U bood dhigaalka

KAALINTA HAWEENKU KU LAHAAYEEN NOLOSHII HORE EE SOOMAALIDA

Hordhac

Maqaalkan, waxaan kaga warrami doonaa marxalidihii kala geddisnaa ee nolosha Soomaalida soo mara halka ay haweenku kaga jireen iyo si-araggii haweenka loo arki jiray. Waxaan mid mid isku dultaagayaa waqtiyadaas kala duwan ee Soomaalidu soo martay iyo halka nolosha Soomaalidu haweenka kaga jireen. 

Nolosha Raacatadii Hore iyo Kaalintii Haweenka 

Xoolaraacatadii hore ee Soomaalida ahayd, habnololeedkooda maalinlaha ah iyo si guud noloshoodaba, waxaa go’aamin jiray degaanka ay ku noolyihiin oo dabiici ahaan ahaa dhul oomane. Afarta xilli ee jiilaalka iyo deyrtu ka mid yihiinna waxay door weyn ka ciyaari jireen noloshooda maadaama ay si weyn ugu tiirsanaayeen. Intooda badan xooladhaqato ayay u badnaayeen oo geela iyo ariga wuxuu halbowle u ahaanoloshooda. Reeraha raacatada ah waxay inta badan u degi jireen si reero reero ah. Qaabdhismeedka noocaas ah wuxuu keeni jiray inay marar badan dagaallo qabiileed la galaan reero kale. 

Waagii hore, Soomaalidu waxyaabaha ay aad isugu faani jireen waxaa ka mid ahaa dhalmada carruurta. Ninba ninka uu ka carruur iyo xoolo badan yahay, reerkiisa ama qabiilkiisa sharaf ayuu ku dhex lahaan jirey oo waxa ay u arki jireen in uu yahay qof awood iyo sharaf u saaxiib ah oo mararka qaar laga haybaysto. Raggu berigii hore waxa ay ku ducaysan jireen: “Ilaahow ha noo waayin nin rag ah oo ii ciidamiya. Carruurta ay dhalaan, in uu rag ahaado ayay habeen iyo maalin ku ducaysan jireen. Waayo raggu berigaa kaalin muhiim ah ayuu odayga aabbaha ah u buuxin jiray, tanina waxay keentay inuu guursado haween afar ah si uu carruur badan oo waliba rag ah u dhalo. Markii tolka ay qole kale la dagaallamayaan, marka reerka degaan kale loo safrinayo iyo marka xoolaha loo soo dhaaminayo reerka, intaas baarqabka reerka u jooga ayaa lagu tashan jiray. Jacayl gooni ah oo wiilasha u qabeen ma aysan ahayn ee dantooda gaarka ah ayay ka dhex arki jireen. Sababtaas ayaana keentay in odayga reerka uu wiilka jeclaado, markii uu dhashana loo dabbaaldego oo xabbado loo rido. 

Inanta markii loo yimaaddo, nolosha baadiyaha waxay ka ciidamiso aad bay u kooban yihiin. Hawsha laga rabo uun waxay ku koobnayd, dhisidda aqal Soomaaliga weliba markuu reerku meel salka dhiganayo iyo adeegyada guriga laga qabto oo ay ugu horrayso raashinkarinta. Intaas uun bay door ku leedahay inanta baadiyaha fadhida. Hawlaha inantu qabato raggu faraha lama gali jirin oo waxaa loo arki jiray inay tahay uun shaqo haweenka ay tahay inay qabtaan. Haddii labo reer ay isdagaalaan oo rag la iska dilo, waxaaba mag ahaan loo bixin jiray inanta oo waxay ahayd qalab colaadda lagu demiyo. 

Nolosha baadiyaha, gabadhu intaas uun bay ka goyn jirtay, tani waxay keentay caqliyadda lagu liidayo inanta, oo odeyga reerka wax qiimo aad u buuran kama uusan dhex arki jirin. “Awal miyay faa’iido lahayd, nin bay berri raacaysaa” ayaa la oran jiray. Degaannada qaarna inanta waxayba u arki jireen, shay baahida looga baxo oo waxaa loo guurin jiray nin oday oo hanti iyo xoolaba leh. Waxa sidaas loo samayn jiray na waxay tahay uun in dhaqaalaha ninkaa gabadha loo dhisay wax laga helo. Dhaqannada noocaas ah weli meelo qaar ah ayuu ku danbeeyaa oo weli xuquuqda  iyo ahaanshiyaha gabadha waa la inkiraa. Wax weyn oo micno ah bulshada iyo qoyska uguma fadhin jirin gabadhu,  maadaamaa aysan qaban karin shaqooyinka raggu qabto.

Xukuumaddii Kacaanka iyo Isbeddelkii ku yimid Sida Haweenka loo Arki Jiray

Habkii carruurta loo arki jiray wuxuu isbeddel ku yimid markii uu dadku magaalada u soo qaxay. Isbeddelkani waliba wuxuu cirka isku shareeray markii ay Xukuumaddii Kacaanka ahayd timid, taasoo bilowday inay xaquuqda dumarka ka hadasho. Tallaabadani waxay dhalisay in la arko haween xilal sarsare ka haya dawladda iyo kuwo dhanka tacliinta looga haray. Sidoo kale, Ololihii Horumarinta Reer Miyiga wuxuu keenay in haweenku waxbartaan oo waxay keentay in ragga iyo haweenkuba waxbarashada u sinnaadaan. 

Xukuumaddii Kacaanka waxay horumar ballaaran ku samaysay waxbarashadii dalka ka jirtay, tanina waxay horseeday in gabadhaha iyo wiilasha ay halka qoys wada dhaleen ay subixii u dareeraan goobaha waxbarashada kala duwan ee jaamacadaha iyo iskuullada. Kacdoonkaan ay dawladdii militariga ahayd ku qaadday dhaqanka Soomaaliga ah, wuxuu keenay in la arko haween nolosha Soomaalida kaalin weyn ku leh oo lagu baxsaday xilliyo qaraar. Tusaalaha aan soo qaadan karo waxaa ka mid ah Dr. Xaawo Cabdi, oo ahayd dhaktarad  ay dad badani ku baxsadeen xilligii uu dalku galay dagaalladii Sokeeye. Gurigeedu wuxuu isku baddelay goob lagu xanaaneeyo dhaawacyadii dhibaatadu ka soo gaartay dagaalladii sokeeye, oo waxay xanaanaysay bulsho badan oo Soomaali ahayd ee la tacaalayay xaaladihii murugsanaa ee dalka ka jiray. Sidoo kale, waxaa jirtay haldoorad Caasha Geelle oo iyaduna dadaal xooggan galisay caawinta iyo taakulaynta dadkii ka soo qaxay dagaalladii sokeeye ee Muqdisho iyo gobollada kale ee Soomaaliya ka dillaacay. 

Waayihii Burburka iyo Halka Inanta Soomaalida ah Nolosha kaga Jiirtay

Markii laga soo tago isbaddelkii ku yimid sida haweenka loo arkayay waayihii barismaadka, waayihii burburkana wuxuu qayb ka qaatay isbaddelka ku yimid adduun-aragga inanta Soomaalida. Burburkii markii uu dalku galay, waxaa isbeddel ku yimid noloshii bulshada Soomaalida. Tanina waxay dhashay in doorarkii shaqada ee wiilasha iyo gabdhuhu kala lahaan jireen ay isbeddelaan. 

Dadku waxay u yara laabteen noloshii baadiyaha oo waxaa hablaha lagu qasbay inay guryaha ka shaqeeyaan, halka wiilashana waxbarashada loo diri jiray. Arrintan labo sababood baa keentay: tan koowaad waxay ahayd, kooxihii islaamiyiinta ahaa ee soo rogay ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo fasir khaldan oo ay saareen,  kaa oo ka dhignaa  inaan haweenka loo oggolayn inay guryaha ka soo baxaan, iyo tan labaad oo ahayd, dagaalladii sokeeye iyo fawdadii dalka ka jirtay inay waalidiintii Soomaalida ku keentay, inay u baqaan gabdhaha yaryar ee ay dhaleen. Iskudarka labadaas arrin waxay keentay in gabdhaha waxbarashada laga joojiyo oo ay guryaha ku sugnaadaan. Dhanka kale, waxaa jiray gabdho ay ku baxsadeen qoysaskoodii Soomaaliya ku sugnaa xilliyadii burburka. Cidda ay gabar dibedda ugu maqan tahay waa ay ka fiicnaayeen cid aan gabar dibedda u jirin, madaama ay reerka xawaaladaha u soo dhigi jireen lacago. 

Gabdhuhu, badankood, ragga waa ay ka naxariis badan yihiin, oo dibedda markii ay aadaan reero badan ayay biili jireen oo ay wax u qaban jireen, qaarkood na ilmaha qoyska ayay dibadda waxbarasho u geeyn jireen. Dhanka kale, haweenkii Soomaalidu waxay, sidoo kale, qeyb ka ahaayeen dadaalladii dib-u-heshiisiinta  ee waqtiyadii burburka socday. Haweenku, berigii hore way adkayd inay qeyb ka ahaadaan geedka lagu hoos qabanayo shir la doonayo in lagu heshiisiiyo labada reer ee is-haya, se waqtiyadii burburka haweenku waxay kaalin muuqda ka geysteen shirarkii dib-u-heshiisiineed ee gudaha iyo dibedda dalka lagu qabtay. 

Gunaanad

Sidaas darteed, haweenku mar kasta waxay ahaayeen udubdhexaadka nolosha Soomaalida, iyaga oo kaalin lagamamaarmaan ah ku lahaa hagidda iyo hagaajinta bulshada Soomaaliyeed. 

Cabdiraxmaan X. Daahir

Qore culuunta bulshada bartay oo xiiseeya akhriska iyo qoraalka, kana faallooda arrimaha siyaasadda, amniga, buugagga iyo shineemada.