U bood dhigaalka

Muxuu yahay Kursiga AUPSC ee Soomaaliya ku Guulaysatay, Muxuuse ku soo Kordhin Karaa Diblomaasiyadda Soomaaliya?

​Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (AUPSC) waa hay’adda ugu sarreysa qaaradda Afrika ee ka go’aan gaarta nabadda, amniga, iyo xasiloonida.

Golahan oo ka kooban 15 dal, waa halka laga maamulo howlgalada nabad-ilaalinta, xallinta khilaafaadka u dhexeeya dalalka, iyo ka hortagga afgembyada iyo argagixisada qaaradda dhexdeeda.

Doorashada Soomaaliya ay ku guuleysatay shalay waa mid ka dhigan in dalkeennu uu xubin buuxda ka noqonayo go’aangaarista masiiriga ah ee qaaradda muddada u dhexaysa 2026 illaa 2028.

​Sida loo helo kursigan ma ahan mid fudud, waxaa loo maraa tartan adag oo u dhexeeya dalalka isku gobolka ah sida Bariga Afrika, Waqooyiga Afrika, Koonfurta Afrika iyo Galbeedka Afrika, iyadoo la eegayo kartida dublamaasiyadeed iyo doorka uu dalku ka ciyaaro nabadgelyada.

Soomaaliya waxay kursigan ku guulaysatay ka dib markii ay heshay 46 cod oo ka mid ah 55ka waddan ee Midowga Afrika, iyadoo ka guulaysatay dalka Eritrea oo ay isku gobolka yihiin.

Tani waxay muujinaysay in dalalka Afrika ay aqoonsadeen horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhinaca dowladnimada iyo doorkeeda muhiimka ah ee xasilinta Geeska Afrika.

​Faa’iidada uu kursigan u leeyahay Soomaaliya waa mid aad u weyn. Marka hore, Soomaaliya waxay hadda fursad u helaysaa inay cod xooggan ku lahaato go’aamada laga gaarayo amniga qaaradda, gaar ahaan arrimaha khuseeya dalkeena iyo gobolka Geeska Afrika. Marka labaad, maadaama Soomaaliya ay isla markaasna xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC), waxay noqonaysaa “buundada” isku xirta Afrika iyo adduunka, taas oo kor u qaadaysa maqaamka dublamaasiyadeed ee dalka.

Doorashada shalay ka dhacday magaalada Addis Ababa ee xarunta Midowga Afrika, waxaa lagu doortay 10 dal oo xubno cusub ka noqonaya Golaha Nabadda iyo Amniga (AUPSC) muddo labo sano ah (2026–2028).

​Dalalka Soomaaliya lala doortay ee guuleystay waxay u kala qaybsan yihiin shanta gobol ee Afrika:

​1. Bariga Afrika (East Africa):
​Soomaaliya (Waxay ka guuleysatay Eritrea).
​Ethiopia (Waxay dib u heshay kursigeedii).

​2. Waqooyiga Afrika (North Africa):
​Masar (Egypt)
​Aljeeriya (Algeria)

​3. Galbeedka Afrika (West Africa):

​Nayjeeriya (Nigeria)
​Ivory Coast (Cote d’Ivoire)
​4. Bartamaha Afrika (Central Africa):

​Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo (DRC)
​Equatorial Guinea

​5. Koonfurta Afrika (Southern Africa):

​Angola
​Botswana

​Waxa loollanka ugu adag uu ka jiray gobolka Bariga Afrika, halkaas oo ay u tartamayeen saddex dal (Soomaaliya, Ethiopia, iyo Eritrea). Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa ku guuleystay labadii kursi ee gobolka ka bannaanaa, halka Eritrea ay weysay codadkii loo baahnaa.

Ugu danbayntii , guushani waxay sahlaysaa in Soomaaliya ay hoggaamiso qorshayaasha nabad-ilaalinta iyo ladagaallanka argaggixisada, iyadoo difaacaysa danta qaranka iyo madaxbannaanida dalka.