WAR DEG DEG: 221 Xildhibaan oo Ansixiyey Dhammaystirka Dastuurka JFS
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meelmariyey wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS).
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa ku dhawaaqay in wax-ka-beddelka la ansixiyey, isaga oo xusay in laga bilaabo maanta uu dhaqan galay.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa yiri:
“221 Xildhibaan ayaa gacanta u taagay dhammaystirka Dastuurka JFS.
Dhanka kale, maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale qaar ka mid ah mucaaridka ku sugan Muqdisho, ayaa horey u qaadacay hannaanka dhammaystirka dastuurka. Waxay ku doodeen in aan si buuxda loo wada dhammayn, isla markaana ay ka maqan yihiin wadatashi iyo is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran.
Arrintan ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo laga yaabo inay keento dood iyo loollan siyaasadeed oo hor leh oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.