NISA oo 23 ka tirsan Shabaab ku dishay howlgallo ka dhacay Hirshabeelle
War saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in ciidanka qaranka oo garab ka helaya saaxiibada caalamka ay toddobaadkan fuliyeen afar howlgal oo guuleystay, kuwaas oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Howlgalladan oo ahaa kuwo qorsheysan ayaa lagu dilay in ka badan 23 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Shabaab, kuwaas oo qorsheynayay inay weerarro argagixiso ka fuliyaan degmooyinka Hirshabeelle.
Xogta sirdoonka ayaa horseedday in laga hortago maleeshiyaad ay kooxdu ku uruurinaysay deegaannada Waab-weyn iyo Goobo oo hoostaga degmada Maxaas, halkaas oo uu hoggaaminayay horjooge lagu magacaabo Mustaf Caato.
Sidoo kale, ciidanka ayaa beegsaday maleeshiyaad kale oo lagu aruurinayay deegaanka Maxaa Saciid ee Shabeellaha Dhexe, taas oo fashilisay qorshihii ay kooxdu ku doonaysay inay ku dhibaatayso shacabka.
Weerarkii ugu dambeeyay oo dhacay xalay gelinkii dambe ayaa lagu burburiyay xero weyn oo kooxda Shabaab ay ku lahayd degmada Moqokori, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka ay ugu yeeraan Xisbada.
Hay’adda NISA ayaa caddeysay inay sii xoojinayso dagaalka ka dhanka ah Shabaab si loo xaqiijiyo amniga dalka, waxayna muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu baaqday inay la soo xiriiraan laamaha amniga haddii ay arkaan wax kasta oo khatar ku ah xasilloonida dalka.