U bood dhigaalka

BARBAARINTA HORE EE CARRUURNIMADA

Qofka aadamiga ah noloshiisa oo dhan waxaa go’aaminaya sida loo soo barbaariyay ama koriinshiyiihiisa hore. Barbaarinta hore ee carruurnimadu waa aasaaska ugu muhiimsan ee qofka, gaar ahaan inta u dhexaysa maalinta uu dhashay ilaa uu ka gaarayo da’da 10 sano jirka. Inta uu ku gudajiro sannadahan ilmuhu waxa uu u baahanyahay daryeel, ka warqabid, ilaalin maskaxeed iyo mid jireedba. Ilmuhu inta uu yaryahay waxa uu ubaahanyahay in lagu hago ama la baro waxyaabaha u wanaagsan iyo inta xun ee la rabo in uu ka joogo ama ay tahayba in uusan samayn.

Marxaladda carruurnimada inta ay ku gudo jiraan ilmuhu, waxaa waalidka la gudboon in ay xil gaar ah iyo masuuliyad weyn iska saaraan jihaynta ubadkooda. Inta badan, waalidkeenna Soomaaliyeed kuma baraarugsana culayska ay leedahay in carruurta loo barbaariyo si maanfurnaani ku dheehantahay oo dareen ahaan loo koriyo ubadka.

Marxaladda carruurnimada inta ay ku gudajiraan ilmuhu waxaa waalidka la gudboon in xil gaar iyo masuuliyad weyn iska saaraan jihaynta ubadkooda. Inta badan, waalidkeenna Soomaaliyeed kuma baraarugsana culayska ay leedahay in carruurta loo barbaariyo si maanfurnaani ku dheehantahay oo dareen ahaan loo koriyo carruurta.

Cunugga Soomaaliyeed looma barbaariyo sidii ay ahayd in loo koriyo. Waalidkeen badankoodu, keliya, waxa ay ka fikiraan sidii carruurtooda ku heli lahaayeen cunta caloosha u buuxisa, dhar ay qaawaanta ka xirtaan iyo goob waxbarasho oo ay carruurtu aaddo. Wax intaas ka dheer ma helo ilmaha Soomaaliyeed.

Ilmaha marka uu ku gudajiro sannadaha uu korayo waxa uu u baahanyahay in uu helo degaan ku habboon hab korriinkiisa, caafimaad maskaxeed oo dhammaystiran, waxbarasho waalidku la ogyihiin halka ay wax u marayaan, iyo u dhowaanshiyaha waalidka sida, in uu si dhow ula sheekaysto oo uu ogaado xaalad kasta oo ilmihiisa la soo derista; in uu waalidku uga sheekeeyo waxa uu cunuggiisa ku fiicanyahay iyo waxyaabaha uu u baahanyahay in uu iska saxo. Sidoo kale, waalidku waa in uu ilmihiisa u abuuraa degaan ku dhisan farxad iyo waqti wadaqaadasho (quality time)—taas oo u fududaynaysa in waalidka iyo carruurtiisu ay helaan xiriir wanaagsan oo ka dhexeeya.

Waalidka Soomaaliyeed, inta badan, iyaga iyo carruurtooda kama dhexeeyo xiriir qotadheer oo ku dhisan isfahan iyo is-ilaalin xagga dareenka ah. Tusaale, cunugga yar ee guriga jooga markii uu khalad yar galo waxaa lagu guulguulaa in aabbihiisa loo sheegi doono ama hooyo lagu dirayo, si loo garaaco ama loogu qayliyo—arrintaas oo lagu macneeyo “edbin”—waxaana halkaas ka abuurma kala fogaansho dareen iyo xiriir baqdin ku dhisan!

Gefafka kale ee ay waalidiintu sameeyaan waxaa ka mid ah in ay carruurtoodu aad u  xakameeyaan oo ay ka ilaaliyaan in aadaan meelo ay ku ciyaaraan. Waxa ay u diidaan in ay carruurta saaxiibbadood ah waqti la soo qaataan. Waxa ay ka soo xiraan fursad kasta ama waddo kasta oo cunuggaasi ku dareemi lahaa caafimaad maskaxeed iyo degganaansho gudeed. Marka danbe, cunuggu wuxuu gaarayaa heer uu xarkagoosto oo uu xitaa iskudayo in uu ka faa’iidaysto waqtiga yar uu waalidkiisu maqanyahay ama aysan ishiisu qabanayn, markaas oo uu sameeyo wax allaale iyo waxa uu doono: ha wanaagsanadaan amase ha xumaadaane.

Arrintaas ayaa dhasha in ilmaha iyo waalidkiis jacaylkii ka dhexeeyay uu yaraado. Cunugga ayaa gala digtoonow oo mar kasta uu waalidkiis arko waxa uu naftiisa kula showraa: “tolow maxaa lagu dhihi doonaa, maadaama oo aad maanta baxday adiga oo aysan waalidkaa ku ogayn?” Sidoo kale, waxaa dhici kara in ilmaha yari marka uu guriga ka soo tago oo waalidkiisu arkaan isaga oo saaxiibbadii la socda ama la ciyaaraya uu ka dhuunto ama meesha uu ku ciyaarayay laga soo kaxeeyo isaga oo aan ku faraxsanayn.

Haddaba, aan iskudayno waxyaabaha qaar oo ay tahay in waalidka iyo macallimiinta ubadka wax baraysa aysan kula kicin ilmaha ama ay, ugu yaraan, ka yareeyaan—kuwaas oo saamayn ku yeesha maskaxda iyo dhimirka ilmaha, ayna adagtahay in uu ka bogsado caafimaad ahaan:

Qaylada: Inta badan waxaa dhacda in waalidka iyo dadka markaas ilmaha la jooga ay ku qayliyaan, taas oo sabab u noqon karta in hoosudhac ku yimaado koriinshiyaha maskaxeed ee ubadka. Qayladu waxay ka mid tahay waxyaabaha aan marnaba ka go’in ilmaha maankooda. Sida ay Soomaali ku maahmaahdana, “uli way qabowdaa, erey kululse ma qaboobo”.

Barbardhigga: Waxaa laga yaabaa waalidka ama macallinka in uu si caadi ah isku barbardhigo carruurta iyaga oo isleh ha wanaagsanaado ama sida hebel oo kale ha noqdo, taasi waxay sababi kartaa in uu ilmaha is iraahdo maxaa qofkaasi laguula barbardhigayaa, waxaa sidoo kale yeraanayo kalsoonida ilmaha uu naftiisa ku qabay, waxaa laga yabaa in uu aamino waxa hebel sameeyay in uusan qaban karin. Arrintan waalidiinta Soomaaliyeed aad bay u adeegsadaan, waxaa habboon in ilmaha yar si kale loola hadlo intii qof kale lala barbardhigi lahaa.

Dhinaca kale, haddii waalidku isbarbardhigo ilmaha walaalaha ah waxaa ka dhex abuurmi karta colaad, cuqdad iyo in ay uurgumaar horseeda cadowtooyo iyo xaasidnimo. Ilmaha garaadkoodu isku mid ma ahan oo way kala caqli badnaan karaan, sidaas si la mid ah waxbarashada iyo nolosha caadiga ah way ku kala duwanaan karaan. Ilmaha qaar baa jeclaan kara in ay bartaan farsamada gacanta—oo waxaa laga yaabaa in uusan ku fiicnayn waxbarashada kale—taasna micnaheeduna kama dhigna in uusan waxba garanayn oo uu ka fiicanyahay midka kale oo waxbarashada caadiga ah ku fiican. Sax ma aha in la isla barbardhigo oo lagu yiraahdo: “Hebel baa waxbarashada kaaga fiican oo adigu dammiin baad tahay aan waxba baranayn”. Sidaas darteed, waxaa habboon in la ogaado cunug kasta meesha uu ku fiicanyahay, loona tixgeliyo oo lagu dhiirrigaliyo.

Cabsigalinta iyo guulguulka: Cabsigalintu waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ilmaha si nafsi ah u saameeya, Ilmuhu markii uu khalad yar galo haddii lagu baqageliyo in uu aabbiihiis ama macallinkiisu garaaci doono, waxaa suurtowda in cunuggu nacayb daran u qaado qofkaas ama uu ka dido, kana fiigo agtiisa. Aabbaha oo ubadka lagu bajiyo way ka sii darantahay midda macallinkiisa, ooo waxaa dhici karta marka cunugga aabbihiis lagu cabsigaliyo in uu kacararo halkii uu uu carari lahaa.

Ereyada wax dhaawaca: In ilmaha lagu iraahdo ereyo maskaxdiisa saamayn ku yeelata sida: “waryaa nacas baad tahay”; “dammiin baad tahay”; “wax ma fahmaysid”; “horusocod ma lihid”; “facaagaa kaa sarreeya”; iyo wax la mid ah. Cunugga yar mar haddii intan lagu yiraahdo, maskaxdiisa ayay raadaynayaan, waxaana dhici karta sida loogu celcelinayo ereyadaas in uu qaayibo oo uu aamino in uu “waxmatare” yahay. Waxaa habboon in waalidku ereyo toolmoon oo togan dhegaha ubadkooda maqashiiyaan, si aysan u hankooda u quusin.

In la dareensiiyo cabburin xadkabax ah, lagana ilaaliyo in uu u hadlo sida uu jecayl yahay iyo waxa uu doonayo: Mararka qaar, xitaa waxaa laga yaabaa ilmaha oohinta in uu ka raadinayo nafis, waxaa haboon in lagu caburin loo fasaxo si uu udareemo deganaanshiyo maskaxeed.

Waxaa jira intan iyo in ka badan oo ay tahay in waalidku ilmihiisa ka ilaaliyo si uu u dhammaystirmo caafimaadka maskaxeed ee ubadka. Sidaas si la mid ah, waxaa jira waxyaabo wanaagsan oo ay tahay waalidku in uu carruurtiisa u sameeyo waxaa ka mid ah:

  1. In uu waalidku si dhow ula saaxiibbo ilmihiiisa, kana warhayo xaaladihiisa caafimaad, waxbarashadiisa iyo wax kasta oo ilmihiisu u baahanyahay, si aysan cid kale baahida uga faa’iidaysan.
  2. Waalidku waa in uu abuuraa degaan ay ku dhan tahay is-aaminaad iyo in ay is-aqbalaan, ilmihiisana cabsi ku abuurayn.
  3. Waalidku in uu la sheekaysto ilmihiisa, ayna ugu sheekeeyaan wax kasta oo ay la soo kulmaan inta ay iskuulka joogaan.
  4. Carruurta in lala qaato waqti fiican si ay u dareemaan xasillooni nafeed iyo degganaansho.
  5. In waqtiyada qaar la ciyaarsiiyo games ka ay jecelyihiin oo ay ku dareemayaan farxad joogto ah.
  6. In mararka qaar loo kaxeeyo meelaha dalxiiska sida xeebaha iyo goobaha carruurta la geeyo si ay ugu soo nafisaan.
  7. In laga taageero dhinaca waxbarashada oo waalidku ay ka caawiyaan ilmaha markii uu guriga imaado, in loogu celiyo duruustii uu maalintaas soo qaatay.
  8. In carruurta la jeclaysiiyo diintooda iyo habdhaqanka wanaagsan, iyaga oo looga sheekaynayo Suubbanaheenna (SCW) iyo saxaabbadii wanwanaagsanaa sida ay diinta innoo soo gaarsiiyeen.
  9. In la dhegaysiiyo suugaanta carruurta iyo in ay waalidiintu la daawadaan waxyaabaha carruurta maskaxdooda korinaya.
  10. In la ammaano oo loo sheego waxyaabaha ay ku wanaagsanyihiin. Arrinkani waxa uu kor-u-qaadayaa dadaalka ilmaha, waxa uuna noqonayaa ilmo dhiirran oo jacayl in uu horumar sameeyo.

Run ahaantii, barbaarinta carruurta ma ahan wax fudud, waalidkana waxaa ka saaran masuuliyad gaar ah oo ay tahay in uu si hufan uu u guto, carruurtana laga fikiro caafimaadkooda maskaxeed, si loo ilaaliyo korriinshiyahooda iyo sida uu noqon lahaa mustaqbalkooda.

Maryama Isaaq

Qore dersa culuunta bulshada, isla markaasna xiisaysa daraasaynta iyo wax-ka-qoridda dhaqamada bulshada, habfikirkooda iyo saykoolojiyadda bulsheed.