NISA oo Howlgallo Qorsheysan ku dishay in ka badan 22 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu beegsaday maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab ka fuliyay gobollada Hiiraan iyo Mudug, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 22 dhagarqabe oo ku howlanaa abaabulka isku dayo lid ku ah amniga shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalka koowaad oo ka dhacay deegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug, waxaa lagu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaad iyo horjoogeyaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Weerarka Dumaaye waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ay ku jireen horjoogeyaasha kala ah Xudeyfa Galinle oo ahaa gacanyarihii Wakiilka Mudug, Qataatow oo ahaa madaxii hore ee maleeshiyaadka Mudug, Cabdiraxmaan Garwayne oo ahaa madaxii marin-habaabinta deegaanka Jowle, Daahir oo ahaa madaxii baadda ee Dumaaye iyo Dabagalo, iyo Cabdiwali oo ahaa horjoogihii hore ee maleeshiyaadka Bacaadweyne.
Sidoo kale, howlgal ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa isna lagu beegsaday labo guri oo ay ku sugnaayeen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ilaalo u ahaa Mustaf Caato oo ku magacaaban horjoogaha maleeshiyaadka Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan.
Howlgalkan waxaa lagu dilay ilaa toddobo dhagarqabe oo ay ku jiraan labo horjooge oo muhiim u ahaa maaliyadda kooxda, kuwaas oo kala ahaa Qaliif Muumin Sabriya iyo Cismaan Cabdulle Faarax, iyadoo sidoo kale halkaas lagu burburiyay gaadiid ay isticmaalayeen horjoogeyaashan.