Qoraa Cabdalle Mansuur ” Af-Soomaaliga waxaa halis ku ah seddax arrimood”
Xeeldheeraha Af-soomaaliga iyo dhaqanka Qoraa Cabdalla Cumar Mansuur, ayaa si adag uga digay burbur ku yimid Af-Soomaaliga, isaga oo sheegay in afku wajahayo dhibaatooyin dhinacyo badan leh oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.
Barafasoorku wuxuu caddeeyay in hoos u dhac muuqda uu ku yimid habdhiska iyo adeegsiga Afka Hooyo, isagoo yiri: “Af Soomaaliga waxaa ku dhacay burbur dhinac kasta ah, hadday noqon lahayd habdhigaalka.
“Afka Hooyo wuxuu u baahan yahay in la horumariyo”, Hadalkan ayuu ku muujiyay walaaca uu ka qabo sida ay uu sii yaraanayo isticmaalka saxda ah ee Afku, gaar ahaan jiilasha cusub.
Wuxuu tilmaamay saddex arrimood oo uu u arko inay saldhig u yihiin daciifinta Af-Soomaaliga, Marka hore, wuxuu xusay in tirooyinka inta badan lagu sheego Af-qalaad halkii laga adeegsan lahaa erayada Af-Soomaaliga, taasoo hoos u dhigaysa ku-hadalka iyo kobcinta Afka.
Marka labaad, wuxuu sheegay in laga guuray adeegsiga saxda ah ee xarfaha Af-Soomaaliga, isla markaana mararka qaar loo leexdo kuwa Ingiriisiga, taasoo dhaawac ku ah higgaadda rasmiga ah ee afka.
Ugu dambayn, wuxuu carrabka ku adkeeyay in magacyada shakhsiyaadka Soomaaliyeed lagu qoro Af-qalaad, arrintaas oo keeni karta in la lumo qaabka saxda ah ee magacyada iyo aqoonsiga luqadeed.
Barafasoor Cabdalla ayaa ugu baaqay hay’adaha waxbarashada, warbaahinta iyo bulshada guud ahaan inay ka shaqeeyaan ilaalinta iyo horumarinta Afka Hooyo, wuxuuna boorriyay in la xoojiyo baridda higgaadda saxda ah, lana dhiirrigeliyo isticmaalka Af-Soomaaliga ee dhammaan goobaha rasmiga ah iyo kuwa bulshada.