U bood dhigaalka

Sida Gargaarka Shisheeye U Daciifiyo Hay’adaha Dawladda

Hawlaha gargaarka ee ay wadaan hay’adaha Galbeedka, waxa uu Afrika ka hirgalay lixdamaadkii oo ku suntan, sannad ay dalal badan oo Afrikaan ah gumaystihii Yurub ka qaateen madaxbannaanidooda. Muuq ahaan gumaystuhu meelo badan oo Afrika ah wuu isaga baxay, se wuxuu la yimid siyaasad uu dalalkaas ku sii maamuli lahaa, weliba si aan la dhaaddanayn. Xeeladda uu la yimid waxay ahayd, hawlaha gargaarka ee ay ku andacoodaan inay ku doonayaan fulinta mashaariic horumarineed, si nidaamka dawladnimada Afrika u hanaqaado, oo dalal badan oo Afrikaan ah ay cagahooda ugu istaagaan. Mashaariicdaas waxaa ugu caansanaa mashruucii uu Maraykanku ka hirgaliyay dalal Afrikaan ah oo ay Soomaaliya qeyb ka ahayd, kaasoo loogu yeeri jiray “American Peace Corps”. 

Laga soo billaabo waqtigaas illaa iyo hadda, Afrika weli gargaarku sidii ayuu ugu socdaa, nidaamkii dawladnimada waa fadhiid oo wax isbeddel  la sheegi karo warkoodu waa yaryahay. Bishii Nofeenber ee sannadkii dhammaaday [2025], Aljazeera waxay barteeda Facebook-ga ku baahisay muuqaal warbixineed gaaban oo ay ku dul istaagayso weydiinta ah, MAXAY AFRIKA U NOQOTAY MASRAX DAGAAL oo waliba abaaro, barakac iyo qalaalase siyaasadeed u sii dheertahay. Warbixintan waxay ku soo bandhigtay Aljazeera, inay qaaradda ka dagaallamaan tiro dhan 50 jabhadood oo weli qoryahooda aan dhigin. 

Dhanka kale, waxay tilmaamaysaa inay qaaraddu noqotay garoon ay ku loollamaan kooxaha hubaysan iyo dhinacyada dawladda. Sida ay warbixintu sheegayso qaaradda dagaallada ka socda waxay barakiciyeen dad gaaraya 44 M, tanina waxay keentay ayay leeyihiin in barakaca dunida ay qaaraddu ka noqoto boqollay dhan 36%. Laga soo billaabo 2023, dagaalka Suudaan ka socda ee u dhwxeeyay dhinacyada jahbadda hubaysan ee RSF iyo ciidamada Suudaan, waxa uu barakaciyay tiro dad gaaraysa 14M oo ay 52% yihiin caruur. Markii qaaradda laga yimaado, warbixinta waxay tooshka ku aadinaysaa xaaladaha murugsan ee Soomaaliya ka jira laga soo billaabo 2009 illaa iyo 2025 iyadoo sheegaysa in tirada barakacu marayo dad gaaraya 4.2M oo 42% ay caruur tahay. Warbixintani, dhanka kale, waxay tibaaxaysaa qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka jira oo ay Alshabaab qeyb ka tahay. Iskudarka foolxumadaas iyo dhacdooyinka murugsan ee qaaraddu la tiicayso, waxay warbixintani ku sababaysay faragalinta shisheeye oo gargaarku qeyb ka yahay iyo musuqyada baahsan ee dalal badanoo Afrikaan ah la daalaadhacayaan. Xaaladdaas murugsan iyo sawirkaas foosha xun ee ay xogtani bixinayso, wuxuu kuu xaqiijinayaa in gargaarku uusan waxba tarin dalal badan oo Afrikaan ah. Dambisa Moyo buuggeeda Dead Aid Why Aid Is Not Working and How There Is a Better Way for Africa,waxay kaga warramaysaa sida uu gargaarku Afrika xal uusan ugu ahayn iyo sida Afrika ay u heli lahayd waddo wanaagsan. Waxay ku tilmaamaysaa dhiganaheedaan, in gargaarku uusan yarayn saboolnimadii Afrika ka jirtay ee u sii xumeeyay xaaladdii murugsanayd ee ay qaaraddu la tiicaysay. 

Sidoo kale, Dambisa, waxay ku doodaysaa in gargaarkuba uu yahay waxa sababay musuqaan dilooday qaaraddaan maadaamaa lacagaha gargaarka ee tirada badan aan aad la isku la xisaabtamin. Taas na waxay keentay ayay leedahay in madaxdii ay iska fuuqsadaan lacagahaas aysan jirin cid dabagalayso halkii lagu bixiyay iyo wixii lagu qabtayba. Halkani waxaan ka fahmi karnaa sida uu gargaarku musuqa u abuuro iyo madax leh dhaqankaas. Maadaama lacagahani iyo deeqahani aan la dabagalayn waxay keentay dhaqanka xatooyada ah oo la bililiqaysto lacagihii iyo gargaarkii kale ee bulshada Afrika magacooda lagu soo qaatay. 

Buuggiisa Kalaguurkii Kakanaa, Cabdiweli Cali Gaas wuxuu kaga warramayaa abaartii Soomaaliya ka dhacday sannadkii 2011. Waxa uu sheegayaa inay dadaal badan u galeen oo ay baaq u direen hay’adihii gargaarka iyo Beesha Caalamka, si abaartaan gallaafatay nolosha Soomaali badan wax looga qabto. Isagoo taas ka hadlaya ayuu buuggiisa ku leeyahay, “Dakhliga ugu horreeya ee soo xarooday ee aan ku qiyaasnay 500k in uu gaarayo, ayaan ku bixinnay inaan deeq gaarsiinno labo xero oo barakac ah: xero Badbaado 30k ku dhow ayaa la dajiyay iyo xero Rejo oo la dejiyay 15k illaa 20k. Intaas waxaa la gaarsiiyay adeegyadii asaasiga ahaa. Dhimashadii badnayd na waa ay yaraatay, inkastoo ay weli jireen cudurro. Codsigii hay’adaha caalamiga ah loo diray saddex toddobaad ayaa la aqbalay, markii ay arkeen in muuqaalladdii macluusha ee argaggaxa lahaa ay gaareen caalamka. Dalka waxaa yimid madax kala duwan: Ismaaciil Cumar Geelle, Ordogan iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan.” 

Dhanka kale waxa uu tilmaamayaa inay jireen dad jidka u gali jiray deeqihii loogu talagalay bulshadii noloshooda abaaruhu gallaafteen, iyagoo xeryaha mucaawinada lagu qaybin jiray ku soo daadguraynaya dad ay iyagu  soo qorteen. Arrintaas asigoo tilmaamaya ayuu leeyahay: Dadaal gargaar badan baa dalka soo gaaray, inkastoo ay jirtay caqabad ah in la leexsado mucaawinadii loogu talogalay dadkii masaakiinta ahaa. Dadka leexsaday waxa ay iskugu jireen: guddoomiyaal degmo, Booliis iyo Millitari. Qowlaysatadaas, waxa ay sameyn jireen in ay soo aruuriyaan dad qaxooti ay ka soo dhigeen, ka dibna iyaga ay iskaga dhigaan horjoogayaal masuulo ah oo u qidmeeya dadkaas. Hadhow markii caawinaadda la siiyo ayay dadkaas inyar inta siiyaan, inta kalana ay gadan jireen. Rag badan oo madax ah oo sidaas ku taajiray ayaa jira oo hadda siyaasiyiin ah. Deeqihii Beesha Caalamku shacabkii tabaalaysnaa ugu talagashay, waxaa jidgooyo u dhigtay dad madax ah, sida uu Cabdiweli noo tilmaamayo. Inay lacagahaa dhacaanna waxaa keentay maadaamaa aysan jirin cid dabagalaysa halka ay lacagahaas ku baxaan. Halkaan waxaa ka abuurmay caqliyadda ah haddii ay madaxdu qortaan codsiyo (proposals) ay ku codsanayaan in wax laga qabto dhibaatooyinka bulshadu wajahayso, ay ku helayaan lacago malaayiin doolar ah. Tanina waxay sawir guud naga siinaysaa siduu gargaarku u abuuro madax mususmaasuq ah.  

Buugga “The Road to Hell” ee uu qoray Michael Maren wuxuu ku sheegayaa, in gargaarka shisheeye uusan dhisin nidaamka dawladnimo ee naaxiyo nidaamka ay qeybta ka yihiin madaxda musuqmaasuqa caadaysatay maadaamaa uusan jirin isla xisaabtan.  Maren buuggiisa waxa u soo qaadanayaa xaaladdii Soomaaliya ka jirtay xiligii 90meeyadii qarnigii tagay ee uu dalku ku jiray dagaalladii sokeeye (civil war). 

Hay’adihii caalamiga ahaa waxay dalka ku soo daadguureeyeen deeqo kala duwan oo raashin iyo sahay kale iskugu jiray.  Si kastaba ha ahaatee, faragelintan oo ujeed wanaagsan laga lahaa ayaa si lamafilaan ah u hurisay colaaddii dalka ka jirtay. Kooxo hubaysan ayaa la wareegay gargaarkii, iyagoo u adeegsaday xoojinta awooddooda iyo maalgelinta hawlahooda. 

Natiijadii ka dhalatay waxay noqotay in gargaarkii uusan gaarin dadkii sida daran ugu baahnaa, isla markaana uu sii xumeeyay rabshadihii iyo xasilloonidarradii dalka ka jirtay. Wuxuu tibaaxayaa in gargaarku wiiqay nidaamkii bulshada Soomaalida u saamaxayay inay noqoto mid adkeysi leh oo isku filan kuwaas oo taariikh ahaan bulshada Soomaalida ka caawin jiray inay ka badbaadaan abaaraha. Gargaarka shisheeye waxa uu baddelay nidaamkaas jiray isagoo ku beddelaya ku tiirsanaan, taana waxay daciifisay hay’adihii iyo qaabdhismeedyadii bulsho ee jiray. 

Gabagabadii, arrimahan oo dhan waxay noo caddaynayaan sida gargaarku u daciifiyo oo uu lugaha uga  xiro hay’adaha dawladeed ee qaaradda ka jira. 

Cabdiraxmaan X. Daahir

Qore culuunta bulshada bartay oo xiiseeya akhriska iyo qoraalka, kana faallooda arrimaha siyaasadda, amniga, buugagga iyo shineemada.