NISA oo Howlgal Qorsheysan ku Dishay Horjooge Sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Hantiwadaag oo hoostaga Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ku dilay horjoogihii qorsheeyay weerarkii Al-Shabaab ee godka Jilacow, sidoo kalana ahaa maskaxdii iyo isku-duwihii weerarro argagixiso oo sababay dhimashada shacab, saraakiil iyo ciidamo ka tirsan hay’adaha amniga Qaranka.
Horjoogaha la dilay, oo adeegsan jiray magacyada Kamaaludiin Yuunis Maxamed, Saalim Nuur Sheekh Cabdiraxiim, Caraale iyo Cabdullaahi Xasan Cali, wuxuu ahaa hagaha shabakaddii fulisay weerarkii Godka Jilcaow (4 October, 2025), weerarkii naftii-halignimo ee Kulliyadda Jaalle Siyaad (09 July, 2025), iyo weerarkii Dugsiga Tababarka General Dhega-Badan – Xero Nacnac (10 December, 2025). Waxa uuna si toos ah u maamuli jiray shabakadihii fulin jiray falalka argagixiso.
“Howlgalka xalay ayaa ahaa mid loogu aargudayay dhiigga shacabka, saraakiil iyo ciidamo ku naf waayay weerarradii argagixiso, waxaana daba-galka dhagarqabahan ay qaadatay in ka badan 150 maalmood, iyada oo si gaar ah loo ilaalinayay badqabka shacabka, maadaama uu gabaad ka dhigan jiray goobo rayidku ku badan yihiin, gaar ahaan deegaannada Mubaarak, Ugunji, Daarusalaam, Hantiwadaag, Kurtunwaarey iyo Gendershe, ee Gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri war kasoo baxay NISA.