NISA iyo Saaxiibada Caalamka oo Dilay Horjooge Sare oo ka Tirsanaa Kooxda Shabaab
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo garab ka helaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo guul ku dhammaaday ka fulisay agagaarka degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo ay ku khaarijiyeen horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Shabaab.
Horjoogahan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Sahal Iidle, loona yaqaannay Abuu Usaama, ayaa ahaa shaqsi saameyn weyn ku dhex lahaa hoggaanka kooxda, isagoo xiriir dhow la lahaa hoggaamiyaha guud ee Shabaab, Axmed Diiriye.
Dilka Abuu Usaama ayaa yimid xilli loo diyaarinayay inuu la wareego xilka madaxa maaliyadda ee kooxda Shabaab, si uu u beddelo horjoogihii hore ee Cabdullaahi Wadaad oo isna isla ciidanka NISA ay ku dileen gobolka Shabeellaha Hoose dabayaaqadii bishii Janaayo.
Xilliga uu howlgalku dhacayay, horjoogahan wuxuu ku guda jiray ururinta lacago baad ah oo ay kooxdu ugu yeerto sakawaat, kuwaas oo laga maroorsanayay dadka rayidka ah ee ku nool deegaannadaas.
Taariikhda fog ee uu Abuu Usaama ku lahaa kooxda Shabaab dhexdeeda ayaa muujineysa inuu soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim ah, isagoo mar soo noqday horjoogaha Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose, xubin ka tirsan golaha shuurada, iyo madaxa qaybta marin-habaabinta.