NISA oo faahfaahisay howlgallo ka dhan ah Shabaab oo ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay xubno ka tirsan oo abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo dagaal ka waday Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Hoose, waxaana la dilay in ka badan 40 xubnood.
Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaannada Waab-weyn iyo Isgoyska Madaxyo-weyn ee hoostaga Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad loo diyaarinayay in ay falal argagixiso ka fuliyaan deegaannada ku dhow Maxaas.
Howlgalkan, oo lagu dilay ilaa 17 dhagarqabe, ayaa sidoo kale lagu burburiyay goobo ay gabbaad ka dhiganayeen Shabaab
Dhinaca kale, weerar guul ku dhammaaday oo Ciidanka NISA iyo saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen howdka deegaanka Buulo-naagey ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxaa lagu soo afjaray 23 Shabaab ah oo lagu soo daabulay halkaas si ay u carqaladeeyaan saldhigyada ciidanka qaranka iyo isu-socodka amniga ee gobolka.
Beegsigaas ayaana lagu wiiqay isku-daygii Argagixisada ee ahaa in ay Buulo-naagey u adeegsadaan marin u fududeeya carqaladeynta amniga.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay kor u qaadday dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Argagixisada, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.