U bood dhigaalka

​Wasaaradda Amniga oo Amartay in Masuuliyiinta Dowladda ay Taargo u Sameeyaan Gaadiidkooda

​Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay digniin iyo amar ku socda masuuliyiinta kala duwan ee dowladda, kaas oo ku saabsan xoojinta habraacyada amniga gaadiidka si looga hortago isku dayada kooxda Al-Shabaab.

Wasaaraddu waxay si cad u sheegtay in laga bilaabo shanta bisha Maarso aan la oggolaan doonin masuul wata gaari aan lahayn taargo rasmi ah, iyadoo amarkani uu si gaar ah u khuseeyo xubnaha Golaha Wasiirrada iyo mudaneyaasha Baarlamaanka.

Ujeeddada tallaabadan ayaa ah in la dardar-geliyo dadaallada ay hay’adaha amnigu ku sugayaan nabadgelyada caasimadda iyo bad-qabka shacabka, iyadoo laga hortagayo falalka naxariis darrada ah ee Al-Shabaab.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay ka codsatay masuuliyiinta inay ciidamada ammaanka ku gacan-siiyaan gudashada waajibaadkooda, maadaama qaadashada taargadu ay tahay waajib muhiim u ah aqoonsiga iyo xaqiijinta amniga gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.