Booliska Soomaaliya oo xabsiga u taxaabay mid kamid ah la-taliyaasha Madaxweynaha Puntland
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa xabsiga u taxaabay Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ah la-taliyaha amniga ee madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku howlanaa falal amniga lid ku ah.
Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka ayaa lagu soo qabtay ninkn, iyadoo la sheegay in haatan baaris lagu wado, sida lagu xusay bayaan ka soo baxay Booliska.
Booliska Soomaaliya faahfaahin dheeraad ah kama bixin nooca falka uu ninkani ku howlanaa, balse maamulka Puntland ayaa xariggiisa afduubtay ku tilmaamay, ayagoo cambaareeyay tillaabadaas.