MAXAY SOOMAALIYA UGA BAAHANTAHAY DAGAALKA FIKIRKA?
Hordhac Kooban
Dagaalka casriga ah ee dunida maanta ka jira ma ahan mid ku kooban awoodda muuqata ee hubka, balse wuxuu, sidoo kale, ku dhisan yahay loollanka figradaha iyo hanashada qalbiyada dadka. Soomaaliya oo muddo dheer la tacaalaysay xagjirnimo salka ku haysa fikirka rabshadaha wata, waxay hadda maraysaa marxalad ay daruuri tahay in dib loo eego istiraatiijiyadda Amniga Qaranka, iyada oo xoogga la saarayo garaadtoosinta oo ah udubdhexaadka koowaad ee xasilloonida iyo nabaddhiska waara. Muddo dheer waxaynu aaminsanayn in haddii kooxaha rabshadaha wada laga saaro degaan ay halkaas nabad ka dhalanayso, balse xaqiiqadu waxay na tustay in qorigu uu dhulka xorayn karo, balse uusan xorayn karin garaadka maxbuuska u ah fikirka sumaysan. Haddii aan laga guulaysan aragtida qalloocan, xalka millatari wuxuu noqonayaa mid keena nabad kumeelgaar ah; waayo nabadda waarta waxay ka dhalataa maskaxda laga nadiifiyo fikirka sumaysan, middaasna qori laguma gaari karo.
Xagjirnimadu ma ahan dhacdo iskeed u dhalata, balse waa natiijo ka dhalata fikir qalloocan oo si qorshaysan loogu shubay garaadka qofka; fikirkuna ma ahan walax ay xabbadi dili karto ama bir ay goyn karto. Waa inaan si dhab ah u garannaa in qoriga degaan lagu qabsan karo, balse marnaba aan lagu hanan karin qalbiyada dadka degaankaas deggan.
Qabsashada dhulku waa dhacdo kumeelgaar ah oo ku xiran cudud, laakiin hanashada maskaxdu waa guusha dhabta ah ee horseedda nabad aan sahal ku dumi karin. Sida uu qabo faylasuufka weyn ee Jiddu Krishnamurti, “Haddii aan maskaxda laga saarin xabsiga fikirka, jidhku waligii ma dareemi doono xorriyad dhab ah.” Sidaas darteed, baahida loo qabo dagaalka fikirka waa geeddisocod cilmiyeed iyo bulsho oo looga golleeyahay nadiifinta maanka iyo curinta nabad ku dhex dhalata qofka muwaadinka ah, ka hor inta aysan ka dhalan degaanka uu ku nool yahay.
Waa inaan si dhab ah u garannaa in qoriga kaliya degaan lagu qabsan karo, balse marnaba aan lagu hanan karin qalbiyada dadka degaanka.
- Dagaalka Fikirka
Dagaalka ay Soomaaliya ula jirto xagjirnimada ma ahan mid ku kooban fagaarayaasha ay rasaasta ka dhacayso, balse waa mid ka qotodheer oo ka loollan adag, kaas oo ka dhex socda maanka bulshada. Baahida loo qabo “Dagaalka Fikirka” waxay ka dhalatay fahamka ah in hubku uu dili karo qofka, laakiin uusan dabargoyn karin raadka uu ka tago fikirka qalloocan. Cilmibaarisyo caalami ah oo lagu sameeyay asbaabaha dhalinyaradu ugu biiraan kooxaha rabshadaha wata ayaa daaha ka rogay in sababtu aysan mar walba ahayn baahi dhaqaale uun, balse ay jirto “marnaanmaskaxeed” (empty mind); taas oo ah firaaq bannaan oo ka dhex jirta maankooda, middaas oo ay kooxaha xagjirka ahi u helaan fursad ay ku buuxiyaan aragtiyo sumaysan. Kooxahaas waxay adeegsadaan xeelado fikir oo aad u qorshaysan, iyaga oo tixraacaya buuggag udubdhexaad u ah marinhabaabintooda, Sida ku cad buugga “The Management of Savagery” (Maaraynta Bahalnimada), kaas oo qeexaya habka loo curiyo sheekooyin marinhabaabin ah oo looga golleeyahay in qofka looga fogeeyo bulshadiisa iyo qoyskiisa.
Taas beddelkeeda, dagaalka fikirka wuxuu u yimid inuu noqodo dawada iyo difaaca maskaxda, iyada oo loo marayo habka “Loollanka Sheekooyinka” (War of Narratives). Waxaa lagama maarmaan ah in la abuuro Sheeko ku dhisan nuxurka nabadda, dhismaha qaranka, iyo qiyamka suuban ee diinta, taas oo ka xoog badan farriimaha mugdiga ah ee xagjirka. Sida uu xaqiijiyay khabiirka cilminafsiga Dr. John Horgan, geeddisocodka qofka looga saarayo xagjirnimada ma bilaabato illaa marka hore la daciifiyo, lana burburiyo aasaaska fikirka sumaysan ee uu qofku aaminsan yahay. Tani waxay ka dhigan tahay inta ay muhiim tahay in la xoreeyo degaanka, in lamida inay muhiim tahay in la xoreeya maskaxda dadka degaanka.
Haddii aan la dhisin garaad furan oo aqoon ku dhisan, waxaynu u muuqanaynaa dad dhisaya gidaar dushiis la qurxiyay balse seeskiisu debecsan yahay yahay. Haddaba, dagaalku ma ahan mid dhul uun lagu kala qabsanayo, balse waa mid lagu kala badbaadinayo masiirka dhalinyaradeenna; waayo maskaxdu waa sida beer oo kale, haddii aan runta lagu beerin, waxay soo saaraysaa waxsoosaar sumaysan.
Tani waxay ka dhigan tahay inta ay muhiim tahay in la xoreeyo degaanka, in lamida inay muhiim tahay in la xoreeya maskaxda dadka degaanka.
- Awoodda Debecsan
Marka laga hadlayo loollanka ka dhanka ah xagjirnimada, maahan oo kaliya in la burburiyo awoodda millatari ee cadowga, balse waa in la daciifiyo awoodda uu ku soo jiito taageerayaasha cusub. Joseph Nye, oo ah bare sare oo ka tirsan jaamacadda Harvard, ayaa wuxuu ku dooday in awoodda dhabta ahi aysan ahayn midda qasabka ah, balse ay tahay awoodda soo jiidashada, qancinta, iyo dhisidda kalsoonida, taas oo loo yaqaano awoodda debecsan (soft power). Soomaaliya marka la eego, dagaalka fikirku waa awoodda debecsan ee rasmiga ah ee qaranku u baahan yahay si uu uga guulaysto xagjirnimada rabshadaha wata.
Buugga “The Management of Savagery”, qoraagiisa Abu Bakr Naji wuxuu si cad u sheegay in “warbaahinta” iyo “hanashada qalbiyada” (in kasta oo uu isagu si qalloocan u adeegsaday) ay ka muhiimsan yihiin hubka qarxa. Naji wuxuu ku boorinayaa kooxaha xagjirka ah inay abuuraan fowdo si ay u muujiyaan inay iyagu yihiin kuwa kaliya ee nidaam keeni kara. Si arrinkaas looga hortago, Soomaaliya waxay u baahantahay istiraatiijiyadda Awooda Debecsan ah oo ka kooban saddex tiir oo iskaabaya:
- Iskudubbaridka Farriimaha: Waa in dawladdu ay leedahay hal sheeko oo midaysan oo dhiirigelin iyo rajo leh. Dagaalka fikirka laguma guulaysan karo haddii farriimaha dawladda ay yihiin kuwo difaac oo kaliya ah ama kuwa kala socda oo aan isla socon; waa inay noqdaan kuwo midaysan, hal ah oo weerar ku ah beenta cadowga, soona bandhigaya quruxda iyo xasilloonida nolosha.
- Wacyigelinta Culimada iyo Aqoonyahanka: Maadaama kooxaha xagjirka ahi ay dhalinyarada ku marinhabaabiyaan xujjooyin diini ah oo si qalloocan loo adeegsanayo, waxaa lagama maarmaan ah in culimada iyo aqoonyahanku noqdaan kuwa jooga ama qayb ka aha furimaha hore ee dagaalka fikirka. Iyaga ayaa ah dadka bulshadu ku dayato, codkooduna wuxuu toosin karaa fikirka qalloocan ee maskaxda dadka ku jirta.
- Dhisidda Kalsoonida Hay’adaha: Awoodda Debecsan ma dhismato haddii aysan jirin caddaalad iyo adeeg bulsho. Sida uu qabo Sun Tzu buuggiisa “The Art of War”, “Guusha ugu sarraysa waa inaad jebiso difaaca cadowga adiga oo aan dagaallamin.” Tani waxay dhacaysaa oo kaliya marka muwaadinku dareemo in dawladdiisu ay ka turjumayso qiyamkiisa, diintiisa, iyo mustaqbalkiisa.
Cilmibaarisyo lagu sameeyay dalalka ka soo kabsaday argaggixisnimada ayaa muujinaya in miisaanka guusha nabadda ee muddada dheer ay u janjeerto dhanka Dagaalka Fikirka, halka xoogga millatarigu uu yahay kaliya qayb kamid ah xasilloonida. Tani waxay la macno tahay in haddii aan la helin maalgashi weyn oo lagu sameeyo garaadka iyo wacyiga, in guusha millatari ay ahaanayso mid kumeelgaar ah.
“Guusha ugu sarraysa waa inaad jebiso difaaca cadowga adiga oo aan dagaallamin.”
- Kaalinta Bulshada iyo Adkaysigeeda
Garaadtoosintu ma ahan shaqo u gaar ah hay’ado dawladeed oo kaliya, balse waa mashruuc u baahan hannaanka loo yaqaan “Whole-of-Society Approach” ama (Wadashaqaynta dhammaan qaybaha bulshada). Cilmibaarisyo kaladuwan, oo ay ka mid tahay midda ay samaysay hay’adda UNDP, ayaa lagu xaqiijiyay in bulshooyinka leh adkaysiga dhabta ah ay yihiin kuwa leh faham wadajir ah oo ka dhashay garaad furan iyo wacyi dhisan.
Marka garaadka muwaadinka la toosiyo, qofku wuxuu noqonayaa “First Responder” ama qofka ugu horreeya ee dareema khatarta fikirka qalloocan kahor inta aan la marinhabaabinin, deedna uu ku kicin fal dambiyeed. Tani waxay dhisaysaa gidaar difaac ah oo ka bilaabma guryaha iyo dugsiyada, taas oo meesha ka saaraysa fursad kasta oo uu fikirka sumaysan ku dhex baahi lahaa maanka bulshada.
Haddaba, garaadtoosintu waa habka debecsan iyo hubka qarsoon ee ay Soomaaliya ku gaari karto nabad waarta. Maadaama uu qoriggu dilo qofka, fikirka qalloocanna uu dhaliyo kumanyaal kale, waxaa daruuri ah in qaranku maalgashado dagaalka fikirka, si loo dabargooyo asalka dhibaatada.
Si loo xoojiyo istiraatiijiyadda garaadtoosinta ee ay hormuudka u yihiin hay’adaha amniga iyo wacyigelinta ee dalka ka jira, waxaa lagama maarmaan ah qodobbadan soo socda:
- Tayaynta Sheekada Qaranka: In la xoojiyo doorka hay’adaha wacyigelinta iyo warbaahinta qaranka si loo mideeyo farriimaha ka dhanka ah fikirka xagjirka ah, iyada oo la kaashanayo culimada iyo waxgaradka iyo aqoonyahanka, si loo soo saaro farriimo ka turjumaya nabadda iyo wadaninimada.
- Dhaqangelinta Qiyamka Manhajka: In lagu garab-istaago wasaaradda waxbarashada sidii maaddooyinka lagu baro garaadka furan, falanqaynta xogta, iyo qiyamka Soomaalinimada ay u noqon lahaayeen lafdhabarta barbaarinta ardayda.
- Horumarinta Xarumaha Dhaqancelinta: In la ballaariyo adeegyada xarumaha dhaqancelinta ee dalka ka jira, iyadoo lagu xoojinayo hannaanka garaadtoosinta oo ah mid cilmiyeed, si qofka looga saaro fikirka sumaysan loona diyaariyo inuu bulshadiisa dib ula midoobo.
Sida uu yiri Nelson Mandela, “Waxbarashadu waa hubka ugu xooggan oo aad u isticmaali karto inaad dunida ku beddesho.” Garaadtoosintu waa barashada nolosha iyo badbaadada ummadda Soomaaliyeed.
Haddaba, garaadtoosintu waa habka debecsan iyo hubka qarsoon ee ay Soomaaliya ku gaari karto nabad waarta.

Cabdiraxmaan Daahir Xasan
Saxafi wax ka qora arrimaha bulshada, amniga iyo dawladdhiska.