U bood dhigaalka

Wasaaradda Gaashaandhigga oo Digniin Adag u Dirtay Ciidanka Xoogga Dalka

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay digniin culus ugu dirtay dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kadib markii la arkay falal ka baxsan anshaxa, nidaamka iyo sharciga ciidan.

Wasaaraddu waxay sheegtay in askarta CXDS ay ku waajib tahay in ay ilaaliyaan sharafta, anshaxa iyo kalsoonida shacabka, ayna ka fogaadaan isticmaalka maandooriyaha, falal dambiyeed, iyo wax kasta oo dhaawacaya sumcadda ciidanka.

Waxaa sidoo kale la adkeeyay in la xoojinayo kormeerka, isla xisaabtanka iyo dabagalka joogtada ah ee ku saabsan hab-dhaqanka askarta.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in la tayeynayo xirfadaha, kartida iyo tababarka ciidanka si loo helo ciidan hufan, adkeysi leh, una diyaarsan difaaca dalka iyo ilaalinta nabadgelyada shacabka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay caddeeyeen in askari kasta ama sarkaal kasta oo ku xadgudba xeerarka ciidan, sharciga ama anshaxa, lala tiigsan doono tallaabo sharciyeed oo adag, si loo ilaaliyo sumcadda iyo awoodda Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.