WQ: Maxamuud Cali Aadan (Hoorri)
Macallin iyo Suugaanyahan
Ama dhaafso walax
Ama dheefso shilin!
Xildhibaankii shalay qalinduurka lagu soo qoray ma run baa inuu ii doodayo mise ninkii shalay soo dhacay ayuu la dudsanyahay? Ogaalka dadweynuhu ma yahay mid la jaanqaadi kara dastuurka iyo waayaha geeddisocodkiisa? Dastuurku ma yahay mid u qareemaya hooyada bariiska dhacay laga iibinayo har iyo habeen? Ma yahay mid dabraya ganacsatada daawada dhacday dadka ku daldalaysa? Ma yahay mid xaqiisa siinaya muwaaddiinka ku haftay beenta iyo goraya-khaakhlaynta siyaasiga maran? Mayahay mid xakamaynaya afkuxooglaha dadka ku gumaadaya fadwada waallidaha iyo sicirbararka ku dhacay fahanka diinta? Mise waa mid weli mareeg iyo qool ugu xidhan madaxyaweynta isu taqaan waxa loogu yeedho “Saamileyda Siyaasadda”? Midnimada, gobannimada qarannimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed ma yahay, dastuurku, mid xididdada u adkaynaya?
Inta dhimirka wacan
Dhoobadooda jecel
Ama dhoof ku maqan
Taar maw dhigteen?
Inta dhaadka xidhan
Dhakhaatiirta tuban
Ama dheeg u yaal
Buul maw dhisteen?
Inta dhaawaca ah
Dhabar xoodanoo
Dhudhumadu go’een
Dhuub mow jarteen?
Inta dhego la’ iyo
Inta dhaayo xidhan
Qaraxyadu dhileen
Dhaymo mawgu taal?
Dastuurku waa sharciga ugu sarreeya ee dalka hagaya, wuxuuna door weyn ka ciyaaraa dhismaha dawladnimo, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, iyo sugidda xasilloonida bulshada. Sidaas darteed, fahamka iyo qiimaynta dastuurku waa arrin muhiim u ah bulsho kasta oo doonaysa horumar, caddaalad, iyo nabad waarta. Arrintani waxay si gaar ah muhiim ugu tahay bulshada Soomaaliyeed oo muddo dheer la tacaalaysay burbur dawladeed, qaranjab, jidba-kooxeed iyo argaggaxiso, colaado sokeeye, iyo jahawareer siyaasadeed.
Dastuurku waa heshiiska ugu sarreeya ee nidaamiya dawladnimada, isla markaana dejinaya mabaadi’da, xeerarka, iyo qiyamka hagaya wadanoolaanshaha bulshada iyo habsami-u-socodka hay’adaha dawladeed. Wuxuu si cad u qeexaa xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta, isagoo dammaanad qaadaya xorriyadaha aasaasiga ah sida caddaaladda, sinnaanta, iyo ilaalinta karaamada aadanaha. Sidoo kale, dastuurku wuxuu taabanayaa arrimo bulsheed oo muhiim ah, sida xoojinta wadanoolaanshaha bulshada, dhowrista dhaqanka iyo hiddaha, iyo daryeelka qeybaha nugul ee bulshada.
Intaas waxaa dheer, dastuurku wuxuu qeexaa qaabdhismeedka dawladnimo, nooca nidaamka maamul ee dalka, iyo sida ay u shaqaynayaan hay’adaha kala duwan ee dawladda. Wuxuu si nidaamsan u kala saaraa awoodaha dawladeed isaga oo qeexaya saddexda tiir ee dawladnimada: fulinta, sharcidejinta, iyo garsoorka. Kalasoocidda awoodahani waa mid lagamamaarmaan u ah dhismaha nidaam dawladeed oo dheellitiran, kaas oo kahortagga ku-takrifalka awoodda, isla markaasna xoojiya islaxisaabtanka, hufnaanta, iyo kudhaqanka sharciga.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta su’aal muhiim ah oo u baahan in laga fiirsado: intee in le’eg ayay bulshada Soomaaliyeed fahamsan tahay macnaha iyo doorka dhabta ah ee dastuurka? Inkastoo magaca dastuurka si guud loo maqlo, haddana fahanka qotada dheer ee ku saabsan muhiimaddiisa iyo saamaynta uu ku leeyahay nolosha bulshada mararka qaar waa mid xaddidan.
Haddaba, maansadani waxay, sidoo kale, tilmaamaysaa marxaladaha adag ee ay dalka iyo dadkuba soo mareen: burbur dawladeed, dhaawac bulsho, qax, dhimasho, iyo kaladaadsanaan bulsho. Marka laga duulo xaaladahaas, waxaa muhiim ah in la isweydiiyo in nidaamyada iyo xeerarka la soo bandhigayo ay dhab ahaantii xal u yihiin dhibaatooyinkaas, mise ay yihiin arrimo ku salaysan dano gaar ah oo aan si dhab ah u taabanayn baahiyaha shacabka.
Sidaas awgeed, fahanka iyo hirgelinta dastuur caddaalad ku dhisan, si hufan loo diyaariyey, loona fahmay si ballaaran, waa saldhigga lagamamaarmaanka u ah dhismaha dawladnimo sugan, nabad waarta, iyo horumar bulsho oo joogto ah. Bulshada Soomaaliyeed waxay u baahan tahay wacyigelin iyo baraarujin ku saabsan muhiimadda dastuurka, si ay si firfircoon uga qeybqaataan dhismaha mustaqbal ku dhisan caddaalad, wadajir, iyo dawladnimo adag.
Dhakal gorofsan iyo
Dhiil maran dadkani
Dhosoq miid leh iyo
Dhadhan kuma qabee
Mariid iyo dhunkaal
Dhashu kuma kortee
Waxay noo dhigeen
Dhufays lama galee
Ma duruus dhabaa?
Inta dhimirka wacan
Dhoobadooda jecel
Ama dhoof ku maqan
Taar maw dhigteen?
Inta dhaad ka xidhan
Dhakhaatiirta tuban
Ama dheeg u yaal
Buul maw dhisteen?
Inta dhaawaca ah
Dhabar xoodanoo
Dhudhumadu go’een
Dhuub maw jarteen?
Inta dhego la’ iyo
Inta dhaayo xidhan
Qaraxyadu dhileen
Dhaymo mawgu taal?
Ama dhaafso walax
Ama dheefso shilin
Ma mid dhimaya baa
Rasaastii dhacdiyo
Dhashiikii hugmiyo
Dhibkay nagu faleen?
Ama dhaafso walax
Ama dheefso shilin
Ma mid dhaadayaa
Dhafoor-taagistiyo
Dhoobbirkii kibriyo
Dhababacadi baas?
Ama dhaafso walax
Ama dheefso shilin
Ma mid dhicinayaa
Maguurtadii dhuntiyo
Wixii dhacarsadiyo
Dahabkii la dhacay?
Ama dhaafso walax
Ama dheefso shilin
Ma mid dhaafayaa
Waxa dhooban iyo
Dhaleecada jirtiyo
Ceebtii la dhigay?
Ama dhaafso walax
Ama dheefso shilin
Ma mid dhowrayaa
Ama dhimaya baa
Dhugtankii dabkiyo
Dhiiggii qulqulay?
Ama dhaafso walax
Ama dheefso shilin
Ma mid dhaahayaa
Ama dheehin baa
Hidde dhowriddiyo
Dhaqankii la rogay?
Ama dhaafso walax
Ama dheefso shilin
Ma mid dhuganayaa
Guxushaa dhiciyo
Dhaxdin weyda iyo
Dhabeeshii la hugay?
Ama dhaafso walax
Ama dheefso shilin
Mi mid dheegayaa
Dhaxan goynayaaa
Hooyada dhashiyo
Dhallaankii la waray?
Ama dhaafso walax
Ama dheefso shilin
Ma mid dhaharin baa
Ama dhacarin baa
Dhamaskii gubtiyo
Dhirtii qaawanayd?
Ama dhaafso walax
Ama dheefso shilin
Ma mid dhaabayaa
Dhigo iyo udbiyo
Qarankii dhaciyo
Dhisme dawladnimo?
Dhogorbahallayhow
Ama dhaafso walax
Ama dheefso shilin
Dhalool iyo Jadiid
Way kula dhacaan
Kula dheelliyaan
Kugu dhimatay iyo
Kaa dhimatay bay
Dhooddida sariyo
Dhuuxyadu ku oran!
Hadal dhaabad iyo
Dhalan waa u xeer
Taas waxa ka dhigan
Sharci dheelli galay
Waa damal dhiciyo
Dhinbil hoobataye
Bulshadaada dhugo
Dhaayaha ku hay
Jiifaa dhabbacan
Iyo dhidarka ba’an
Dhirif lama rabee
Ha ka dhigan cilmiga.
Gunaanad
Xeer waa xakame ayaa horay loo yidhi, taasina waxay caddayn u tahay sooyaalka suubban ee Soomaalidu ku suntantahay iyo waayaheeda hoggaamineed. Ugu danbayntii, qormadan koobani waa mid iftiiminaysaa ama bidhaamminaysa weydiin culus oo ku saabsan caddaaladda, dawladnimada, iyo doorka dastuurku ku leeyahay badbaadinta bulshada. Waxay si qotadheer u muujinaysaa dhaawacyada muuqda iyo kuwa qarsoon ee ka dhashay burburka dawladeed, colaadihii faraha ka baxay, iyo maamulxumadii ku baahday geyiga Soomaaliyeed.
Dhammaystirka dastuurku waxa uu astaan iyo summad u yahay inaan maanta ka baxnay gardaadintii muddada dheer lagu hagaasay, marna waa oog kuu ifinaya tubaha rejada iyo shamac ka dhex kaahaya galalka tagtada, timaaddo tisqaadi doonta iyo taaganta toolmoon.
Sidoo kale, waxa mudan in lagu baraaruggu qiimaha iyo kaalinta dastuurku u leeyahay hanaqaadnimada dawladnimada iyo hufnaanta hay’adaha qaranka. Haddii dastuurku noqdo mid aan taaban nolosha dhabta ah ee muwaadiniinta, mid aan difaacin xaqa dulmanaha, aan xakamayn dulmiga, isla markaasna aan ilaalin hantida iyo karaamada bulshada, markaas wuxuu noqonayaa qoraal aan naf lahayn oo ku kooban warqado iyo hadallo siyaasadeed. Laakiin haddii uu noqdo mid caddaalad ku dhisan, si hufan loo fahmay, loona hirgeliyo, wuxuu noqon karaa tiirka ugu weyn ee dibudhiska qaran, soocelinta kalsoonida bulshada, iyo xaqiijinta nabad iyo horumar waara.
Sidaas darteed, bulshada Soomaaliyeed waxaa saaran waajib ah in ay si qotadheer u fahmaan, u dhuuxaan, u lafaguraan, u faaqidaan dastuurka, una arkaan heshiis qaran oo ka sarreeya dano gaar ah. Wacyiga, islaxisaabtanka, iyo ka-qeybgalka dadweynaha ayaa ah furayaasha xaqiijin kara in dastuurku noqdo mid dhab ahaan u adeega shacabka.