U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed oo beeniyay inuu dagaal ka socdo magaalada Baydhabo

Xilli saacadihii la soo dhaafay ay warbaahintu tabinaysay warar sheegaya in iska hor-imaad hubaysan oo u dhexeeya Ciidanka koonfur galbeed iyo xoogagga mucaaradka taageersani uu magaaladaas ka dhacay, ayaa waxaa arrintaasi beeniyay masuuliyiin ka tirsan KGS.

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegayay in dagaal ka dhacay magaalada Baydhabo uusan jirin, balse uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya maamulkaas iyo qolo Muqdisho ku sugan oo uusan carrabaabin.

xaaladda amniga magaalada ayay warar is khilaafsani ka soo baxayaan xilli Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo dalka dibeddiisa ku maqanyahay oo ku sugan yahay Xaramka, halkaas oo uu u aaday gudashada cibaadada cumrada.