U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Saaka Muqdisho ka Fulisay Xukun Dil ah Labo ka tirsanaa Al-Shabaab

Saaka oo ay taariikhdu tahay 16-ka Febraayo, 2026, waxaa magaalada Muqdisho lagu fuliyay xukunkii qisaasta ahaa ee ay horay u ridday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida labo dambiile oo loo haystay dilal iyo qaraxyo ka dhacay caasimadda.

Labadan nin oo kala ahaa Xasan Cali Iftiin Buule oo loo yaqaannay (Gacmey) iyo Xasan Cali Ibraahim Maxamed Axmed oo loo yaqaannay magacyada (Baari, Biibaaye, iyo Sacad), ayaa lagu helay dambiyo la xiriira inay gumaad ba’an u geysteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

​Sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada, labadan nin ayaa ka mid ahaa unugyada Al-Shabaab ee ka dambeeyay falal naxdin leh oo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo dhiig badan ku daatay oo ka dhacay gudaha Muqdisho.

Ka dib markii ay soo mareen heerar kala duwan oo dacwad ah, ayna caddaatay dambiyada ay geysteen, waxaa saaka laga oofiyay xadkii qisaasta ahaa ee ay muteen si loogu caddaalad falo dhibbanayaashii ay waxyeelleeyeen.