Maxay yihiin diyaaradaha JF-17, maxay’se ka badeli karaan awoodda ciidanka cirka ee Soomaaliya ?
Dawladda Soomaaliya ayaa Wada-hadallo wax ku ool ah kula jirta dhiggeeda Pakistan si ay u Hesho 24 Diyaaradaha Dagaalka ee JF-17 Thunder Block III ah, sida ay xaqiijiyeen ilo militari iyo kuwo warbaahineed oo labada dhinac ka ag dhowe.
Inkastoo aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah u shaacin haddana wararka ayaa sheegaya inay wada-hadalladu si heer sare ah u socdaan, ayadoo laga wada-xaajoonayo iibsiga 24 diyaaradaha dagaalka ee nooca JF-17 Thunder Block III ah, sida ay sheegtay shabakadda Defence Security Asia oo xiganaysa ilo xog-ogaal ah.
Haddii heshiiskan la meel mariyo, wuxuu noqon doonaa tallaabadii ugu ballaarneyd ee casriyeyn ciidan ee ay Soomaaliya qaaddo tan iyo burburkii dowladdii dhexe sanadkii 1991.
Heshiiskan ayaa sidoo kale la filaya inuu horseedo isbeddel istiraatiiji ah oo weyn, kaas oo Soomaaliya uga guureyso ku-tiirsanaanta taageero militari ee shisheeye, kuna wajahan dagaalka argagixisada, ayadoo xoogga saaraysa dhisidda ciidan cirka oo madax-bannaan, casri ah, kana shaqeeya ilaalinta hawada, badda iyo dhulka dalka.
iibsiga JF-17 wuxuu si toos ah u saameyn doonaa dheelitirka awoodda cirka ee Geeska Afrika, maadaama Soomaaliya ay si rasmi ah dib ugu soo laabaneyso khariidadda dalalka leh awood dagaal oo cirka ah.
Soomaaliya waxay leedahay hawada ugu ballaaran gobolka, taas oo gaaraysa (637,000 km²) iyo xeeb dheer oo ka badan 3,300 km, kuwaas oo muddo dheer aan lahayn ilaalin ku filan.
Xogta Wada-hadalladan ayaa soo baxday ka dib booqasho uu bishan Febraayo dalka Pakistan ku tegay wafdi sare oo Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliya, Janaraal Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood), taas oo muujinaysa in arrintu ka gudubtay kaliya fikrad una gudubtay wada-xaajood rasmi ah oo dowlad-ila-dowlad ah.
Maxaa JF-17 uga dhigaya mid ku habboon Soomaaliya?
Sida laga soo xigtay Mas’uuliyiinta Pakistan JF-17 Thunder waa diyaarad leh qiime jaban, balse awood buuxda leh dhammaan noocyada howlgallada iyo hannaanka difaaca hawada ee casriga ah.
Khubarada amniga ayaa tilmaamay in JF-17 ay leedahay faa’iidooyin ay ka mid yihiin dabacsanaan hub, tababar, dayactir fudud iyo shuruudo siyaasadeed oo ka yar kuwa la socda diyaaradaha Maraykanka ama Yurub.
Sidoo kale diyaaradda Block III ee JF-17 waxay ku qalabeysan tahay:
Raadaar AESA ah (KLJ-7A) oo leh awood ogaansho oo gaaraysa ilaa 170 km,
Xawaare gaaraya Mach 1.6 oo
Masaafada dagaalka ah, taas oo u dhiganta in ka badan 1,350 km, ayadoo sidoo kale ay ku rakibanyihiin gantaallo casri ah oo ay ku jiraan PL-15 (BVR) iyo hub kale.
Awoodahan ayaa si gaar ah ugu habboon baahiyaha Soomaaliya ee la xiriira ilaalinta hawada, la-socodka badda, la-dagaallanka tahriibka, burcad-badeedda iyo khataraha amniga qaranka.
Ciidanka Cirka Soomaaliya wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu xooggan Afrika xilligii dawladdii kacaanka(1969–1991), isagoo haystay diyaarado ay ka mid ahaayeen MiG-21, MiG-17 iyo Il-28, balse intii lagu jirey burburkii dowladnimada ayay awooddaas si buuxda u baaba’day.
Muddo ka badan 30 sano, Soomaaliya waxay ku tiirsaneyd gargaar dibadeed, hayeeshee Qaadistii cunaqabataynta hubka ee Qaramada Midoobay Diseembar 2023 ayaa furtay bog cusub, iyadoo ay Soomaaliya Turkigu horey uga heshay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2, sidoo ay tiro diyaaradaha Qumaatiga u kaca ah dibedda ka keensatay.
Si kastaba, JF-17 waxay noqan kartaa tiirka ugu weyn ee dib-u-dhiska awoodda cirka, ayadoo taasi ay Soomaaliya ka dhigi karto dal leh ciidan cirka oo u gaar ah, islamarkaana madax-bannaanidiisa ilaashan kara.