U bood dhigaalka

Weerarka Trump ee Qoyska Obama: Xuduuddii Siyaasadda miyaa la isla dhaafay?

Muuqaalka muranka weyn dhaliyay ee uu Donald Trump dhowaan soo dhigay bartiisa Truth Social waxa uu tusaale u yahay heerka uu gaaray loollanka siyaasadeed ee Maraykanka, isagoo si toos ah u beegsaday Madaxweynihii Hore ee Maraykan, Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle Obama.

Qoraalkan oo markii hore u muuqday mid looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, wuxuu isu beddelay mid naxdin ku noqday dad badan, ka dib markii dhammaadka muuqaalka lagu soo daray sawirro lagu farsameeyay qalabka casriga ah oo qoyska Obama loogu ekaysiiyay daanyeer dhex jooga duurka.

Arrintan ayaa dhalisay caro caalami ah maadaama loo arkay midabtakoorkii ugu xumaa ee muddooyinkan ka soo muuqda saaxadda siyaasadda heerka sare ah, gaar ahaan xilli lagu jiro bisha xuska taariikhda dadka madow.

​Inkasta oo muuqaalkaas laga saaray internedka saacado ka dib, haddana saamaynta uu reebay ayaa ahayd mid aad u weyn oo kicisay dood ku saabsan anshaxa madaxda.

Trump qudhiisu wuxuu iskudayay inuu iska fogeeyo eedaymaha, isagoo sheegay inuusan si fiican u daawan muuqaalka ka hor intaan la baahin, laakiin taasi kama hor-istaagin mucaaradka iyo xubno ka tirsan xisbigiisa inay ku dhaleeceeyaan habdhaqan ka baxsan milgaha hoggaamineed.

Dhacdadan ayaa sii kordhisay kala qaybsanaanta bulshada Maraykanka dhexdeeda ah, iyadoo, mar kale, farta ku fiiqaysa sida baraha bulshada loogu adeegsan karo weerarro shakhsi ah oo xanbaarsan farriimo nacayb ah oo salka ku haya kaladuwanaanta isir, mid midab ama hayb.