U bood dhigaalka

MAXAY DOORASHADA 08 FEBRAAYO KA BEDDELI KARTAA LOOLLANKA JABBAAN IYO SHIINAHA

WQ: Abshir Tifow

Cilmibaare siyaasadeed

Dhawr bilood oo ay xafiiska joogto Ra’iisulwasaaraha Jabbaan, Takaichi Sanae, ayaa ku dhawaaqday in ay qabanayso doorashada Aqalka Hoose ee Baarlammaanka Jabbaan, 8da Febraayo—iyada oo ugu gol leh in ay shacbiyaddeeda sare ugu qaaddo—sidoo kalana ay taageero fiican ugu yeelato baarlamaanka dalkeeda.

Takaichi Sanae, waa ra’iisulwasaarihii ugu horreeyay ee haween ah ee xilkan oo kale qabta taariikhda Jabbaan. Sidaas oo ay tahay dadweynaha Jabbaan wax intaas dhaafsiisan kama yaqaannaan, marka laga reebo in ay ku yaqaannaan weeararrada afka ah ee ay ku qaaddo Shiinaha, taas oo ay ku muujiso mawqifka Jabbaan ee ku aaddan marinka Taiwan.

Inkastoo doorashadan waqtigeeda laga soo hormariyay ay keeni karto xasilloonidarro siyaasadeed oo gudaha ah, haddana waa mid saamayn ku yeelan karto jihada uu qaadi doono xiriirka Shiinaha iyo Jabbaan.

Dhinaca kale, Beijing ayaa ilaa hadda wadda cadaadis ka dhan ah in Takaichi a ka laabato mawqifka ay ka qaadatay marinka Taiwan, taas oo ay adag tahay in ay ka noqoto; maadaama oo ay ka dhigantahay isbeddel macno leh oo ku yimaada istaraatiijiyadda Jabbaan ee ku aaddan Taiwan.

Shacabka Jabbaan ayaa dhinacooda hore u taageersanaa in dawladdu door muuqda ka qaadato arrimaha ka dhanka ah Taiwan. Sidoo kale, dadweynaha ayaa muddo dheer ka gadoodsanaa cadaadiska Shiinaha, ka hor inta Takaichi iyo xisbigeeda (LDP) ka hadlin.

Inkastoo xisbiyada mucaaradka ah ay ku eedeeyeen Takaichi in ay si taxaddar-la’aan ah u hadashay, haddana ma jirto kalaqeybsanaan siyaasadeed oo weyn, maadaama ay labada dhinacba Shiinaha u arkaan mid danaha dalkooda lid ku ah.

Arrimahaas oo isbiirsaday ayaa Takaichi ka dhigaysa mid durba ku kasbatay taageerayaal badan oo gudaha ah.

Si kastaba ha ahaatee, xitaa haddii Takaichi ku guulaysato doorashada soo socota, taasi macnaheeda ma aha in Jabbaan ay qaadi doono tallaabooyin aad u adag oo ka dhan ah Shiinaha, haddii ay noqon lahayd talaabooyin militari, oo aan dhabtii xilligan suurtagal ahayn.

Xisbiga talada haya ee LDP ayaa hadda loo arkaa in ay ku fashilmeen maaraynta xiisadda Shiinaha iyo Jabbaan, maadaama ay soo shaacbaxeen hogaamiyayaal waaweyn oo ka tirsan LDP ay si qarsoodi ah ugu shaqayn jireen xiisadaha Jabbaan iyo Shiinaha, waxaana laga xusi karaa Nikai Toshihiro oo hadda hawlgab noqday, kaas oo ka mid ah dadkii sida weyn ugu shaqayn jiray xalinta xiisadaha labada waddan.

Jabbaan waxay saaxiib dhow la tahay oo ay ku tiirsantahay Maraykanka. Saaxiibtanimadaas waxay shaqaysaa oo kaliya marka ay iswaafaqaan danaha laba dal. Laakiin way adkaanysaa marka Maraykanku danihiisa gaarka ah ee ku aaddan Shiinaha ay ka hor yimaadaan midda Jabbaan.

Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tago Beijing, bisha Abriil. Trump wuxuu doonayaa heshiis ballaaran oo uu la galo Shiinaha. Dhanka kale, bilowgii muranka Jabbaan iyo Shiinaha, Trump iyo maamulkiisa si adag ugama hadlin, taas oo ay walaac ka muujiyeen Jabbaaniisku.

Doorashadan 8da Febraayo, dhaqaalaha ayaa ah meesha kale eeisha lagu hayo, maadaama codbixiyayaashu ay aad u danaynayaan in wax laga qabto sicirbararka, musharaadka, iyo guud ahaan xaalada dhaqaalaha.

Takaichi waxay hore u ballanqaaday in la kordhin doono kharashaadka dawladda ee dhanka difaaca, taas oo sababi karta in canshuurta la kordhiyo ama adeegyada bushada oo la yareeyo. Runtii, labadaas arrimoodba shacabka ayay u daranyihiin. Laakiin, haddii ay qorshahan fulintiisa, Takaichi, ku dhiirrato, dhaqaalaha Jabbaan wuxuu ku kordhi doonaa muddo gaaban, balse mustaqbalka danbe way adkaanaysaa in la kordhiyo mar kale.

Ugu danbayntii, haddii Shiinaha uu duullaan militari ku qaado Taiwan, sida Ruushka uu Yukrayn ugu qaaday, jawaabta ugu weyn ee Jabbaan waxay noqon kartaa cadaadis diblomaasiyadeed iyo mid siyaasadeed oo kaliya. Si kastaba ha ahaatee, hormarinta awoodda difaaca waxay taageeri kartaa dadaallada diblomaasiyadeed. Shiinaha iyo Jabbaan waxaa hadda ka dhexeeya xiriirro ganacsi iyo maalgashiyo balaayiin ah.