DHALASHADA JAMHUURIYADDII SHARFANAYD ILAA BURBUR IYO DAGAALLO SOKEEYE: CASHIRRADA AY AFRIKA KA BARAN KARTO SOOMAALIYA
WQ: Barafasoor Cabdi Ismaaciil Samatar
WT: Abdirahman H. Dahir
Hordhaca Tarjumaha
Curismaqaaleedkan waxaa qalinka u qaatay Barafasoor Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ah mid ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Afrika. Sidoo kale, waa bare wax ka dhiga mid ka mid ah jaamacado ku yaalla dalka Maraykanka. Maqaalkan, waxa uu ku faaqidayaa xaaladda burburka Soomaaliya ee siyaasad ahaan, isaga oo ka soo bilaabay taariikhda gumaystaha ka dib kolkii ay Soomaaliya dhisatay dawladdii ugu horraysay oo dimuqraadi ah, isaga oo ku xijinaya middii kacaanka ilaa burburkii. Waxa uu, sidoo kale, kaga hadlayaa sababta keentay burburkan sii dabadheeraaday ee ku habsaday dalka iyo dadka iyo sida qaaradda Afrika ay digniin ugu tahay xaaladda Soomaaliya.
Dhalashada Jamhuuriyaddii Sharfanayd Ilaa Burbur iyo Dagaallo Sokeeye: Cashirrada Afrika ay ka Baran Karto Soomaaliya
Soomaaliya waxa ay ahayd dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo uu ka dhaco isbeddel dimuqraadi ah, ka dib mahadhadii gumaysiga reer Yurub, taas oo dhacday sannadkii 1967. Labo sano ka hor, waxa ay fulisay dib-u-habayn ballaaran oo ku aaddan adeegyada bulshada. Madaxweynihii Hore ee Zambia, Dr. Kenneth Kaunda, ayaa booqday Soomaaliya sannad ka hor inta uusan dalka la wareegin Maxamed Siyaad Barre, 1968, wuxuuna ku dhawaaqay in dimuqraadiyadda Soomaaliya ay tusaale buuxda u noqon karto dalal badan oo Afrikaan ah. Rikoodhkan horumarineed ee cajiibka ah, ayaandarro, ma sii jirin muddo dheer. Kelitalis ciidan oo uu calanka u sido Maxamed S. Barre ayaa talada dalka afduubtay sannadkii 1969kii. Ku dhowaad labaatan sano oo xukun kelitalis ah ka dib, nidaamkaas ayaa dalka galiyay musiibo ilaa iyo waqtigan la joogo aan laga soo waaqsan.
Guusha hore ee Soomaaliya iyo dhibaatooyinkeedan danbe ee dabadheeraaday, Afrika waxaa ugu sugan casharro siyaasadeed oo xoog leh. Akhristaha qaangaarka ahi, waxa uu isweydiinayaa: maxay tahay waxa sababay musiibadan dabo dheeraatay? Sideese Afrika uga hortagi kartaa musiibo noocaan oo kale ah?
Kacaankii iyo Burburkii Dimuqraadiyadda Soomaaliya
Waxaa jirta labo arrimood oo taariikhi ah, oo muhiim u ahaa qaabayntii safarka siyaasadeed ee Soomaaliya kuwaas oo ay la wadaagto dalal badan oo qaaradda ah. Midda kowaad, nidaamyadii gumaystayaasha Talyaaniga iyo Ingiriiska ee xukumayay dhulka Soomaalida, waxay dhaqanka bulshada Soomaaliyeed (gaar ahaan “abtirsiinta ragga”) u rogeen aqoonsi siyaasadeed (ama “qabyaalad siyaasadeed”) si ay ugu kala saaraan Soomaalida kuwa saaxiib la ah iyo kuwa argaggixiso ah oo ay tahay inay iska ilaaliyaan. Midda labaad, natiijada istaraatiijiyaddaas awgeed, dhaqdhaqaaqii xornimadoonka qaranka ayaa u kala jabay labo kooxood: mid taageerayay siyaasadda xornimada (“political freedom”) oo ku dhisnayd mabda’a madaniga ah, iyo mid la heshiisay gumaystayaashii, isla markaasna haysatay aqoonsi siyaasadeed oo ku saleysan qabyaalad.
Nasiibwanaag, iyadoo la adeegsanayo abaabul ballaaran oo xornimadoon ah, xisbiyada madaniga ah ayaa guulaystay, waxa ayna Soomaaliya u horseedeen xornimo taariikhda baal wanaagsan ka gashay. Dhanka kale, kooxihii uu mabda’oodu ku dhisnaa qabyaaladda waxa ay adeegsadeen eex qabyaaladeed iyo musuqmaasuq, si ay awood uga helaan Soomaaliyada dimuqraadigga ah ee dhowaan curatay.
Toddobadii sano ee ugu horraysay xornimada (1960-67), hoggaamiyayaashii madaniga ahaa ee jamhuuriyadda waxay daacad u ahaayeen mabda’a xornimada iyo dastuurka. Waxay xoojiyeen wadajirka madaniga ah ee bulshada iyagoo dhisay aasaaska dimuqraadiyadeed ee qaranka cusub. Hay’adaha dawladda waxay ka mid ahaayeen kuwa ugu musuqmaasuqa yar qaaradda waqtigaas, carruurta ka soo jeeda dhammaan qaybaha kala geddisan ee bulshada waxay fursadaha u heli jireen si siman oo kooban oo ay dugsiyada ku galaan. Ardayda ka qalinjebisa dugsiyadaas waxay si caddaalad ah ugu tartami jireen fursadaha shaqo ee adeegyada dadweynaha, iyadoon la eegin abtirsiintooda ama gobolka ay ka soo jeedaan reer ahaan.
Intaas waxaa sii dheer, dadku waxay u guuri kareen qeyb kasta oo dalka ka mid ah oo ay degi kareen, weliba, iyagoo muwaadiniin siman ah. Inkastoo horumarka noocaas ah lagu gaaray midnimada qaranka, dalku weli wuxuu ahaa mid sabool ah oo aan horumar dhaqaale oo weyn gaarin.
Toddobo sano ka dib, markii xornimada la qaatay, xildhibaannada qabyaaladiistayaasha ah waxay adeegsadeen musuqmaasuq iyo siyaasado qabyaaladaysan, si ay uga adkaadaan madaxweynihii ahaa aasaasaha jamhuuriyadda iyo ra’iisulwasaarihiisii dib-u-habaynta doonayay doorashadii madaxtinnimada ee 1967 dhacday. Markii Madaxweyne Aadan Cusmaan xilka ka degay, wuxuu u digay maamulka cusub iyo shacabka isagoo yiri: “Dimuqraadiyad la’aanteed wax wanaagsan ma dhici karaan.” Tallaabadan waxay dib u soo celisay istaraatiijiyaddii gumaystaha ee ku salaysnayd: kaladuwanaanshaha qabiileed oo loo beddelay kaladuwanaansho siyaasadeed oo u dhexeeya Soomaalida.
Nidaamkan wuxuu sababay in la sameeyo 63 xisbi siyaasadeed, kuwaas oo intooda badan metelayay min hal musharax oo u tartamaya xildhibaannimo. Markii xaaladdu degtay, dhammaan musharrixiintii hal xisbi ku guuleystay waxay ku biireen xisbigii talada hayay, iyagoo rejaynaya inay helaan xilal wasiirnimo ama lacago. Musuqa siyaasadeed ee aadka u sarreeya wuxuu dadka quluubtooda ka tirtirey kalsoonidii ay dawladda ku qabeen, taasoo keentay in ay soo dhoweeyaan afgenbigii militariga ee 1969kii dhacay.
Xukuumaddii Militarigu markii ay dareemeen rabitaanka shacabka ee ku aaddan dawlad daahfuran, waxay bilaabeen ajende muuqda oo horumarineed, si ay sharciyad iyo aqbalaad uga helaan shacabka. Is-afgaradkani wuxuu socday dhawr sano ka hor inta uusan Walaalka Weyn iyo hawlwadeennadiisu ay si buuxda u qabyaaladayn dhammaan hay’adahaa dawladda, oo ay ku jiraan Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.
Kooxo mucaarad ah oo qabyaaladaysan, ayaa qaatay xeeladdii nidaamkii Jaalle Siyaad, waxayna abaabuleen kooxo mucaarad hubaysan ah oo ku dhisan mabda’ qabiil. Nidaamkii kalitaliska ee awoodda gacanta ku hayay, wuxuu burburay 1991, dalkana wuxuu gacanta u galay jabhado qabiil ku dhisan iyo dagaal-oogayaal iska-soo-horjeeda aragti ahaan iyo dano ahaanba. Soomaaliya waxay noqotay dalkii ugu horreeyay ee adduunka ku fashilma, taasoo keentay in ku dhowaad hal milyan oo qof ay dhintaan malaayiin kalana barakacaan.
Balse natiijada ugu murugada badan, kana dhigtay musiibadan mid waarta waxay ahayd luminta dareenka wadajirnimo ee madaniga ah iyo dabeecadda qarannimo ee dadka. Iyadoo aan la hayn aqoonsigaas, Soomaalidu ma awoodin inay dib u dhistaan noloshooda iyo dalkooda. Shan iyo toban (15) sano ka dib, burburkii Tawradda, koox wadaaddo Muslimiin ah oo loo yaqaannay Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah (UICs) ayaa abaabulay dadweynaha Muqdisho ku dhaqan, waxayna guul ka gaareen dagaal-oogayaashii ama jabhadihii dalka qasayay sannadkii 2006. Si degdegsiimo ah, dawladdii Maraykanka iyo xulafadeeda Afrika waxay hoos u dhigeen kacdoonkan dadweyne, iyagoo u bixiyay Maxaakiimta Islaamiga ah (UIC) magac argaggixiso, waxayna taageereen dawladdii qabyaaladda ku dhisnayd oo Soomaali ah, taasoo lagu soo dhisay Magaalada Nairobi. Intaas waxaa sii dheer, Maraykanku wuxuu taageeray duullaankii Ethiopia ee Soomaaliya sannadkii 2006, iyadoo marmarsiyo looga dhigay in dagaalka argaggixisada dalka ku sugan lagu qaadayo. Tani waxay sababtay dhalashada kooxda al-Shabaab, ururro xagjirro ah oo ilaa maanta fawdo iyo qas ka wada gudaha Soomaaliya.
Dib-u-xoojinta Silsiladda Musuqmaasuqa Iyo Siyaasadda Qabyaaladaysan
Labaatan sano ka dib, markii la aasaasay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulgoboleedyada, cudurka musuqmaasuqa iyo siyaasadda qabiilaysan waxa ay noqdeen kuwo sii burburiya raadadkii ugu danbeeyay ee noloshii madaninnimo. Tan iyo 2000, Soomaalida waxaa loo kala ooday xeryo siyaasadeed oo qabiilaysan iyagoo lagu dhajiyay summad gaar ah oo lagaga garto kuwa kale. Sidoo kale, gobolladu waxay noqdeen sida ‘Bantustans’ oo kale kuwaas oo loogu talagalay kooxo abtirsiin gaar ah leh, mid kastana uu ku hoos jiro keligiitaliye iyo oday dhaqameed dantiisu tahay jeeb buuxsi iyo siyaasad muufaysi ku dhisan. Natiijadaas darteed, xildhibaannada iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda heer kasta oo dawladeed waxay “metelaan” kooxo ama qabiillo gaar ah, iyaga oo aan lahayn aragtiyo madaniyeed oo guud ahaan taabanaya horumarinta dalka iyo dhisidda dareen waddaninnimo. Intaas waxaa dheer, wasaaradaha iyo xafiisyada kale ee ka hawlgala hay’adaha dawliga ah waxay noqdeen xeryo u oodan musuqmaasuqa iyo hoggaamiyayaal qabyaaladdu quluubtoodu saldhigatay. Qaabdhismeedyadan ayaa hawlaha dawladeed u beddelay musuqmaasuq ku saleysan qabyaalad. Iyadoo la hoos joogo hoggaan si weyn fursad u raadsada heer kasta oo dawladeed, kuwa adeegga ka raadinaya dawladda waa bulshada e, waxaa lagu qasbaa inay noqdaan macaamiil lacago dheeraad ah ku bixiya adeegyadii ay ahayd in ay si bilaash ah ku helaan.
Arrinta cabsida leh waxa ay tahay, dhallinyarada tiro kor u dhaafaysa 75% guud ahaan dadweynaha aysan weligood la kulmin dawlad dimuqraadi ah oo muwaadiniintu leeyihiin xuquuq siman, halkaas oo fikradaha siyaasadeed aysan lahayn midabyo qabiileed. Sidaas darteed, inta badan dadka waxay haystaan faham aad u yar oo ku saabsan fikradda muwaadinnimada madaniga ah ee loo wada dhan yahay. Nidaamka dugsiyada dadweynaha ee kobcin lahaa dareenka ama jewiga muwaadinnimada wadajirka ah wuxuu burburay tan iyo markii Xukuumaddii Kacaanka dhacday 1991. Maanta, inta badan dugsiyada iyo jaamacadaha dalka waa kuwo gaar loo leeyahay, mana bixiyaan waxbarasho madani ah, oo dhalinta ma baraan taariikhda dalka. Inta badan dugsiyada waxaa lagu baraa taariikho Carbeed oo aan wax faa’iido ah ugu jirin ardayga Soomaaliga ah. Sidaas awgeed, ma jiraan wax hay’ado rasmi ah ama kuwa aan rasmi ahayn oo lagu kobciyo fikradaha madaniga ah iyo aqoonsi bulsho oo la wada dhan yahay.
Cawaaqibta murugada leh ee ka dhalanaysa jawigan, waa in aqoonsiga qofka u muuqdaa kaliya uu yahay heybta qabiilka uu ka soo jeedo. Sidaas darteed, dhallinyaradu waxay la qabsadeen aqoonsi siyaasadeed oo qabiil ku saleysan, waxayna u muuqdaan kuwo aan awoodin inay maleeyaan qaab kale oo horumarsan oo aan ahayn heyb qabiileed ee loo noolaado. Dhaqanka nuucaan ah ee la caadiyeeyay wuxuu sii xoojinayaa awoodda hoggaamiyeyaasha iyo in ay si qabyaaladaysan wax ku musuqmaasuqaan. Kuwani waa madaxda dalka ka dhigay mid burbursan dhan kastaba, tusaalihii dimuqraadiyaddana u beddelay in ay kooxo gaar ah u xirnaato hoggaaminta iyo siyaasadda dalka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dareen soo kordhaya oo ka dhex jira qaar ka mid ah dhallinyarada oo doonaya mustaqbal madani ah oo loo wada dhan yahay iyo siyaasad tan hadda dhaanta.
Farriinta ay Xaaladda Soomaliya u Dirayso Waddamada Afrika
Haddii dal Afrika ka mid ah oo isirwadaag ah xagga dhaqanka u gacangalo hoggaamiya-kooxeedyo iyo kooxo qabqablayaal ah, ma jiri karo dal kale oo ka badbaadi kara musiibada musuqmaasuqa iyo siyaasadda qabyaaladaysan. Sidaas darteed, afar nooc oo dalal ah ayaa ka jira qaaradda xilligaan la taagan yahay. Midda koowaad, waa dalalka burburay, kuwaas oo Soomaaliya, Liibiya, iyo Suudaan u yihiin tusaalayaal la xuso. Midda labaad, waa dalalka ku dhow inay ku dhacaan godka burburka iyo baaba’a, waxaana ka mid ah Koonfurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (Central African Republic). Midda saddexaad, waa dalalka xaaladdooda laga walwalsan yahay oo qarka u saaran in ay burburaan, waxa ay iskugu jiraan, Ethiopia , Jabuuti, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Gabon, iyo Mozambique.
Ugu danbayntii, calaamado walaac leh oo muujinaya khatar ayaa ka soo ifbaxaya xitaa qaar ka mid ah dalalka lagu tilmaamo in ay yihiin dimuqraadiyiinta Afrika, sida Kenya iyo Koonfur Afrika. Sababta aasaasiga ah ee masiibooyinka iyo mushkiladahan soo noqnoqda ee Afrika waa hoggaamiyeyaal musuqmaasuq ah oo wiiqaya wadajirka madaniga ah ee muwaaddiniintooda. Waxay sidaas sameeyaan iyagoo aqoonsiga dhaqanka u beddelaya mid kala qaybiya bulshada. Ajendaha indha-la’aanta ah ee hoggaamiyayaashan waa inay xukunka sii haystaan si ay u dhacaan kheyraadka dalkooda. Dhibaatada dadka qaaradda ku dhaqani waxay gaartay heer diimeed. Anigoo ah aqoonyahan Afrikaan ah, ahna senatar ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubin ka tirsan Baarlamaanka Afrika, waxaan si dhow u arkay calaamadahan muujinaya hoosudhaca siyaasadda iyo hoggaanka Afrika iyo dhibaatada ka dhalatay oo ku dhacday dadkeenna. Sababta musiibada siyaasadeed ee Soomaaliya ku habsatay welina ay ka kici la’dahay waxay u muuqataa mid meel walba ka jirta. Hoggaamiyayaasha musuqa ku sifoobay waa calaamad digniin ah oo Afrika inteeda kale aysan sii wadi karin inay iska indhatirto.

Cabdiraxmaan X. Daahir
Qore culuunta bulshada bartay oo xiiseeya akhriska iyo qoraalka, kana faallooda arrimaha siyaasadda, amniga, buugagga iyo shineemada.