FALANQAYN: WARBIXINTA MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA EE SHIRKA SANNADLAHA EE GARSOORKA
WQ: Abuukaate Ismaaciil Iidle (Malable)
Bare iyo Sharciyaqaan
Toddobo shir oo hore Maxkamadda Ciidamada ka soo muuqashadeeda shirka garsoorka sanadka wuxuu ahaa martiqaad iyo ka soo qeybgal ay ka soo qeybgalaan hoggaankooda, balse sannadkan waxay ugu qeybgaleen si aad u ballaaran oo diyaarsan, iyagoo ka saamayn batay maxkamadihii rayidka.
Waxaan akhriyay warbixinta lagu soo bandhigay hawlihii maxamadda, galfuris, dhegaysiga, xukun iyo fulin, sidaas awgeed waxaan bidhaamin yar ku samaynayaa waxa ay tahay iyo shaqadooda.
Haddaba, aan milicsanno aasaaska Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. Maxkamadda Ciidamada waxaa la aasaasay xilli hore. Waxaay la kowsatay hanaqaadkii xornimada, markii ugu horraysay waxaa loo sameeyay X.LR.1 ee soo baxay 1963dii, kaasi oo ahaa xeerka ciidamada xilliga nabadda iyo dagaalka. X.LR.2 ee soo baxay 1964tii, kaas oo ah xeerka nidaamka garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.
Waxaa kaloo lagu dhaqaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xeerka Ladagaallanka Argaggixisada ee soo baxay 2023dii.
Yaa lagu qaadaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida?
- Sida gaarka ah waxaa lagu qaadaa ciidamada kala duwan ee qalabka sida, gaar ahaan: Xoogga Dalka, Booliska, Ciidanka Asluubtq Iyo Sirdoonka.
- Cid kasta oo hubaysan sida jabhadaha, ururrada, maleeshiyaadka iyo argaggaxisada.
Lafaguridda Xogta Denbiyada ee 2025: Guud ahaan, waxaa laga furay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida heerarkeeda kala duwan in ka badan 4,000 oo gal, waxaana loo soo taagay in badan 6, 000 oo eedaysane.
Hay’adaha ugu badan ee kiis soo gudbisay waxay noqotay:
- NISA: 1400 ayay horgeysay maxkamadda
- CID: 1024 ayay soo gudbisay si kamadanbays ah. Walow ay la shaqayso maxkamadaha kale ee rayidka ah.
- Xoogga Dalka: 851 gal ayay ka soo gudbiyeen Waaxda Baarista iyo Wardoonka.
- Booliska Gobolka Banaadir: 382 gal ayay fureen.
- Taliska Asluubta: 287 ayaa laga soo gudbiyay, waxaana u sabab ah in sannadka 2025 ay ka hawlgaleen furimaha hore ee dagaalka.
Falanqaynta Noocyada Denbiyada ee la Qaaday 2025:
- Dhac: 548 halka sannadihii hore ay ahayd 214. Waxaa muuqda korar aad u badan.
- Dhaawac: 294, halka sannadkii hore uu dhaawacu ahaa 153.
- Dil: 486 sannadihii hore waxay ahayd 227, waa korar kale oo muujinaya in habacsanan badan ka jirto maamulka xakamaynta askarta.
- Shabaabnimo: 1470, halka sannadihii kale aheed 359, taas ah korar ka badan 300%.
- Lunsasho hanti ciidan: 762, waxayna korartay tiro badan halkii ay ahayd sannadihii hore 452. Waxay muujinaysaa in ay jirto habacsanaan iyo ku dhiirasho badan, waxay ahayd in ay yaraato, se waxaay korartay in ka badan 40%.
Qisaasta: Waxaa la fuliyay 22 xukun. 1 Boolis ah, 1 Daraawiish ah, 4 XDS, 16 Shabaab & Daacish.
Carruurta la soo taagay ayaa iyagana loo qeybi seddex qeybood:
- Kuwa lagu wareejiyay hay’adaha daryeela carruurta 18 wiil iyo 14 gabdhood.
- Kuwa waalidkood loo celiyay 29 wiil.
- Kuwa la xukumay 9 wiil.
Eedaysanayaasha lab iyo dheddig:
- Rag: 5,649
- Dumar: 387
Maamullada Galmudug ayaa ugu badan denbiyada oo 120 kiis ayaa laga diiwaangaliyay. Hirshabeelle ayaa ugu hoosaysa oo 33 kiis laga diiwangaliyay.
Guud ahaan, warbixinta oo ka kooban 62 bog, waxaa lagu xusay hawlo ka baxsan denbiyada, sida wacyigelinta iyo in baahi badan ka jirto xafiisyada wacyigelinta. Waxaa aad loo muujiyay baahida loo qabo koror shaqaale, garsoore, xeer-ilaalin, farsamayaqaanno, xeeldheerayal, qareenno iyo hawlwadeenno la shaqeeyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa soojeedisay in la dardargaliyo daadejinta Maxkamadda oo la geeyo dhammaan degaannada ay ka hawlagalaan ciidanku.