Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cafis u Fidiyay Dhallinyarada u Dagaallama al-Shabaab
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay cafis guud oo loo fidinayo dhallinyarada ka tirsan kooxda al-Shabaab ee doonaya inay ka tanaasulaan fikirka xagjirnimada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aankan uu qaatay bishan barakaysan awgeed, isagoo fursad u siinaya dhallinyarada Soomaaliyeed inay dib ugu soo laabtaan dalkooda iyo dadkooda si ay nabad ugu noolaadaan.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dhexda kooxdaas inay ka faa’iidaystaan cafiska, isdhiibaan, oo ay dib ula midoobaan bulshadooda iyo qoysaskooda.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha dawladda ee lagu dhiirrigelinayo dib-u-heshiisiinta iyo sidii loo wiiqi lahaa awoodda kooxda iyadoo la adeegsanayo cafis iyo wadahadal.