Lafagur Buug: Halgankii Gunnimadoonka iyo Waayihii Saxawaadka Soomaaliya
Hordhac
Halgankii Gunnimadoonka waa buug isdultaagaya oo baaraya dhacdo aad u foolxun ee ka dhacday gobolka Gedo, markii ay taariikhdu ku beegnayd 9ka bisha Agoosto sannadkii 1996dii. Subax Jimce ah ayay ciidamada Itoobiya duqayn cirka iyo dhul ah, ku soo qaadeen saddex tuulo oo kala ah: Doolow, Beledxaawo iyo Luuq. Duullaankaas ay Itoobiyaanku soo qaadeen maalintaas, waxay abuuri doontaa dhacdooyin foolxun oo qaabayn doonta aayaha Soomaalida. Sidoo kale, dhacdadani waxay ibafur u noqotay, dhacdooyin murugsan oo taxane ah kuwaas oo galaafan doona gobolka Gedo iyo bulshada ku nool gobolkaas. Ibraahin Aadan oo ah qoraaga buuggan, waxa uu ku tilmaamayaa duullaankii Itoobiya inuu ahaa dhagaxii koowaad ee loo dhigay dib-u-gumaynta Soomaaliya. Dhanka kale subaxaas waxa uu ahaa maalintii uu caloolgalay ururka al-Shabaab sida uu Ibraahin buuggiisa ku sheegayo. Qoraagu waxa uu buuggiisan ku ibafuranayaa dood uu ku leeyahay in dhacdadii Gedo ay si dadban ama si toos ahba xiriir ula leedahay dhammaan dhacdooyinkii dalka ka dhacay.
Buuggani waxa uu ka kooban yahay lix cutub oo mid kastaba si gaar ah dhacdo kaga warramaya. Cutubka 1aad, Ibraahin wuxuu kaga hadlayaa bilowgii baraarugga Islaamka, isagoo dhan caalami iyo mid gudeedba isdultaag ku samaynaya. Waxa uu soo qaadanayaa taariikhdii Jamaaluddiin Afqaani, doorkii uu ku lahaa baraaruggii Islaamka iyo baraarujintiisii ku aaddanayd in loo baahanyahay Islaamka, in dib-u-eegis lagu sameeyo si uu ula janqaado horumarrada socda iyo isbeddelka aqooneed ee soo kordhay. Dhanka kale, waxa uu tibaaxayaa in Jamaaluddiin uu Muslimiinta ku boorriyay inay ka xaroobaan aragtida ah ijtihaadkii waa xirmay ee ay adeegsadaan caqgligooda iyo aqoontooda, si ay iskaga dhiciyaan xadaaradda reer Galbeedka ee isfidinaysa. Ibraahin, waxa uu Jamaaluddiin ku tilmaamayaa inuu ahaa dhagaxii ugu horreeyay ee loo dhigay baraarugga Islaamka casriga ah.
Curashadii Baraarugga Islaamiyiinta ee Soomaaliya
Markii laga soo tago baraaruggii guud ee caalamka ka socday, waxa uu markaan wax ka taabanayaa xaaladdii ay Soomaaliya ku jirtay baraaruggii Islaamiyiinta ka hor. Waxa uu ku nuuxnuusanayaa taariikhdii gumeystaha Soomaaliya ku soo duulay iyo doorkii ay culimadu ka qaateen ladagaallankii gumaystihii caddaa. Taariikhdii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ayuu wax ka tilmaamayaa iyo sida uu ula dagaalay gumaystihii Ingiriiska. Waxa uu soo qaadanayaa taariikhda tibaaxaysa, markii uu Talayaanigu xasuuqay xertii Sheekh Axmed Mahdi oo ka tirsanayd dariiqada Qaaddiriyada. Sidoo kale, waxa uu qalinka la dulmarayaa halgankii gobannimadoonka ahaa ee culimada Soomaalida halbowle u ahaayeen, isagoo soo qaadanaya rag ay ka mid ahaayeen Sheekh Xasan Barsane iyo Sheekh Bashiir oo Burco ka soo baxay.
Halgankii culimadu kula dirirayeen gumaystihii waxa uu ahaa mid aan ahayn dhaqdhaqaaq midaysan oo ma jirin kooxo is-urursaday oo wadaaddo ah, leh a magac iyo summad lagu garto. Laakiin, halgankii culimada waxa uu si dhab ah u curtay markii ay ururro ay samaysteen, oo ururradii ugu horreeyay sida uu qoraagu buuggiisa ku sheegayo waxay kala ahaayeen: “Somali Islamic League” oo koonfurta ah iyo “Xisbullaah” oo dhanka waqooyi ka furnaa. Labadaas xisbina waxaa la furay sannadkii 1950kii. Ururkan inuu ka dhashay falcelin ku aaddanayd dhaqdhaqaaqii ay wadday kaniisaddii gumaystaha ayuu tilmaamayaa qoraha buugga. Waxaa madax u ahaa ururkaan rag uu ugu caansan yahay Shariif Maxamuud oo fadhiisan jiray masjidka Marwaas.
Saxawadu waxay Soomaaliya ku xoogaysatay lixdamaadkii, sida uu Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow uu qabo. Waxa uu sababaynayaa arrintani digtoorku, in lixdamaadkii uu caan noqday tobanlihii weerar iyo iskacaabbintii lagu hayay dhaqanfaafinta ay wadeen kaniisadad Kirishtanka ah ee dunida oo dhan ka socday, Soomaaliyana ay qeyb ka ahayd.
Mashruucan diinfaafinta ah waxaa waday American Peace Corps oo ahaa mashruuc loogu talagalay in lagu kaalmeeyo dalalka Afrika ee soo koraya. Qore Ibraahin, waxa dhanka kale wax ka taabanayaa si guud dhaqdhaqaaqii kaniisadda ee gudaha Soomaaliya ka socday iyo sida looga falceliyay mashruucaas diin faafinta ah, ee bulshada Soomaalida ah looga faa’ideysanayay xilli ay daruuf iyo dhaqaalaxumi dalka ka jirtay. Wuxuu halkan ku xusay dhawr kaniisadood ee Soomaaliya ka hawlgalay oo ay ka mid yihiin: Mennonite Mission (MM) iyo Sudan Interrior Mission (SIM). MM inay beegsanaysay dadka webiyada daga ayuu soo qaadanayaa qoraagu, oo dacwadooddii ay dad badan ajiibeen, loona dallacsiiyay darajada Priest oo ka dhigan Imaam nin Soomaali ah oo Jamaame degganaa.
Mashaariicda kaniisaddu maamulaysay waxaa 24kii Maarso 1962dii hakisay Dawladdii Rayidka ahayd ee labo gu’ jirsatay markaas, se lagama xirin ayuu leeyahay qoraagu faafinta diinta Kirishtanka. Qoraagu halkan waxa uu ku soo qaadanayaa dhacdo xiiso leh oo sheegaysa in bishii Julaay 1962dii, maalin Jimce ah, markii salaadda laga soo baxay ay masjidka Sheekh Cabdulqaadir hortiisa soo istaageen koox wata waraaqo af Carabi ku qoran oo Soomaali gaalowday ah, iyaga oo dadka kale ugu yeeraya diinta Kirishtaanka. Dhacdadaas waxay ka dhashay in la soosaaro qodobkii 29aad ee dastuurkii 1960kii la qoray, ee sheegaya in aan diin Islaam ahayn lagu faafin karin meelo ka mid ah dalka. Qodobkanina waxa uu ka mid yahay maanta qodobbada dastuurka ugu xooggan.
Dhallinyaradii Carabta ka timid iyo Kooxihii Islaamiyiinta
Ibraahin Aadan Shire, waxa uu markaan wax ka taabanayaa dhallinyaradii waddamada Carbeed ka soo laabtay iyo doorkoodii ku aaddanaa ururradii Islaamiyiinta ee ka hanaqaaday Soomaaliya. Weli waxaa lagu jiraa waqtigii lixdamaadka. Waa waqtigii dahabiga ahaa ee ay ku jireen ururradani oo waxay u dagaallamayeen wuxuu ahaa wax muuqda oo cad. Dhallinyaradii dalalka Carabta wax ku soo baratay waxay ahaayeen qodobkii labaad ee sii huriyay dhaqdhaqaaqyadii baraarugga diinta ee Soomaaliya ka dillaacay. Sida uu qoraagu tilmaamayo, dhallinyaradan waxay wax ku soo barteen jaamacado ku yaal Masar iyo Sacuudiga, waxayna soo xanbaareen kacdoonnadii Islaamiga aha ee Ikhwaanku hormuudka u ahaa (Halgankii Gunnimadoonka, bogga 12). Dhallinyaradan dalalka Islaamka ku soo waxbartay iyo kuwii dalka ka joogay waxay aragti siman ka lahaayeen soo noleynta ku dhaqanka diinta iyo in la iska caabbiyo afkaaraha gaalaysiinta ah ee ka imaanayay reer Yurub oo u kalaqeybsanaa Bari oo watay Shuuciyad diin la’aan ah iyo Galbeed oo faafinayay dimoquraadiyadda libiraaliga ah ee kala saaraysa diinta iyo dawladda.
Si kooban haddaan isku dultaagno, kooxihii Islaamiyiinta waxaa mudan in laga xuso kooxdii al-Nahda ee koonfurta Soomaaliya ka hanaqaaday. Qoraagu isagoo Dr. Baadiyow soo xiganaya ayuu tibaaxayaa in ururkaan uu noqday curiyaha saxwada iyo buundada isku xirta culimadii gumeysiga la dirirtay iyo baraarugga cusub ee ay hormuudka u yihiin. Ururkaan waxaa la yagleelay sannadkii 1967dii, waxaana madax ka noqday Sheekh Cabdulqani Sheekh Axmed (1935-2007) oo guddoomiye ka ahaa, Sheekh Maxamed Garyare oo kuxigeen ahaa iyo Sheekh Cabdiraxmaan Faarax (Kabweyne) oo xoghayn noqday. Kooxda kale ee qoladaan kore ka danbaysay waa ururkii lagu magacaabi jiray al-Ahal. Haddaad ciyaaraha Sacuudiga daawato magaca kooxdaan loogu yeero mid cusub kugu noqon maayo. Yagleeliddii ururkan markii loo yimaaddo, waxaa la asaasay sannadkii 1969kii oo ku beegnayd sannadkii la afgembiyay Dawladdii Rayidka ahayd.
Ibraahin waxa uu buuggiisa ku sheegayaa inaan la aqoon sababta loo aasaasay ururkaan, sidoo kalana mugdi ku jiro sannadkan loo tiirinayo in la aasaasay, se ururkan waxa uu ka dhashay dhaqdhaqaaqii looga soo horjeeday kooxihii kaniisadaha ahaa ee dalka ka hawlgalayay. Mar kale, isaga oo soo xiganaya Dr. Baadiyow, wuxuu tilmaamayaa in ururkani ahaa garabkii dhallinyarada dariiqada Qaaddiriyadda. Garabkaan waxaa aasaasay Cabdikariim Xirsi, Cabdulqaadir Sheekh Maxamuud (Ganey) iyo Xasan Indhaceel, iyaga ayaa hoggaamiyayaal ka ahaa. Ururkanina waxa uu sidoo kale ka dhisnaa degaannada koonfureed ee Soomaaliya.
Isla sannadkaas, 1969kii bishiisii Juun, waxaa la asaasaay urur lagu magacaabo Waxdadul Al-Shabaab. Ururkaas 13 qof ayaa lagu asaasay. In la yagleelana waxaa keenay labo arrimood oo kala ah: xoogaysiga dhaqankii reer Galbeedka iyo imaanshihii American Peace Corps iyo daruufihii siyaasadeed iyo bulsheed ee ka dhashay doorashadii 1969kii. Labadii urur ee aan kor ku soo sheegay, marna qorshahoodu kuma jirin arrimo siyaasad la xariira markii kan laga reebo, tanina waxaa la dhihi karaa, in ururkani uu ahaa mid dhagax dhig u ahaa in koox Islaamiyeed ee la timaadda han siyaasadeed. Qodobkaas isagoo xoojinaya ayuu qoraagu leeyahay, “jahawareerkii doorashada iyo kala qabysanaantii dadka dhex taallay ayay dhallinyaradani u arkayeen in Islaamku xal u yahay. Ururkan waxa uu ka dhismay dhinaca waqooyi. Labo warqadeed, oo ay mida u dhiibeen Cabdirashiid Cali Sharmaake mar uu booqasho ku yimid Hargeysa 1969kii midna ay u direen Maxamed Siyaad Barre markii ciidamadu dalka qabsadeen, ayay ku caddeeyeen in xalka dhibaatada Soomaalidu yahay ku dhaqanka Islaamka. Maadaamaa xukuumaddii Kacaankii mamnuucday dhaqdhaqaaqyada Islaamka inay ka hawlgalaan gudaha dalka ayaa sannadkii 1978dii, bishii 7aad, laga aasaasay dalka Sucuudiga waliba magaaladda Jiddah. Sidoo kale, waxaa jiray urur kale ee lagu magacaabo Jameeca Islaamiyah. Jameecadani, sannadkii 1983dii ayay hoggaankeedu u istaageen in la mideeyo ururradii Islaamiyiinta ahaa ee dalka ka jiray. Dhaqdhaqaaqani waxa uu dhalay in la asaaso ururkii caanka ahaa ee al-Itixaad ee bu’da iyo dhumucda buugga ah.
Sida uu qoraagu noo tilmaamayo, shir lagu qabtay Xamar, Nofeenbar 1983dii, ayaa si rasmi ah loogu mideeyay labada urur, waxaana loo bixiyay al-Itixaad al-Islaami. Guddoomiye waxaa loo doortay Sheekh Cali Warsame oo ahaa Guddoomiyihii Waxdatu-Shabaab. Sida uu markale qoraagu noogu warramayo, hadafka ugu weyn ee ururkan waxa uu ahaa in la helo dawlad Islaami ah oo dalka ku xukunta shareecada Islaamka, manhajka shacabkuna uu noqdo kitaabka iyo sunnada, fahankana laga qaato sidii uu salafku u fahmay. Talada dalka in la la wareego ayay u arkayeen waddada lagu gaari karo hadafkaas (Halgankii Gunnimodoonka, bogga 21aad). Ururkani waxay ku dhaqmayeen aragtidii Makiyaafeelli ee ahayd “end justifies the means”—taas oo ka dhigan: dhiig ha la daadiyo haddii la doonee, hadafku waa in la dhiso dawlad Islaami ah.
Gunaand
Buuggani, waxa uu si fiican u soo bandhigayaa taariikhdii ururradii saxawaadka ahaa iyo sida ay ku soo billaabeen. Waxa uu wax badan nooga ifitiiminayaa sababihii loo yagleelay iyo cidda asaaskooda lahayd. Ururradani dhammaantood waxay bud dhig u ahaayeen Shabaabka maanta ay dawladdu la dagaalayso ee dhiigga ummadda sida raqiiska ah u daadinaya. Markaad taariikhda kooxahan aad akhrinayso waxaad ogaanaysaa inaysan al-Shabaab ahayn urur iska dhashay (coincidence), se waxaad dareemaysaa in dhacdadan curasha al-Shabaab ay tahay wax qorshihiisu mar hore soo bilowday.

Cabdiraxmaan X. Daahir
Qore culuunta bulshada bartay oo xiiseeya akhriska iyo qoraalka, kana faallooda arrimaha siyaasadda, amniga, buugagga iyo shineemada.