Soomaaliya, haddana waxaa la soo werinyaa mashaariic sharcidarro ah oo iskugu jira kaluumaysi iyo beero oo ay wadaan shirkado shisheeye ah oo Imaaraadka Carabta hormuud ka yihiin inay ka socoto Jubbalaan.

Haddii uu dhaqangalo go’aanka Dawladda Soomaaliya ay ku joojisay dhammaan heshiisyadii iskaashi ee kala dhexeeyay Imaaraadka Carabta, wuxuu meesha ka saari doonaa dhaqaale si toos ah iyo si dadbanba Jubbalaan uga soo geli jiray Imaaraadka Carabta, taasoo culays dhaqaale iyo mid istiraatiji ku keeni doonta hawlgallada Kenya ee Jubbalaan.

Waxaa intaas dheer in isbahaysiga cusub ee ay horkacayaan Sacuudiga iyo Turkida ee lagu sugayo ammaanka dalalka ku beegan marinka Badda Cas uu Kenya ku sababi doono inay dib u qiimayso istiraatijiyaddeedii ku saabsanayd Soomaaliya. Waxay Kenya garowsan doontaa in ammaanka dalkeeda iyo midka gobolkaba ay dan ugu jirto in halkii ay ku tiirsanaan lahayd maamulgoboleed gaar ah ay xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya ku salayso qaab iskaashi labo dawladood ah iyo mid goboleed.

Iyada oo tixgalinaysa ahmiyadda amni qaran ee ku jirta, waa lamahuraan in ay Dawladda Soomaaliya ku adkaysato go’aankii ay ka qaadatay saamaynta Imaaraadka, ayna xaqiijiso in ay meesha ka saarto faragalintiisa, iyada oo u maraysa wadiiqo diblomaasiyadeed iyo dawladaha saaxiibka la ah.

Gunaanad

Gabagabadii, inkasta oo ay sookabashada dawladnimada Soomaaliya ay qeyb weyn ka qaadatay maaraynta faragalintii uga iman jirtay dawladaha deriska ah, haddana isbeddelka ku yimid saamaynta Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya waa mid si toos ah u wiiqaya galaangalkii Itoobiya, halka ay ku qasbayo Kenya inay dib u habayso istiraatiijiyaddeeda ku aaddan arrimaha Soomaaliya.

Itoobiya oo wajahaysa kalaqeybsanaan iyo amni xumo gudaheeda ah, kalsoonideeda diblomaasiyadeed oo hoos u dhacday, iyo ku-tiirsanaan dhaqaale oo dibedeed, ma sii wadi karto kaalintii ay ku lahayd faragelinta Soomaaliya.

Dhinaca Kenya waxa ay haysataa fursad ay ku dooran karto inay ka guurto qaabkii ay Soomaaliya kula dhaqmaysay ee ku dhisanaa gacantogaalaynta kuna beddesho iskaashi ku salaysan qaab labo dal ah iyo mid goboleed. Isbeddelka kasoo cusboonaaday gobolka haddii Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si xigmad ku jirto u maarayso wuxuu noqon karaa fursad meesha looga saaro faragelinta shisheeye ee aan dheellitirnayn, laguna dhiso xiriir derisnimo oo ku salaysan dawladnimo, sharciyad iyo iskaashi waara oo dhex mara Soomaaliya iyo deriskeeda.