U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday Heshiis Iskaashi Ciidan iyo Difaac

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudiga ku saxiixay heshiis iskaashi ciidan iyo difaac oo uu la galay dhiggiisa Sucuudiga, Amiir Khaalid Bin Salmaan.

Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid si weyn u xoojinaya xiriirka milateri ee labada dal, isla markaana diiradda saaraya horumarinta tababarka, is-weydaarsiga khibradaha, iyo wada-shaqeynta amniga si loo xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliya.

Labada wasiir ayaa carrabka ku adkeeyay in iskaashigan cusub uu kaalin muhiim ah ka qaadan doono la dagaallanka khataraha amni ee gobolka, gaar ahaan argagixisada, isla markaana uu kor u qaadi doono xasiloonida iyo nabadgelyada guud ee Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskan u aragta tallaabo istiraatiiji ah oo lagu dhisayo ciidamo awood leh, halka Boqortooyada Sucuudiguna ay mar kale muujisay taageerada ay u hayso dadaallada Soomaaliya ee dib u dhiska hay’adaha difaaca iyo sugidda amniga qaranka.