Turkiga oo Beeniyay inuu Nidaamka Difaaca ee S-400 u Wareejinayo Soomaaliya
Sida ay baahisay warbaahinta Clash Report oo soo xiganaysa Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, dowladda Turkiga ayaa si adag u beenisay wararka sheegayay in nidaamka difaaca hawada ee S-400 loo wareejinayo dalka Soomaaliya.
Wasaaraddu waxay caddeysay inaysan jirin wax qorshe ah oo gantaalladaas lagu geynayo Soomaaliya, iyadoo xustay in qalabkan loo soo iibsaday baahida gaarka ah ee Ciidanka Qalabka Sida ee Turkiga, xilliganna ay ku jiraan xaalad diyaargarow buuxa ah oo ay ku ilaalinayaan amniga qarankooda.
Qoraalkan lagu daabacay Clash Report ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Turkiga ay uga digeen dadweynaha inay rumeystaan wararka la isla dhexmarayo ee aan ka imaan ilaha rasmiga ah, maadaama marar badan oo hore ay jireen sheegashooyin noocan oo kale ah oo ku saabsan nidaamka S-400.
In kasta oo warkan la beeniyay, haddana warbixintu waxay xaqiijisay in Turkigu uu sii wadayo iskaashiga dhanka difaaca iyo amniga ee uu la leeyahay Soomaaliya, kaas oo ay ka mid yihiin dhismaha ciidanka, la dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta khayraadka badda iyo dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo la ilaalinayo danaha istiraatiijiyadeed ee labada dal.