U bood dhigaalka

Ciidanka Xoogga Dalka oo Gacanta ku Dhigay Deegaanka Xawaadleey

​Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib dagaal culus oo ay la galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

La wareegitaanka deegaankan ayaa yimid ka dib markii ciidanku ay muddooyinkii u dambeeyay go’doomin ku hayeen, gaar ahaan tan iyo markii ay la wareegeen deegaanka Jabad Gudane oo daris la ah.

Ciidanka ayaa hadda gudaha u galay deegaanka, iyagoo ka bilaabay howlgal lagu xaqiijinayo amniga iyo sifeynta haraadiga kooxdii horay halkaas ugu sugnaan jirtay.

Guushan ayaa qayb ka ah gulufka ballaaran ee lagu xoreynayo deegaannada ku yaalla hareeraha webiga Shabeelle.