Ciidamada Jubbaland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Miinada ee Al-Shabaab
Maamulka gobolka Jubbaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay in ciidamadooda Amniga (NISA Jubbaland) iyo kuwa Daraawiishtu ay hawlgal qorsheysan oo guul ku dhammaaday ka fuliyeen koonfurta fog ee gobolka Jubbada Hoose.
Hawlgalkan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Badda-madaw, kaas oo u dhexeeya degmada Badhaadhe iyo deegaanka xuduudka ku yaalla ee Raaskaambooni.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka, ciidamadu waxay si buuxda ula wareegeen, Xarun weyn oo kooxdu u isticmaali jirtay farsamaynta iyo diyaarinta miinooyinka iyo walxaha qarxa. Hal goob oo keliya waxaa ciidanku ka soo saareen 90 xabo oo miinooyin ah oo diyaarsanaa, kuwaas oo loogu talagalay in lagu dhibaateeyo dadka rayidka ah iyo ciidamada isticmaala waddooyinka gobolka.