U bood dhigaalka

NISA oo sheegtay in 7 xubnood oo al-Shabaab ah lagu diley howlgal ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa hawlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen degaanka lagu magacaabo Qaahira ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ku dilay ilaa toddobo horjooge oo ka tirsanaa kooxda al-Shabaab, iyada oo sidoo kale weerarkaas lagu burburiyay kayd hub iyo xarumo gabbaad u ahaa kooxda sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay Hay’addu soo saartay.

Hawlgalkan oo la fuliyay xalay gelinkii danbe ayaa dabo socday howlgalkii maalmo ka hor lagu bartilmaameedsaday koox Hoggaamiyaal ah oo ku shirayay guri ku yaalay deegaanka Maxaa-Saciid ee isla gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu dilay shan xubnood halka seddax kalana dhaawac culus lagu gaarsiiyay.

Hawlgalldan ayaa qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda al-Shabaab ee dalka socda, kaas oo ay wadaan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa dadka degaanka, iyo Daraawiishta dawladgoboleedyadu.