WQ: Su’ad Arif
Qore & Adeege Bulsho
Ma tahay in la xuso Maalinta Haweenka? Maxay u jirtaa? Maalin walba sow “maalinta hooyada” ma aha? Haweenku sow mar walba ma mudna qaddarin? Waa su’aalaha si ku celcelis ah baraha bulshada iyo wadasheekaysiga caadiga ahba sannad waliba lagu muunaddilo macnaha labada maalin.
Se, aan isla su’aalahaas uga jawaabo su’aalo kale e: maxay u jiraan Maalinta Macallimiinta Dunida iyo tan Soomaaliyeed oo sannad walba loo xusaa? Maxaa sannad walba loo xusaa Maalinta Shaqaalaha, Maalinta Carruurta, iyo maalmaha kale ee caalamiga ah?
Si fudud: ujeedku waa in bulshada la xusuusiyo doorka iyo qiimaha ay kooxahaasi leeyihiin, lana iftiimiyo caqabadaha ay weli wajahayaan. Si cad, maalinta macallimiintu waxay u jirtaa in macallinka looga mahadnaqo doorkiisa barbaarinta iyo hagidda carruurta, laguna qiro xaqiiqada ah in ay macallimiintu ku shaqeeyaan duruufo adag, iyagoo marar badan aan helin xuquuq dhaqaale oo u qalanta dadaalkooda, saa darteed, waa maalin bulshada iyo hay’adaha ay quseyso lagu xasuusiyo; in shaqada macallinnimadu ay tahay tiirka horumarka, ayna mudan tahay in la taageero dhan dhaqaale. Tan haweenkuna sidaas ayay la mid tahay.
Maalinta Haweenka Adduunka, 8da Maarso. Maalin, haween oo idil uga dhigan rejo. Maalin la xusuusto halgankii dheeraa ee ay haweenku u soo galeen helitaanka xuquuqdooda dumarnimo iyo kaqeybgalka hawlaha bulsheed. Maalin dib loo milicsado caqabadaha weli jira iyo waxa laga qaban karo, si haweenku u helaan fursado la mid ah kuwa jinsiga kale ee ina-rag loo qoondeeyey. Ilaa maantadan sida ay warbixinnada QM qorayaan; inta dal ee meeleeyay xuquuqda haweenka, waa midna! Taas oo ka dhigan in meel wal oo ay gabari joogto ay dhibbane u tahay dhoodhoobka dhaqan ee bulshadeeda ka dhex jira!
Taariikh ahaan, Maalinta Haweenku waxay ka dhalatay dhaqdhaqaaqyo ay hablo sameeyeen qarnigii 20aad, iyagoo dalbanayay xuquuq jiritaan, mid waxbarasho, mid mushaar, mid dhaqaale, iyo ka qeybnoqosho go’aannada siyaasadeed iyo arriminta bulsho.
Si gaar ah haweenka Soomaaliyeed, waxay taariikh dheerba wajahayeen caqabado badan oo dumarnimadooda dabrayay, tiiyoo ay door muuqda ku lahaayeen samatabixintii Soomaalida dhinac walba, ka soo bilow noloshii raacatada iyo reerguuraaga, tii xornimadoonka iyo dawladnimada, xilliyadii burburka iyo dibuheshiisiinta. Mar kale ayay iyagu hormuud u ahaayeen barbaarinta jiilashii kala danbeeyay ee u kacaamay bulshada, noqdayna lafdhabarta raadinta nololmaalmeedkooda.
In yar oo ka mid ah dhibaatooyinka/caqabadaha ay habluhu muddada dheer wajahayeen, waxa ay ahayd caddaynta dumarnimadooda. Kama hadlayo astaamaha jireed, se caddaynta jiritaankooda dheddignimo. Sidee? Waxay u dagaallamayeen in ay caddeeyaan in ay u qalmaan xuquuqdooda dumarnimo. Gabadhu waxa ay mar kasta ku qasban tahay in ay marar badan oo badan ismuujiso si ay u hesho ixtiraamkii ay mudnayd. Waxa lagu miisaamaa wax kasta ka hor muuqaalkeeda, sida ay u lebbisato, iyo heerka quruxdeeda, beddelka kartideeda iyo dadaalkeeda qofnimo. Se, ninka cidina su’aal ma geliso ninnimadiisa, xitaa haddii aanu muujin. Cidina ma hubiso in uu u qalmo booska uu bulshada ka hayo. Ninnimadiisaa u goysa aqbalaadda bulsho, la ismana weydiiyo waxa uu qabto, waxa uu yaqaan iyo doorka uu bulshada ku leeyahay.
Sow caddaaladdarro maaha? Haa, oo halkaas ayay ka dhalataa in ay gabadhu si ka badan sida caadiga ah u shaqayso, u hal-adaygto, una qariso nuglaanteeda, mararna ay xuquuqdeeda ka tanaasusho; kaliya si aan dumarnimadeeda loogu arag caqabad, looguna jaangoyn fursadaha ay heli karto. Yacnii, imtixaan aan dhammaad lahayn! Imtixaan ujeedkiisu yahay in waddada horumarka looga weeciyo, kartideedana lagu daciifiyo. Imtixaan ay ku qasbantahay in ay ka dheeraato khalad kasta, maadaama oo khalad yar oo ay gasho loo nisbaynayo jinsigeeda. Waa halkii dhoodhoob bulsheedka e: “Wixii xunba Xaawaa leh!”
Nus qarnigii la soo dhaafay, halgankii haweenku waa uu miradhalay, oo waxa dunida ka dhacay isbeddello waaweyn. Dalal badan ayaa hirgeliyey sharciyo iyo siyaasado taageeraya sinnaanta labada Jinsi dhan xuquuq, inkastoo uusan jriin dal si buuxda u fuliyay axdiyada uu saxeexay. Haween badan ayaa ka soo muuqday saaxadaha horumarka, iyaga oo ka qeybnoqday waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshaba.
Soomaaliya, inkastoo ay ku sheeggan tahay waddan dibudhacsan bulsho ahaan, haddana waa hubanti in dhaqankii laboodka u garbin jiray iyo dhoodhoobkii bulsho uu isdhimay, weliba si weyn. Waa run oo weli waa ay jiraan daldaloollo, hase ahaatee waxa rejagelin ah baraarugga bulsho oo si heer sare ah u kobcay. Hadda, si isku mid ah ayay carruurtu (hablo iyo wiilalba) dugsiyada u aadaan, goobaha ganacsi iyo kuwa hoggaamineedna la mid. Se, weli, yoolku waa in habdhaqannada caadiyoobay ee ku sallaysan kalasarraysiinta labada jinsi ay meesha ka baxaan.
Maxaa la Gudboon Hablaha Soomaaliyeed?
Taariikhdu marag bay ka tahay in xuquuq kasta oo la helay iyo dadaal kasta oo miradhalay ay ka danbayeen dad u hawlgalay, oo qiimi u huray. Maahmaahdii Soomaaliyeed waa tii ay ahayd, “xaglo laaban xoolo kuma yimaaddaan.” Taasoo ka dhigan inay adagtahay in baadi luntay gudcur dam ah lagu baadigoobo, ka dibna la helo. Sida sunnaha dunidu yahayna, waxaa hubanti ah, in aan waxba isdoorrin doonin, illaa ay habluhu majlisyada tagaan, doodaha cilmibulsheed iyo go’aanqaadashadana ka soo muuqdaan. Sida horaba loo yiri: “Haddaadan miiska aayakatashiga fadhiyin, adigaa lagaa tashanayaa!” (If you’re not at the table, you’re on the menu!)
Sidaas darteed, haweenka Soomaaliyeed waa in ay fahmaan in aan cidina ka garaabi doonin waxa ay tabanayaan, ilaa ay iyagu dhacsadaan oo ay ku mintidaan. Yacnii, habloow, ka waantooba caqliyadda catowga iyo cabashada ama sugitaanka iyo dalbashada, ee cadkiinna goosta. Soo bandhiga tabashadiinna, xalkana idinku raaciya! Waa gar oo ma fududaan doonto, se, ha sugina in cid kale idin qeexdo ama ay jaangoyso booska aad bulshada ku yeelanaysaan.
Jiilal badan oo hablo ah ayaa u soo halgamay in ay maantadan gabdhuhu wax bartaan, jaamacado tagaan, ganacsiyo yeeshaan, oo ay fadhiistaan miisaska go’aanqaadashada, si guud dunida iyo geyiga Soomaalidaba, sidaas darteed tacabkaasi ma mudna in la qasaariyo. Gabar walba waa in ay dareentaa mas’uuliyadda ah in ay metesho gabdho oo dhan, waayo, gabar kaga horraysay oo fursaddaa heshay ma jirto. Ogoobeey baadiyaha iyo tuulooyinka waxa ku nool gabdho yaryar oo aan ogayn xaqooda waxbarasho iyo midkooda rabitaan, aan iraahdo jiritaan! Waa in aan lagu ekaan wixii la gaaray e, waa in la sii labajibbaaraa, gabar walbana u dirnaato sidii ay sallaanka horumarka u soo saari lahayd gabar kale.
Waan filayaa in aad jawaabta cinwaanka ka dhex heshay qoraalka! Haddiise aanad helin, gunto: Maalinta Haweenku, nuxur ahaan iyo bandhig ahaanba waa ay jiraysaa, inta ay gabari mudanayso hiifid jinsigeeda awgiis, inta ay gabar Soomaaliyeed dheddignimada darteed ku mudanayso wax aysan goosan, ilaa maalinka ay dunidu ka qaangaarayso in ay kala faddisho labadeeda ubad ee dumar iyo rag.
Naagnimadu ha sarrayso weligeed!