Waa Kuma Seyf al-islaam Mucammar Qaddaafi: Wiilka uu Dhalay Qaddaafi ee lagu Dilay Liibiya?
Warar saacadihii la soo dhaafay warbaahinta ku faafay baraha ayaa sheegaya in Seyf al-Islaam Muammar Qaddaafi oo ah wiilka Madaxweynihii hore ee Libya Kornayl Mucammar al-Qaddaafi lagu dilay gudaha sida laga soo xigtay masuuliyiin kala duwan iyo warbaahinta maxalliga ah.
Geerida Seyf al-Islaam, oo da’diisu ahayd 53 sano, waxaa si gooni-gooni ah baraha bulshada ugu xaqiijiyay qareenkiisa Khaalid al-Zaidi iyo Lataliyihiisii Siyaasadda Cabdulla Cusmaan, iyagoo qoraallo ku baahiyay Facebook, gelinkii danbe ee Talaadada.
Labadooduba ma bixin faahfaahin buuxda oo ku saabsan sida ay wax u dhaceen, balse Warbaahinta Liibiya ee Fawasel Media ayaa soo xigatay Cabdulla Cusmaan oo sheegay in rag hubaysani ay Seyf al-Islaam ku dileen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Zintan, oo qiyaastii 136 kiiloomitir dhanka koonfurgalbeed kaga beegan caasimadda Tripoli.
Kooxda siyaasadeed ee Seyf al-Islaam ayaa markii danbe soosaartay bayaan ay ku sheegeen in afar nin oo wajiyada soo duubtay ay si xoog ah u galeen gurigiisa, isla markaasna ku dileen, waxa ayna ku tilmaameen dil fulaynimo iyo khiyaano ah.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in Seyf al-Islaam uu iskacaabbin sameeyay, isla markaasna weeraryahannadu ay demiyeen kamaradihii amniga si ay u qariyaan raadadka falkaasi.
Dhanka kale, Khaalid al-Mishri, oo hore u soo noqday madaxa Golaha Sare ee Dowladda ee fadhigiisu yahay Tripoli, kana tirsan Xukuumadda uu caalamku aqoonsanyahay, ayaa ku baaqay in la sameeyo baaritaan degdeg ah, hufan oo madaxbannaan, si loo ogaado cidda ka danbaysay dilka.
Seyf al-Islaam Qaddaafi oo ka mid ahaa xubnihii ugu awoodda badnaa taliskii aabbihiis Kornayl Mucammar Al-Qadaafi, weligiis ma qaban xil rasmi ah oo dawladeed, balse waxaa loo arkayay ninka labaad ee nidaamka Qaddaafi intii u dhexaysay 2000 ilaa 2011.
Aabbihiis, Muammar Qaddaafi, ayaa xilka laga tuuray, lana dilay sanadkii 2011, ka dib kacdoon hubaysan oo ay wadeen mucaaradkii Liibiya, taas oo soo afjartay xukun socday in ka badan afartan sano.
Ka dib burburkii nidaamkaas, Seyf al-Islaam waxaa lagu qabtay Zintan sannadkii 2011, xilli uu iskudayayay inuu ka baxsado dalka ka dib markii mucaaradku la wareegeen Tripoli.
Wuxuu muddo ku jiray xabsi, iyadoo kiiskiisu uu ahaa mid muran sharci iyo mid siyaasadeedba leh, balse markii danbe waa la sii daayay, isagoo sannado ka dibna isku sharraxay madaxweynaha dalka.
Dilkiisu wuxuu, mar kale, iftiiminayaa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee qalalaasaha ah ee weli ka jirta Liibiya, halkaas oo dilal siyaasadeed iyo iska horimaadyo hubeysan ay weli ka dhacaan, iyada oo aan marar badan la helin isla xisaabtan cad.
Seyf al-Islaam wuxuu dhashay sanadkii 1972dii, wuxuuna ahaa wiilka labaad ee Hoggaamiyihii Hore ee Liibiya, Mucammar Al-Qaddaafi, oo xukunka hayay muddo ka badan afartan sano, wuxuuna noqonayaa wiilkii afaraad ee laga dilay carruurta Qaddaafi taniyo sanadkii 2011kii .
Intii uu socday kacdoonkii Gu’ga Carabta sanadkii 2011kii ayaa la dilay Qaddaafi iyo saddex wiil oo uu dhalay, kuwaas oo kala ahaa Mutassim Qaddaafi, Seyf al-Carab Qaddaafi, iyo Khamis Qaddaafi, waxaana hadda nool Muxammad Qaddaafi, Al-Saadi Qaddaafi, Hannibal Qaddaafi, iyo Caa’isha Qaddaafi.